OPINION

Warqad Furan:Xusbiyada Mucaridku (Kulmiye & UCID)

Ku: Xusbiyada Mucaridku (Kulmiye & UCID) 

      Dahir waa FULAY, Axmaqa oo garanayni Dhex dhexaadin iyo wada Hadal toona. Dahir Riyalena waxaa halka inagu soo gaadhsiyay waa Isha uu ka arkay Mucaridka. Isaga oo kale Hadalku ma galo,  dad ayaa Been u sheegay in uu Somaliland  JUJUUB, CABSI iyo BEEN uu ku haysan karo. Haddii ay tani u hirgasho, Somaliland Doorasho ka dhaci mayso. Golaha Guurtida ayaa 5 Sanno oo kale u kordhin doona. Golaha Guurtiddu waxaa ay u go’aamiyeen in uu xukunka sii hayo illaa dalka oo dhan doorasho ka dhacayso. Inta uu joogana waxaa uu isku dayi doona in ayna doorasho ka dhicin dalka oo dhan. 

Wadahadka Dahir Riyale miyaan laga daalaynin, imisa wadahadal ayuu Ummada kaga baxay. Markaa waa Nacas Nimo in WADAHADAL iyo MASLAXAD lagu taliyo. Dalkana  XEER JAJAB kuma jiri karo, ee waan in Runta ninkan loo sheego. 

Waa in Dahir Riyaale Miiska u garacdan si uu u fahamo “IN AYNA JIRIN CID ADUUNKA MADAXWAYNE U AQOONSANI”. Ummada Somaliland iyo labadooda xusbi oo kaliyi ay u aqoonsan yihiin inuu Madaxwayne yahay. Malinta kaga eeg tahay 5tii sanno ee Ummaddu doortay, in aanu Somaliland Madaxwayne ka sii noqonaynin.. Haddii uu taa diido waa in uu ogaado in ayna  Somaliland khal khal galaynin, ee uu Guriga uu u hayso in uu yahay QASRIGA Madaxtooyada in uu u noqon doono JEEL, uu ku sugo Jeelka wayn ee la dhisayo. Afarta askari ee uu isleeyahay Hargaysa ayay kugu ilaalinayaan, waa in loo cadeeyo in ninkastaaba xafadiisa iskaga noqon doono, ee aanu Dahir Riyale Difacaynin. 

Markaa waa in aydun ka talo bax daan wadahadalka uu waddo Cabdillahi Ciro, maxaa yeelay Qudbada Dahir Riyale iyo Shirkii ay qabteen Wasiirada uu soo diray waxaa ay ka turjumayaan in Ninkani diyaar u ahayn Heshiis iyo talo wadag. Ujeedada wadahadalkiisuna ay tahay:

  1. In xaalada uu dajiyo, si uu ugu Cimri dherarsado. Iyo
  2. Wakhtigii la doortay dhamado iyada oo wadahadalku socdo. Marka Wakhtigu dhamadana, afartiisa AF-MIISHAAR dadka ka dhaadhicyo in xukunka loo dayo Madax waynaha, si aanu dalka ‘Vacuum’ inooga galin.

 
1) Markaa waa in Golayaasha Dhexe ee labad xusbi (UCID iyo Kulmiye) ay shirkooda wada qabsadaan. INTA AAN LA GAADHIN MAY 15, soo sarantan Go’aan ay u  wada dhanyihiin, oo odhanaya :- 

“Malinta ay gaadhin May 15 in Dahir Riyale u aqonsanaynin Madaxwayne”. 

2) INTA AAN LA GAADHIN MAY 15, waa in Xubnaha Golaha Wakiilada ee labdiina xusbi iyo kuwa UDUB ee Garadka lihi ay wadajir ugu gudbiyan Golaha Wakiilada mooshin odhanaya 

“In Dahir Riyale wakhtigii doorashada Ummada Somaliland u dooratay in ay kaga egtahay May 15, Golahuna yahay golaha ka wakiilka ah ummada Somaliland, Malinta waxii ka dambeeya aanu sharcigu u ogalayn inuu Madaxwayne Somaliland ka sii ahaad.” 

3) INTA AAN LA GAADHIN MAY 15, waa in si wadajira ugu magacawdaan in Gudoomiyaha Golaha wakiiladdu Cabdillahi Ciro uu yahay Madaxwaynaha Ku sii meel gaadhka ah, sida ugu dhakhsaha badana uu u dhiso Dawlada Qaran oo Dalka gadhsisa Doorashooyin Xor ah oo Xalaala. 

4) Haddii uu Dahir Riyale isku adkeeyo xukunka, oo uu doono inuu Jujuub ku haysto dalka. 

Waa in aydun bilawdaan in aydun abaabulshaan Mudahaarado dalka oo dhan ka dhaca oo dadku ka codsanayan  Dahir Riyale in uu Xukunka iska dhiibo, dalkana aanu khal khal galin. Hadii xukunka hunguri ka hayana iska soo sharaxo xusbiga UDUB.  
 

SOMALILAND HA NOOLATO, CADOWGEEDUNA HA JABO!!!!!!!!!!!!!!! 
 

Engr. Omar Yousuf

California, USA


TOP

31 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008