OPINION

Dilka Hani Xasan, Hargaysaay Yaa Loo Haystaa?: Qaybta 2aad.

Dilka Hani Xasan, Hargaysaay Yaa Loo Haystaa?:  Qaybta 2aad.
 
Jawaab:  Haatufnews/Somaliland.org
 
Qaybtii koowaad ee maqaalkan wuxaynu ku qayaxnay sida an uga xunnhay dilkii bahalnimada ahaa,  ee loo geystay HANI XASAN JAAMAC (AUN). Waxa kale oo aynu isku weydiinay su’aasha muhiimka ah ee ku saabsan cidda dilkaasi loo haysto, inagoo jawaabta masuuliyada dilkaasna ula badheedhnay inaan dusha ka saarno guud ahaan xukummadda Somaliland oo leh madax iyo muwaadiniinba.
 
Qaybtan labaad ee isla mawduucan isaga ah, waxaynu ugu jawaabaynaa shabakadaha Somaliland.org iyo Haatufnews oo soo kala xigtay jawaab ku saabsan cidda dilkaasi loo haysto. Gaar ahaan qoraalka aynu ka jawaabayno waxa lagu soo bandhigay Somaliland.org, ciwaankiisuna wuxu ahaa: “Wadihii Gaadhiga Lagu Toogtay Hani Xasan Oo Sheegay Inuu Ahaa Shirqool La Doonayay in Isaga Lagu Khaarijiyo”.  
http://www.somaliland.org/2008/05/01/wadihii-gaadhiga-lagu-toogtay-hani-xasan-oo-shegay-inuu-ahaa-shirqool-la-doonayay-in-isaga-lagu-khaarajiyo/
 
Sida qaalibka ah, ciidamada qaranka Somaliland waxay ka kooban yihiin qooys iyo qabiil kasta oo Somaliland ku nool. Sidaa iyo si le’eg golayaasha maamulka sare ee dalkana waxa ku jira cid walba. Sidaa daraadeed in reer gooniya farta lagu fiiqo ma ahayn jawaabta an sugaynay iyo sobabta aynu u biloownay mawduucan markiisii horaba. Hase yeeshee  Haatuf iyo Somaliland.org sidii ay rabeen ayay u rogteen. Sidaasi oo ah in ciidamo reer Awdal ahi geysteen dilkaasi waxshinnimmo.
 
Hadaba, haddii aynu sidooda u raacno, waxaynu leenahay,  ilmaadeerayaaloow haddii ciidamada ka yimmidday awdal aanay ahayn ciidamada Somaliland oo ay ka duwan yihiin, dee noo soo celiya annagaa u baahane. Sidaa iyo si le’eg, haddii madaxweynaha dalka ka taliyana ad na leedhiin isna waa reer Awdal oo sidaa daraadeed wixii ka danbeeya 15 ka May ma ogolin, isna noo soo celiya. Intaba anagaa u baahan oo waxay naga caawin doonaan ku dhawaaqida AWDALLAND oo ka kooban gobolada Awdal, Salal, Saw, Lughaya, Gargoorray iyo Dila. Sucuudigii waa ka noqo, umana baahnin Somaliland .!
 
Hadal iyo dhammaantii; waanu ka xunnahay dilka loo gaystay haweenay da’a yar oo waxba  an galabsan, oo taasi ka noqon mayno, in xuquudeedii si wada jir ah loo raadsho oo sharci wax lagu dabaqana waan taageeraynaa. Waxanse aad  uga sii xunnahay in dilkaas dusha loo saaro reer Awdal, halkii si wada jir ah loo saari lahaa xukummada dalka oo cid walba leh, oo taasi aqbali mayno, ogolaan mayno oo diidnay. Shabakadaha Haatuf iyo Somaliland oo warkaasi ku kooban yahay iyo inta rumaysan doontana waxan leenahay Af-gaal iyo Af- Muslim midkood an idiinku nimaadno, wadajirka Somaliland iyo kala jirka Somaliland midka ad jeceshihiin noo soo sheega.
 
Nabad iyo Caano.
 
Cabdiqani Yuusuf Caateeye
 
Wargeyska HiilDanExpress (Codka DanYarta Soomaaliyeed)
 
http://hiildan.org/


TOP

31 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008