OPINION

Tolow Samaroon Ma ogtahay Denbiga Magacooda Lagu Gelayo

Qormadan waxaan jeclaystay inta aanan si balaadhan ugu daadegin qoraalkayga in aan ku cadeeyo, in aan qabo in geedi socodkii dimoqraadiyada iyo nabadaynta Somaliland ay si balaandhan uga soo qaybqaateen beesha Samaroon.  In ay dalka xilligii ugu muhiimsanaa ee ay qalalaasaha siyaasadeed ee qaska xambaarsanaa ka jiray, ay isku dayeen in ay muruqooda, maalkooda iyo madashooda intaba ku badbaadiyaan dalka iyo dadka Somaliland, waxayna halkaas ku heleen sharaf badan, sidoo kale dareen hore oo beesha dhexe ( Isaaq) tirsanaysay oo layska cafiyey, lagana walaaloobay ayaa halkaas si wacan loogu sii aasay, goobtaasi waa shirkii ay martigeliyeen ee Boorame, waa goobtii hantidoodii iyo dhulkoodii, rag iyo haween ay u fayteen sidii sooryo sharafeed, madal gobeed oo karaamo xambaarsan ku soo dhaweeyn lahaayeen dadka birmagaydada ah ee reer Somaliland, si loo unko qaran Somaliland ah, arrinkaas waa loo hayaa reer Awdal, Samaroon Siciid rag iyo haweenba.
 
Arrimahaas aynu kor ku soo xusnay, waxay sabab ama gogol dhig u noqotay is aamin, walaalnimo, dareen wadaniyad loo dhan yahay, in meesha laga saaro wixii dhacay, dadkii dhintay loo wada duceeyo, in xittaa la aaminay kuwii reer Samaroon ee denbiyada loo tirinayey, in xilal iyo maamuusyo loo dhiibay, taariikh danbe la unkay, la awday, la daboolay wixii daaha ka rogaya aanooyin aafeeya dalka iyo ummada Somaliland. Waxaa arrimahaas ka taliyey dad ujeedo qaran leh, dareen dadnimo leh, dawlad iyo cadaalad doonaya, waana muhiim in aynaan wadadii ka leexan, si dogobo holceed oo aynu si adag oo adkaysi badan ku aasnay innoogu soo bixin.
 
Aan u soo noqdo dareenka maanta, dariiqa ay Somaliland marayso, horena waxaa loo yidhi ninka aan hadalka runta ka sheegin, wax ka xun ayuu ka sheegaa, ninka aan hadalka ka badheedhina cad gobonimo ma laha. Maanta Somaliland oo ka soo gudubtay dhamaan marxaladihii siyaasiga ahaa ee dimoqraadiyadeed, waxay ku mergatay hanaankii fulinta dimoqraadiyada, waxay ku mergatay asluubtii is ixtiraamka, waxay ku mergatay habdhaqankii isu qabsoomida, waxay kaloo ku mergatay kuna hafatay jidhkii isu dulqaadashada. Halkaas markay marayso su’aalo ayaa lays waydiinayaa, arrimahaas cidmaa loo tirinayaa? Yaa masuuliyadeeda qaadaya? Kuwee lagula xisaabtamayaa?
Dalka Somaliland laba hoggaamiye ama sadex hoggaamiye malaha ayaa laysla qiray, hoggaan fulineed oo qudha ayuu leeyahay, wuxuu ka soo jeedaa Samaroon, waa nin reer Awdal ah, waana nin ka mid ah raggii dalka xukuumadii Somaliya ee Siyaad Bare, raggii dalkan Somaliland u maamuli jiray. Yeelkeed arrinkaas la soo dhaaf, maanta waa madaxweyne qaran, wixii dheef iyo dhib dalka u soo hoyda masuul ayuu ka yahay, Samaroona sida dhaqanku yahay labadaba waa la wadaagtaa, waana waajib in ay iyaga oo hanaankii dhaqan raacaya, raacaya habka wadashiga ee Somaliland, ay Madaxweynaha la taliyaan, badbaadiyaan dalka, ka saran xaalada dalku uu marayo, kala badbaadiyaan ummada, qudhoodu haddii dhib dhacdo waxbaa soo gaadhaya ee naftooda badbaadiyaan. Yaanay ku eegin madaxweynaha isaga oo Hargeysa soo tubay ciidamo uu ka soo daadgureeyey Awdal oo ku xakamaynayo ummada degaanadaas, arrinkaas oo dhabar jab ku ah qaranka, arrinkaas oo soo kicin kara nabaro boogo hoosta ka leh, in ay ka maamusaan waa mid aan hore loo filayn. Waa waajib in ay arrinkaas ka hadlaan iyo arrimo kale, waa tahdiid, waa ciidan, waa wax soo saaraya cuqdado hore, maaha in ay dhacdo, mana filayo in aanay beesha Samaroon laftoodu arrinkaas dareenka keenay ka war la’yihiin. Kolay rag talo ayuu ku jiraa, idina waxay illa tahay talo ayaad ku jirtaan, sidii waxaas loo maarayn lahaa waad wadaan ayay illa tahay. Waxaanse odhanayaa waa kelmad aan xaq u leeyahay iyo odhaah waayeel.
 
Samaroon maaha in ay eegto, daawato, dana aanay ka gelin, falka dhaqan xumada ah ee Cabdillaahi Dheere ka wado Gollaha Guurtida, ragga birmagaydada ah ee beelaha u fadhiya gollaha ee uu leeyay kalfadhiyada ma soo xaadiri karaan, baaskoolada loola baxayo, loo hanjabayo, xattaa Baar Xaraf inta loogu yimi loogu hanjabay. Waa arrin naxdinteesda leh, halka uu ku danbayn doonana welwelkeeda leh. Waxaa kaloo ka mid ah dumarka xurmada leh ee shaqooyinka helay, muwaadiniinta ah, sida Marwo Amina Weris ( Xaaska Guddoomiyaha Kulmiye) ee shaqadii si badheedha loogu diiday, waynu ogayn oo cid arrinkaas jeclaysatay ma jirin, dareenkiisana wuu lahaa, cidii ka danbaysayna iswaydiin mayno.
 
Sidoo kale Mujaahid Gaboose, Mujaahid Maxamed Xaashi, Mujaahid Gaboobe, Mujaahid Xamarji, Muj; Dayr, Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar, Boqor Buurmadow, Xasan Siciid iyo qaar kaloo badan oo birmagayda ah, ayaa jeellala lala beegsaday, xadhiga qudha ee soo raaca ee dalka ka dhacay ee siyaasadeed, waa xadhiga weriyaha reer Awdal Maxamed Cumar, oo mihnadiisa lagu haysto iyo in uu madaxbanaan yahay. Ma jirto xadhig kale oo aan ahayn beesha dhexe( Isaaq) oo ka dhacay dalka, ma jiro xadhig beelaha dacalada ah oo boolisku dabagalay. Ragga kale ee xadhiga lala daydayey ama la amray in la soo qabqabto waxaa ka mid ah.  Muj: Maxamed Kaahin, Mujaahid Muuse Biixi iyo rag kale oo badan, waa maxay denbiyada ay dadkan isku reerka ahi galaan ee dadka kale ee reer Somaliland ay geli waayeen?  su’aashaas waxaan u dhaafayaa Beesha Samaroon in ay madaxweynaha waydiiso. Waxaas oo dhan oo denbi ah, mid dhaqan, mid siyaasadeed iyo mid kaleba tolow Samaroon ma ogtahay denbiga magacooda lagu gelayo.
 
Waxaan ku soo gunaanadayaa qormadan, waa in doodi inoo furantaa, waa in si niyadsami ah laysu waydaarsadaa aragtiyaha, waa in aynu wax is waydiinaaa, si looga gaashaanto colaado si filan waa ah ama qorshe xumo ah innoogu qarxa, colaad iyo calool xumo ina kala dhexgasha. Waxaaa xaqiiqa ah in dadkii waxan haddeer dhacay, wixii ka horeeyey iska cafiyey, waxani ma dhibayaan, laakiin in lays waraystaa meesha ku jirta. Waxaana loo fadhiyaa, dadka reer Somaliland isha ku hayaan, dhawrayaan beesha Samaroon iyo dareenkeedu in yihiin kuwo ummada la wadaaga dareenka iyo in uu madaxweynaha ku raacsan yihiin arrinkan, waxaana leeyahay nin la sugayow adna yaad sugi.
 
Axmed Cali Ducaale ( Ina Cali Kildhi)
Kayse_cali_80@hotmail.com


TOP

31 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008