Wadihii Gaadhiga Lagu Toogtay Hani Xasan Oo Shegay Inuu Ahaa Shirqool La Doonayay In Isaga Lagu Khaarajiyo

Hanna Hassan Jama
Hanna Hassan Jama, oo u geeriyootay rasaas ay ku rideen ciidanka Riyaale soo dhoobay dariiqyada Hargeisa

Hargeysa, April 28, 2008 (Haatuf) – Koox Ciidan ah ayaa habeen hore abaaro 11: 30 toogasho ku dilay gabadh dhalinyaro ah oo magaceeda la yidhaahdo Hani Xasan Jaamac oo saarnayd gaadhi ay ciidamadaasi rasaas oodda kaga qaadeen, rasaastaas oo xabad ka mid ah oo uga soo dustay dhinaca ay ka saarnayd gabadhaasi ay kaga dhacday kelida bidix ta kalena ka baxday, waxaanay qadar saacado ah kadib ku geeriyootay Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

Aabaha dhalay Hani Xasan, Xasan Jaamac ayaa shalay goor uu joogay cusbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa sheegay in Hani ahayd inanta qudha ee uu dhalay, isla markaana aad uga murugaysan yahay dilkeeda. Waxa uu sheegay Xasan Jaamac in Hani ay aroos ka timi wakhtigii ciidamadu toogteen.

“Waxa qudha ee aan ku qancayaa waa iyada oo lay soo qabto nimankii iyo ciidamadii dilay inantayda” ayuu yidhi Xasan Jaamac.

Taliyaha Bileyska Maxamed Saqadhi Dubad ayaa Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da u sheegay in ciidanku rasaasta ay ku rideen kadib markii gaadhiga ay Hani saarnayd uu xawli ku jiidhay ciidanka oo isku dayay inay joojiyaan.

Goobta ay ciidankani ku sugnaayeen markii rasaasta la beegsadeen gaadhiga ay Hani saarnayd, ayaa la sheegay inay ahayd agagaarka Beerta Xoriyadda, halkaas oo ah inta badan meel aanay ciidanku istaagin habeenkii gawaadhidana aan lagu baadhin.
Hase yeeshee Wadihii Gaadhiga ay ku geeriyootay Marxuumad Hani Xasan oo hadda bileysku gacanta ku hayaan ayaa ciidanka rasaasta la beegsaday gaadhigiisa ku eedeeyay inay fulinayeen shirqool la damacsanaa in isaga lagu khaarajiyo.

Weriye Haatuf ka tirsan oo Saldhigga Dhexe ee Bileyska kula kulmay wadihii gaadhiga la rasaaseeyay oo magaciisa la yidhaahdo Cabdi-Casiis Aadan ayaa waxa uu u sheegay in aanu arag wax ciidan ah oo waddadaas jooga, balse uu mar keliya ku war helay qaraxii rasaasta ay ku soo rideen, waxaanu yidhi: “Saacaddu markay ahayd 11:20 (habeen hore) aniga oo maraya waddada Beerta Xorriyada watana gaadhigayga, ayay nimankani si axmaqnimo ah rasaas oodda igaga qaadeen, waxaanay rasaastii ku dhacday inan (gabadh) aan ka soo qaaday xaflad, taas oo rasaastii ku dhacday awgeed u geeriyootay. Waxaan caddaymo u hayaa in ciidanka rasaasta igu ridday ay ahaayeen niman fulinaya shirqool dil ah oo ay ku talo-galeen, sababtoo ah marnaba may taagnayn waddada, imanay joojin, balse waxay ku dhex jireen dhirta dhexdeeda oo ay dhufays ka dhigteen, rasaastana waxa laygu ridday markaan la gudboonahay sida ka muuqata gaadhiga oo ay rasaastu kaga dhacday daaqadda hore.”
Hase yeeshee Cabdi-Casiis wuxuu ka cudur-daartay inuu tafaasiil dheeraad ah ka bixiyo sababta isaga dilka loogula beegsanayo, waxaanu tibaaxay inuu dib ka sheegi doono arrintan oo faahfaahsan.

Cabdi-Casiis waxa kale oo uu sheegay in ciidanka rasaaseeyay ay yihiin ciidamo milateri ee aanay ahayn ciidan Bileys, waxaanu isagoo arrintaas ka hadlaya yidhi: “Markii aan gaadhay saldhigga dhexe ee Bileyska waxan ogaaday in ciidanka I rasaaseeyay uu yahay ciidan milateri ah oo dhowaan laga keenay gobolka Awdal, Sarkaalkii haystay ciidanka milateriga ah ee dilkan fuliyay waxa uu yimid saldhigga dhexe hortiisa, waanu iska-kay qariyay si aanan u aqoonsan wejigiisa, ilaa saacaddan aynu joogno lama keenin gacan ku-dhiiglihii xarumaha bileyska, waxaana muuqata in la qarinayo. Sidaas darteed waxaan aaminsannahay in ninka rasaasta igu ridday uu doonayay in uu aniga I dilo si ku-talo-gal ah.”


TOP

179 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Obamo-mania: How the Growing Phenomenon Felt up North

Mohamed A. Awale

Comments on the First American Presidential Debate of 2008

Ibrahim H. Gagale.

Mujaahid cabdiraxmaan iyo mujaahid ibraahim dib ah isu xisaabiyeen.

Maxamed Jaamac Cali (faroole).

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno.

Hamud Duale

Hangaraarac Lug Ka Go’day Uma Dhutiyo Gar Diidna Waa Alle Diid Ee Garabka Cabdiraxmaan Aw-Calow Maxaad Gartii U Diideen Adinkoo Og Gardarradiina!!!

Qalinkii: Shueib A. Yusuf

GARAW LAGUUMA HAYEE GAR CEEBLA MA MARSANAYSAA INA AW CALI FAARAXOOW

HASSAN KHADAR

Maxaa kugu doortaa mar kale Dahirow?

Daha Farah

The Kulmiye Wonderful Drama

Mohamud Tani

Mulacyaynta iyo jiitankan inaan dani ku jirin waa muuqatey.

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

Kulmiye miyuu burburey mise wuu bislaadey?!!!!.

Osman Omar Dool

ROGE:Sheeko wacani waa in ay sidan ahaataa!

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

SOMALILAND A STATE OF FAULTLESSNESS

Mohamed Omar

Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi..

Khadar Aw Axmed Camir

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid

Foosi Saleban Aw-Bindhe

Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

C/casiis Xirsi Cumar

Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”

Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad

Miyaanay Daw ahayn Inay Darka kuu galaanoo intay idin Doojiyaanoo Galaanka idiin Daraan

Abdillahi Dabey

Garnaqsoo Wax Ii Sheeg Gefna Waa Halkiisee

Mohamed Ismail

Cabdirahmaan Aw Caliyow Xasuuso Dhoolatuskii 2003 iyo Codadkii Aad Ka Keentey

Amina Hagi Mohamoud

Buugtii 2007 Soo Baxday Yaa Tartansiiyey

Jamac Dhalaax

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

HAMBALYO TV SOMALILAND EUROPE ee Stockholm, Sweden oo Toban jirsaday.

Hambalyada Ciidda ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE