Toloow Isaaq Ma Ogtahay, Inaanu Samaroon Ogayn Danbi Lagu Galayo Magaca Samarroon?
Toloow Isaaq Ma Ogtahay, Inaanu Samaroon Ogayn Danbi Lagu Galayo Magaca Samarroon?
Waa Jawaab kooban oo an u celinayo Axmed Cali Ducaale (Ina Cali Kildhi) iyo qormadiisii dheerayd ee halku dhigeedu ahaa: “Tolow Samaroon Ma ogtahay Denbiga Magacooda Lagu Gelayo”?: http://www.somaliland.org/2008/05/01/tolow-samaroon-ma-ogtahay-denbiga-magacooda-lagu-gelayo/
Saaxiib, marka hore waad ku mahadsantahay maqaalkaagaas iyo sida intii karaankaaga ahayd ad iskugu hawshay inaad innoo biloowdo dood xaq iyo xaqiiq raadis ah. Walaal Axmad, horta Samarroon waa bulsho weyn ballaadhan oo bad iyo barri ku kala baahsan, mana jiro wax bulsho weyntaasi ballaadhani ogyihiin oo danbi ah oo lagu galay ama xitaa lagu galayo ama lagu gali doono magacooda. Intaasi waa jawaabtaadii oo kooban.
Balse waayahaye, haddii laga tegi waayo, oo Ilaahaybay tiisu u nagidahaye maalinkaa maanta ah lays weydiinayo, waxa ay bulsho-weynta beelaha Samarroon ogyihiin?. Waxan ku odhan lahaa; bulshoweyntaas beelaha Samarroon waxay ogyihiin in, iyaga danbiyo laga galay oo iskana liqeen, kuwii ka galayna la wadaageen Qaran, oo waliba hogaankana u qabteen. Waxay bulsho-weyntaasi ogyihiin inay bad-baadada iyo jiritaanka Qaranimada Somaliland daraadeed, ay u dayaceen gobolkoodii oo baylah uga dhigeen uguna dul qaateen dhib kasta oo gobolkaasi lagu hayo.
Waxay bulshadaasi ogtahay in, hadhaagii hogaamiyayaashii (sida Axmad Silaanyo) Jabhadii (SNM) qabiilka Isaaq u halagmi jirtay, ee gumaadka ka gashay dadka reer Awdal, hadana ay taageero iyo diyaarba ula yihiin inay hogaanka dalka qabtaan haddii doorasho timaaddo. Taasna waa gobnimada ad adiguba noo qirtaye, halkaasi ayuunbaad kaga hadhi lahayd, ama waxad soo akhrisan lahayd gartaada inta anad geedka la iman. !
Geedka waxad la timidday, Madaxweynaha dalka oo Samarroon ah ayaa dalka ka galay danbi, wuxuna ku galay magaca Samarroon. Taasina jawaabteedu waxay tahay:
Madaxweynuhu wuxu dalka ku xukumaa Kitaabka Distoorkii laga dhaxlay Marxuun Maxamad Xaaji Ibraahim Cigaal(AUN). Khdubadihiisa oo dhana wuxu Madaxweyne Daahir idiinku muujiyay inuu distoorkaasi idinku xukumi doono, idinkuna garaaci doono, ee marnaba idiinma sheegin inuu distoor iyo xeer samarroon leeyahay idinku xukumi doono. Sidaa daraadeedna, dee hadduu dalka danbi ka galay wuxu u cuskaday distoortka ad idinku noola timaadeen. Idinkaana danbi iska galay dhexdiina’e, samaroon ma oga danbi lagu galay magacooda, danbina idinkama galin.
Hadal iyo dhammaantii; adiga oo ah Mudane Axmad Cali Ducaale, haatan iyo wixii ka danbeeyaba waad ogsoontahay oo waanu kuu sheegnay inaanu samaroon ogayn danbi lagu galayo magacooda. Balse, su’aasha an idiin dhaafayaayi waxay tahay, toloow Isaaq Ma ogtahay Inaanu Samarroon ogayn Danbi Lagu galayo magacooda Samarroon?.!
Sidaa iyo Nabad iyo Caano Mr Ducaale, doodduna innoo furan.
Cabdiqani Yuusuf Caateeye (Ina Yuusuf-Faras Cadde)
hiildan@yahoo.com


Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah
OPINION »
Maxamud Caydiid Lafcanbe
Axmed Xaaji Yuusuf Ducaale
Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”
A. M. Yusuf
Foosi Saleebaan Aw-Bindhe
Maxamed Cali
Mahdi Farah Aden (Mahdi Ghandi )
Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”
Maxamed Jaamac Maxamed
Farah Ali Jama,
Guddiga Jaaliyadda Somaliland
Daha Farah
Shueib A. Gaboose
Cabdilllaahi Axmed Caarshe
MORE OPINIONS ›