Madaxdii QARAN oo La Kulmay Lord Avebury
Friday 2nd May 2008
![]() |
| Kulanka Madaxda QARAN iyo Lord Avebury |
Madaxda Urur-siyaasadeedka QARAN ee Mohamed Hashi Elmi & Jamaal Caydiid Ibrahim, oo beryahanba socdaallo ku marayay dalkan Ingiriiska ayaa maanta la kulmay Lord Avebury. Jawiga shirka ayaa ku bilaabmay si ay ku jirto dareen xoog iyo xoog u qaali ah oo kadhashay iyada oo farxad wayn u ahayd dhamaan dhinacyadii shirkan joogtay inay xoriyadda labadan masuul tahay guul dimuquraadiyadda Somaaliland u soo kordhay. Waxaa kulankaas hadal soo dhaweyn ah ku bilaabay Lord Avebury oo ugu mahad naqay masuuliyiinta Qaran dadaalka ay u soo mareen dimuqraadiyada Somaliland iyagoo la soo kulmay caqabado aad u adag. Ujeedadooduna tahay sidii loo sii kobcin lahaa dimuquraadiyadda curdinka ah ee ummadda reer Somaliland yagleeshay. Qun yar socodkaa dimuquraadiyadeed oo noqotay kan sharafta iyo qaddarinta Somaliland caalamka kaga heshay.
Labada Mudane waxay si weyn ugaga mahadnaqeen Lord Avebury qaybta weyn ee uu ka qaatay guud ahaan qadiyadda Somaliland iyo soo dayntoodii wakhtigii ay xidhnaayeen. Iyaga oo tilmaamay waxa kaliya ee ay rabaan in ay tahay ama ay u aasaaseen ururkoodu in uu yahay sidii dimuquraadiyadda Somaliland ay u sii kobci lahayd.
Waxaa kulankaas si weyn loogu falanqeeyey sababaha keenay in aanay ururkooda loogu oggolaan inay ka qayb qaataan doorashooyinka dalka ka qabsoomidoona dhawaan iyo sababaha keenay inaan illaa iminka loo oggolaan inay si dimuquraadiyad ah u dhameeyaan qadiyadooda. Waxaa laysla gartay in xoog loo sii eego sababta distuurka looga booday lana hagaajiyo arrimahaas si aanay dimuquraadiyadda Somaliiland khalkhal u gelin mustaqbalka. Arrimo badan baa meel la isla dhigay una baahan in loo dhameeyo sida ugu dhakhsaha badan.
![]() |
| Kulanka Madaxda QARAN iyo Lord Avebury |
Waxaa labadaa Mudane la socday Marwo Lulu Farah, Dr Ahmed Mohamed iyo Ahmed Ibrahim Kadleye oo ka kala socday ururada SIRAG UK, Article 32, Somaliland Overseas iyo ururo kale.
Waxaa maanta farxad wayn u ahay martidii shirkaa joogay maadaama dimuquraadiyada iyo freedom of speech-ku ama xoriyatul qawl oo uu yahay tiirka ay Somaliland dimuqraadigeedu ku dhisan tahay ujeedada socdaalkooduna ay ku yimaaddeen dalkan Ingiriisku wuxuu ku saabsanaa sidii ay ugu mahadniqi lahaayeen saaxiibada Somaliland (friends of Somaliland ) qaybta weyn ee ay ka qaateen xoriyadooda wakhtigii ay xidhnaayeen iyo guud ahaanba taageerada ballaadhan ee ay marwalba lagarab taagan yihiin Somalilanda.
Masuuliyiinta QARAN waxay mahadnaq diiran u soo gudbiyeen dhamaan ururadii soo casuumay iyo friends of Somaliland. Iyada oo Shirarka ay la leeyihiin bulshada reer Somaliland, ururada iyo masuuliyiin kaleba halkaa ugasii socon doono dalka Ingiriiska inta ay joogaan. Insha’Allah waanu idinla soo socodsiin shirarka danbe siday u dhacaan
Ahmed Ibrahim Kadleye on behalf of the meeting delegates. Kadleye024@hotmail. com Somaliland Overseas




Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah
OPINION »
Maxamud Caydiid Lafcanbe
Axmed Xaaji Yuusuf Ducaale
Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”
A. M. Yusuf
Foosi Saleebaan Aw-Bindhe
Maxamed Cali
Mahdi Farah Aden (Mahdi Ghandi )
Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”
Maxamed Jaamac Maxamed
Farah Ali Jama,
Guddiga Jaaliyadda Somaliland
Daha Farah
Shueib A. Gaboose
Cabdilllaahi Axmed Caarshe
Yussuf hassan Umal (Yucuboole)
MORE OPINIONS ›