Golaha Wakiillada oo ansixiyey ajandaha Kalfadhi aan caadi ahayn

Hargeysa (Somaliland.org) – Golaha Wakiillada Somaliland ayaa fadhigii maanta ansixiyey ajandaha Kalfadhi aan caadi ahayn oo uu goluhu gudagalay, kadib markii uu dhammaaday kalfadhigii caadiga ahaa toddobaadkii hore.

Ajandaha kalfadhiga aan caadiga ahayn ayaa ka kooban saddex qodob oo kala ah: Ansixinta Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah, Ansixinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2008 iyo wixii kale ee soo raaca ama yimaadda.

Kalfadhiggan aan caadiga ahayn ayaa wuxuu soconayaa muddo bil ah. Waxaana muhiimadda ugu weyn ee kalfadhiga aan caadiga ahayni tahay miisaaniyadda oo aan ilaa iyo hadda golaha la horkeenin.

Sida ay sheegayaan warar xog ogaal ah Miisaaniyadda Dowladda ee 2008 ayaan weli la horgeyn Golaha Wasiirrada oo soo ansixinaya inta aan loo soo gudbin Golaha Wakiillada.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


TOP

31 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008