Taliyaha Booliska oo isku beeniyey sababta loo xidhay Abshir Xasan Xaashi
![]() |
| Maamulka Riyaale ayaa caado ka dhigay in muwaadiniinta loo xidhi karo sifo sharci baalmarsan |
Hargeysa (Somaliland.org) – Taliyaha Booliska Somaliland, Maxamed Saqadhi Dubbad, ayaa beeniyey war uu hore warbaahinta u siiyey oo uu ku sheegay in Abshir Xasan Xaashi oo ka tirsan Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE loo haysto aflagaaddo uu u geystey Madaxtooyada.
Taliyaha Booliska oo caawa u warramay Radio Hargeysa waxa uu sheegay in warkaas oo lagu daabacay wargeysyada ka soo baxa Hargeysa qaarkood uu yahay been abuur, isla markaana xadhigga Abshir Xasan Xaashi aanay wax lug ah ku lahayn Madaxtooyadu, waxana uu sheegay in loo haysto dembi kale oo aanu sheegin waxa ay yihiin.
Hase yeeshee, Taliyuhu waxa uu sheegay in boolisku ay muddoba ku dabajireen soo qabashada Abshir oo uu sheegay in uu hore u baxsaday.
Taliyaha Booliska, Mr. Saqadhi oo BBC-du wax ka weydiisey shalay xadhigga Abshir Xasan Xaashi, ayaa sheegay inay la xidhiidho been abuur iyo aflagaaddo uu u geystey Madaxtooyada. Waxana uu sheegay in Abshir uu boolisku ku dabajirey muddo dheer, tiroba laba jeerna uu ka baxsaday.
Sidoo kale, Shabakadda Hadhwanaag oo habeen hore markii la qabtay Abshir telefoonka kula xidhiidhay Taliyaha ciidanka Booliska, ayuu u sheegay in Abshir loo haysto Aflagaaddo iyo been abuur uu u geystey Madaxtooyada, muddo dheerna la raadinayey.
Abshir Xasan Xaashi oo ahaa Darawalka Khaaska ah ee Marwada Madaxweynaha, marwo Huda Barkhad Aadan, isla markaana madax ka ahaa Gaadiidka Madaxtooyada ayaa horraantii 2007 shir jaraa’id oo uu qabtay kaga warramay musuqmaasuq qoyska Madaxtooyadu ku lug leeyahay, isaga oo u markhaati furay Wargeyska Haatuf oo Saddex suxufi oo ay ku jiraan Guddoomiyaha iyo Tifatiraha Wargeyska loo xidhay arrimo ku saabsan musuqmaasuqa qoyska Madaxtooyada iyo hanti badan oo ay meelaysteen.
Waxaana la sheegay in wakhtigaas la isku deyey in la xidho, balse, uu baxsaday.
Taliyaha Boolisku waxa uu sheegay in dhowaan maxkamad la horgeyn doono Abshir Xasan Xaashi, isaga oo aan sheegin waxa uu ku eedeysan yahay.
Taliyaha Booliska, ayaa la filayaa in canaani kaga timi Madaxtooyada, laguna khasbay inuu beeniyo warkaa hore ee uu bixiyey.
Abshir Xasan Xaashi oo Boolisku si argagixisonimo ah uga qabtay Hotel Imperial ee magaalada Hargeysa habeenkii Khamiistu soo gelaysey ayaa dad ku booqday Saldhigga Dhexe ee Booliska Hargeysa oo uu ku xidhan yahay waxay sheegeen in si xun loo ciqaabay, isla markaana la jidh-diley.
Dad xog ogaal ah ayaa iyagu werwer ka muujiyey xadhigga Abshir, iyaga oo ka baqaya in la ciqaabo, maadaama Madaxtooyadu cadaawad xun u qaadday.
Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE, Keyse Xasan Cige ayaa cambaareeyey xadhigga Abshir Xasan Xaashi oo uu sheegay in waaran maxkamad la’aan lagu xidhay. Waxana uu sheegay in tallaabooyinka xadhigga ah ee Ciidanka Boolisku ay beryahan dambe kula kacayaan madaxda xisbiga KULMIYE ay dadweynaha tusayaan ku tumashada xukuumadda ee dastuurka iyo xuquuqda muwaaddiniinta.
C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.



Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah
OPINION »
Maxamud Caydiid Lafcanbe
Axmed Xaaji Yuusuf Ducaale
Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”
A. M. Yusuf
Foosi Saleebaan Aw-Bindhe
Maxamed Cali
Mahdi Farah Aden (Mahdi Ghandi )
Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”
Maxamed Jaamac Maxamed
Farah Ali Jama,
Guddiga Jaaliyadda Somaliland
Daha Farah
Shueib A. Gaboose
Cabdilllaahi Axmed Caarshe
Yussuf hassan Umal (Yucuboole)
MORE OPINIONS ›