Dhugta waxa idiin qoran - Xuska sannad-guurada 2aad ee HRC
W/T Jaamac Muuse Jaamac, 2/5/2008.
“Dhugta waxa idiin qoran” waxay soo baxday saaka waaberigii, maalin Jimce ah 2da bisha 5aad ee 2008da, waana farriin aan jeclaystay inaan dhambaalwadaha u mariyo Naadiga Akhristeyaasha Hargeysa, oo caawa u debbaaldegaya xuska sannadguuradii labaad ee kasoo wareegtay aasaaska Naadiga.
Naadigaan ku dhaatee
Ehel iigu dhow een
Dhab wax u wadaagniyo
Dhallintii Hargeysaay
Maya! dhaha qabiil dhiga
Kulligiin mar wada dhaha
Dhista waxa idiin dana.
Riyadii dhabowdiyo
Dheehdii labeentiyo
Dhuuxii wanaaggiyo
Dhallaankii aqoontow
Maya! dhaha jahliga dhiga
Dhufta qalinka oo dhiga
Dhugta waxa idiin qoran.
Inta dhaadday garashiyo
Dhaayihii dadkaygoow
Dhiiggii naftaydoow
Dhaqashadii tisqaadkiyo
Dhambaalkii samaantow
Dhulkoo wada barwaaqiyo
Dharab xays ku reeboow
Dhawaaq sida wanaag iyo
Timaaddada dhabeeyoow
Dheddig iyo labkiinuba
Bulshadayda dhabar iyo
Dhardhaarraaw tihiine
Maya! dhaha qabiil dhiga
Kulligiin mar wada dhaha
Dhista waxa idiin dana.Maya! dhaha jahliga dhiga
Dhufta qalinka oo dhiga
Dhugta waxa idiin qoran.
Dhambaakani ha u muuqdo mid u gaar ah xubnaha Naadiga Akhristeyaasha Hargeysa, balse waa farriin ku socota dhammaan dhallinyaradeenna, waxaanaan ku martiqaadayaa qof kasta oo dhallinyaro ah oo waddankeennii ku nool inuu kusoo xidho Naadiga Akhristeyaasha Hargeysa.
Jaamac Muuse Jaamac,
Pisa, jama@jamamusse@com




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday