Xukuumadda oo Tanaasul muujisay: Madaxweynekuxigeenka oo sheegay in Doorashada Madaxtooyada laqabanayo wakhtiga Komishanku qabtay

Xafladdii Madaxweyne Ku Xigeenku Goobjoogga ka ahaa bishii October 2007, halkaas oo xisbiga UDUB ku saxeexay inay aqbalidoonaan muddada doorashada ee Komishanku gooyo
Hargeysa (Somaliland.or) – Madaxweynekuxigeenka Somaliland, mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa shaaca ka qaaday in doorashada Madaxtooyadu ay qabsoomi doonto 31ka December, 2008, haddii Komishanku go’aamiyo inay dhacdo, isaga oo sheegay in cidda wakhtiga doorashada cayimi kartaa ay tahay Komishanka Doorashooyinka qaranka.
Madaxweynekuxigeenka, mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, oo maanta ka hadlay xaflad loo sameeyey ballaadhinta Telefishanka 2aad ee Madaxa bannaan Somaliland, HCTV (Horn Cable Tv) oo baahintiisa geliyey Satellite-ka, caalamka oo dhanna laga daawan doono, waxa uu sheegay in aanay jirin cid is hortaagi karta 31da Dec 08 haddii Komishanka uu go’aamiyo, isla markaana muddada Guurtidu u kordhisey muddada xilka Madaxweynaha iyo Madaxweynekuxigeenku aanay caqabad ku noqonayn qabsoomidda doorashada.
Madaxweynekuxigeenka oo khudbad dheer munaasibaddaas ka jeediyey, waxa uu ka warramay marxaladihii ay soo mareen hannaanka doorashooyinka Somaliland, murankii sharci ee markasta ka taagnaa, gaar ahaan, diiwaangelinta codbixiyayaasha oo sabab u ah dib u dhaca doorashada Madaxtooyada iyo dowladaha Hoose iyo xaaladda cakiran ee dalka ka taagan wakhtigan ee ka dhalatay go’aanka Guurtidu muddada xilka ugu kordhisey, dibna ugu riixdey doorashada, taas oo hoggaamiyayaasha xisbiyada mucaaridka ah iyo masuuliyiin kale oo halkaa ka hadlayba ay ka digeen khatarteeda, haddii aan loo helin xal ku dhisan isu tanaasul iyo wadatashi.
Waxana uu Madaxweynekuxigeenku ku tilmaamay arrin la yaab leh is-afgaran waaga taagan, isaga oo sheegay inay caddahay in Guurtidu sharci u leedahay inay muddada kordhiso, sidoo kalena Komishanku awood u leeyahay inuu qabto doorashada ama cayimo wakhtiga ay dhacayso.
“Dadku miyay is afgaran la’ yihiin? Mise Muuqoodaa joogee, maankoodu ma joogo. Waa wax lala yaabo,” ayuu yidhi.
Waxana uu raaciyey, “Sababtoo ah, Guurtidu sharci bay u leedahay inay wax kordhiso. Laakiin, maalinta doorashada la qabanaayo yaa leh? Ma Komishanka iyo Axsaabtaa wax kordhin kara? Waa maya. Guurtidu waxbay kordhisey, iyana waxa inoo yaalla, haddii ay timaaddo Komishanku in 31 Dec. doorashadii Madaxtooyadu ay dhacayso, way dhacaysaa”.
Madaxweynekuxigeenka oo hadalkiisaa lagu soo dhoweeyey sacab, waxa uu meesha ka saaray wakhtigii Guurtidu u cayintay qabashada doorashada Madaxtooyada ah oo ahayd 06 April 2009. Waxana uu yidhi, “Guurtidu iyadu time (wakhti) bay qabataa. Waa limited time tashriici ah, laakiin, maalinta doorashada la qabanayo Komishankaa soo sheegaya. Maalintaa haddii Komishanku yidhaahdo 21 Dec. bay bannaanaatay oo ansaxday oo Komishankii iyo xisbiyadii isku raaceen, dabadeed, Madaxweynow soo saar (Xeer ku soo saar), waa khasab”.
“In la isku dawakhiyo wax aan jirin maaha. Waxaan leeyahay ummaddana yaynaan jaahwareerinin, dunidana yaynaan jaahwareerinin, ee bal horta diiwaangelintan ina hortaalla aynu is dhaafino,” ayuu yidhi Madaxweynekuxigeenku.
Hase yeeshee, Madaxweynekuxigeenku waxa uu tilmaamay qodobo ka mid ah xeerka Diiwaangelinta codbixiyayaasha oo aan suuragal ka dhigayn in muddadaa Komishanku cayimay lagu qabto doorashooyinka, kuwaas oo uu sheegay in wax-ka-beddelkooda hadda la hadal hayo, isla markaana lagu eedaynayo Xukuumadda. Waxana uu sheegay in aanay xukuumaddu eeddaa lahayn, balse, waxa uu ku dhalliilay Komishanka Doorashooyinka inay dayaceen wax-ka-beddelka ama Kaabista Xeerkaas maadaama uu yahay xeerka ay ku shaqaynayaan.
Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu u tilmaamay komishanka iyo ciddii danaynaysa wax-ka-beddelka xeerkaas inay u tagaan Golaha Wakiillada.
Isaga oo ka hadlaya Madaxweynekuxigeenku xisbiyada Mucaaridka, waxa uu yidhi, “Mucaaridka horta ha la yaabina, waxaydinaan ula yaabin, mucaaridku waa Geel aan cokanayn, geel aan cokanayn haddii ceel la keeno wuu jibaadaa … Annagu (xukuumadda UDUB) waan cokanahay oo darkii baanu galay, markaa muxaafidiinta waxaan leeyahay ha dhibsanina”.
Hase yeeshee, Madaxweynekuxigeenku waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in dadka wax-ma-garatada ah aan qal la gelin.
“Dalkani geli maayo Vacuum, maalinta qasriga nalaga helo waxaanu leenahay Welcome, saaxiibayaal soo dhowaada,” ayuu yidhi.
Ma kala cadda in hadalka Madaxweynekuxigeenku uu ku salaysan yahay tanaasul Madaxweyne Riyaale iyo xukuumaddiisu ka gaadheen khilaafka cakiran ee ka taagan go’aankii golaha Guurtidu muddada xilka ugu kordhiyey iyo in ay tahay ra’yi shakhsi ah oo ku kooban Madaxweynekuxigeenka.
Madaxweynekuxigeenka Somaliland, mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa isagu marar hore oo khilaafaad adagi dhexmaray xukuumadda iyo Mucaaridka iyo golayaasha qaranka dhexdooda ku baaqay wadahadal, isaga oo markastana mawqif macquul ah iska taaga arrimaha la isku qabto, balse, waxa caado noqotay in Madaxweyne Riyaale is hortaago hindise kasta oo uu keeno Madaxweynekuxigeenku, kana dhiga fikrad isaga u gaar ah.
Hadalkan Madaxweynekuxigeenkuna waxa uu soo baxay laba maalmood kadib, iyada oo Madaxweyne Riyaale hadal uu u jeediyey labada Gole ee Guurtida iyo Wakiillada ku caddeeyey in aanu ogolayn wax waanwaan iyo wadahadal ah, balse, ay waajib tahay in sharciga loo hoggaansamo.
Dhinaca kale, waxa jira dareemo soo baxaya oo iftiiminaya in Xukuumaddu gudaheeda ka soo dhiraandhirinayso tanaasul, biya-dhaciisu yahay in meel dhexe la isugu yimaaddo, isla markaana doorashada Madaxtooyada la qabto Dec. 31, halka Mucaaridku dalbanayaan in doorashada Madaxtooyadu soo horrayso oo la qabto 06 Okt.
Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, Cali Maxamed Warancadde oo ka hadlay xafladdaa ayaa isaguna sheegay in Mucaaridka iyo xukuumaddu ay wadahadli doonaan, dhowaanna laga maqli doono heshiis.
Xafladdaas waxa kale oo ka hadlay labada guddoomiye ee labada xisbi ee mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE, Faysal Cali Waraabe iyo Xaaji Axmed Maxamed Siilaanyo, waxayna mar kale ku celiyeen mawqifkooda ah in laga wadahadalo xaaladda, maadaama muddada xilka Madaxweynuhu ay ku egtahay 15 May oo hadda ay ka hadhsan tahay laba toddobaad. Waxa kale oo ay labada guddoomiye xaqiijiyeen in aanay horseedayn qalalaase iyo nabadgelya-darro, iyaga oo sheegay inay Somaliland uga lexejeclo badan yihiin cid kasta oo kale, balse, xukuumadda looga baahan yahay inay aqbasho sharciga.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa isagu sharraxaad ka bixiyey heshiiskii labada xisbi ku gaadheen in aanay Madaxweyne u aqoonsanayn Daahir Riyaale marka muddadiisa sharciga ahi dhammaato May 15, waxana uu sheegay in markii Madaxweyne Riyaale iyo Golaha Guurtidu ay burburiyeen heshiiskii saddexda xisbi iyo Komishanka, iyaguna [xisbiyada mucaaridka ah] ay istaageen mawqifkaa adag ee ah in marka muddada xilku ka dhammaato Madaxweynaha aanu sharci ahayn, balse, waxa uu sheegay in mawqifkaasi aanu ahayn lama taabtaan ee laga wadahadli karo.
C/risaaq M. Dubbad,
Somaliland.org, Hargeysa.

TACSI »
Dhambaalo Tacsiyadeed Oo Ka Kala imanaya Daafah Dunida: Marxuum Cali Sheekh Maxamed Jirde