Ninkii Qayrkii Loo Xiirayow Soo Qowso Adiguna
3 qof, dadoodu ka yartahay 25 jir, ayaa si sahlan ciidamada Somaliland ee Qalabka sida iyo kuwa Booliisku ugu dileen togasho caasimadda Somaliland ee Hargeysa dhexdeeda.
3 qof ee qudha ay ka jareen ciidamada Somaliland wax hub ah oo ay siteen ma jirin markii si ula kaca ay xabadaha loogu furay. Amarka askartu ay fulinayeen ay ahaa mid logu talagalay in lagu amusiiyo shacabka khaatiga ka taagan hab dhaqam xumida ka soo butaacaya xukuumadda Madaxweyne Dahir Riyaale Kaahin.
Muddaba xukuumaddu si sharciga ka baxsan waxay xidxidhausay suxufiyeen, siyaasiyeen iyo muwaadiniin caadi ahba. Intaa waxa u dheeraa muwaadiniin ciidamadu dileen oo aan cidna loo qaban ama loo ciqaabin.
Taasi waxay in dhaxalsiisay in duhur cad askartu rasaas oodda kaga qaadaan shicib u cabanayey dawladooda oo mudaharaad ku muujinayey dareenkooda iyo muwaadiniin ku soo guryo noqonaayey hooyguudii kadib markii ay soo dhamaysteen xaflad aroos ahayd oo magaalada Hargeysa. Inta ku dhimatay waxaa 10 laab ka badan inta ku dhaawcantay rasaastaas. Yaa loo qabtay? Cidna, wayaan jawaabtu. Waxaab dhacday in madaxda Dawladda Hoose iyo Wasiirka Arrimaha Gudhu ay isku toor tooreen masuuliyadda dilalkaas. Waxaad ka dhandhansanaysaa, in ayna lahayn dareen muwaadinnimo iyo mid binniadanimo midna. Guddi loo saaro,waxay soo kordhinaysaa ma jirto. Sabata oo ah, imsa jeer bay wax dhaceen oo guddi loo saaray. Natiijo midna lagama hayo.
Waa nasiib darro in xabadii cadowga loogu talo galay inshicibka loola soo baxay laguna laayey laguna dhaawcay.
Waa arrin lagu yaqaan xukuumad sii dhacaysa oo aaminsan in xukunka ku haysan karto qori caaradii.
3 dhalinyarro, oo mid ka mid ihi, ay tahay gabadh 20 jir ah, waxay sawir cad ka bixinaysaa in shacabka oo dhamina taas ku bushaaraystaan in lagula kacayo oo waliba askartoddi amar lagu siiyey in ay toogtaan shacabka. Arrinkaas waxa uu noqon doonaa tusbax furmay. Ninkii Qayrkii Loo Xiirayow Soo Qowso Adiguna
‘Ka dar oo dib dhal’, shalay golihii wakiiladda iyo guurtidu iskugu timid si ay u dhagaystaan khubadda Madaxweynaha, ayaa laga dareemaayey in xitaa xildhibaanadii loogu yimid golahooda baadhitaan foolxun lagula kacay. Haddaba maxaad u malayn dadka shicibka ahna.
Golayaasha Barlamaanada waxa ka xaaraan ah in hub lala galo, laakiin ka Somaliland waxa fasaxay Madaxweyne mudadii kaga dhamaanyso 15ka May 2008 oo u hanjabaya golihii wakiiladda ee shacabku soo doorteen.
Shacabka Somaliland waxa la gudboon in aanay marnaba ka yeelin Madaxdood, ta joogta iyo kuwa soo socoda mustaqbalkaba, in loo fuliyo hamadooda ha in ay si sharciga baalmarsan ku haystaan awooda dalka.
Shacabka reer Somaliland, si wadjir ah, meel kast uu jooggo ha ka gilgilsho xasuuqa noocan ah, haddii kale waxa suurta gali doonta majaraha awalba laga lahaa talaabooyinka noocan ah.
Mohamed Yonis Awale
Myonisawale@yahoo.com


Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah
OPINION »
Maxamud Caydiid Lafcanbe
Axmed Xaaji Yuusuf Ducaale
Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”
A. M. Yusuf
Foosi Saleebaan Aw-Bindhe
Maxamed Cali
Mahdi Farah Aden (Mahdi Ghandi )
Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”
Maxamed Jaamac Maxamed
Farah Ali Jama,
Guddiga Jaaliyadda Somaliland
Daha Farah
Shueib A. Gaboose
Cabdilllaahi Axmed Caarshe
Yussuf hassan Umal (Yucuboole)
MORE OPINIONS ›