Roobabkii Gu’ga oo Somaliland ka curtay


Sida warara naga soo gaadhay Somaliland caawa ay caddeeyeen waxa Somaliland ka curtay roobabkii Gu’ga. Magaalada Burco ayaa la sheegay in roobabku ka da’ayeen caawa.

Sida ay saadaaliyeen khubarada saadaasha hawada ku takhasusay, maalmaha soo socda ee Arbacada, Khamiista, Jimcaha iyo Sabtidaba waxa dalka ku soo fool leh roobab inkasta oo ay u sii badnaan doonaan labada maalmood ee soo socda.

Roobab ka da’ay Togdheer

Wararka hadda iga soo gaadhaya Burco ayaa sheegaya in roobabkii gugu ay bilaabmeen, ilaahay mahadii weeye. Waa roob bilaabmay saacad ka hor – waana lagu qabowsaday.

Mohamed Hussein Roble
London - UK


TOP

135 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008