Madaxweyne Riyaale oo berrito hortagaya labada Gole ee Baarlamanka

Hargeysa (Somaliland.org) – Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa la filayaa berrito inuu hortago labada gole ee Baarlamaanka – Guurtida iyo Wakiillada – halkaas oo uu hadal uga jeedin doono xildhibaanada labada Aqal.

Warka sheegaya in Madaxweyne Riyaale berrito hadal u jeedinayo labada gole ee Baarlamaanka oo aan si rasmi ah daboolka looga qaadin, waxa xaqiijiyey ogeysiis caawa fiidkii laga baahiyey telefishanada oo lagu wargelinayo mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka inay ka soo qaybgalaan fadhi wadajir ah oo labada aqal ee Baarlamaanku berrito yeelan doonaan.

Ogeysiiskaas oo ay ku saxeexnaayeen Labada Xoghaye ee labada gole, waxa tafaasiil ah kama bixin ujeeddada fadhiga wadajirka ah ee labada gole. Hase yeeshee, warar xalay soo baxay ayaa tibaaxay in Madaxweyne Riyaale uu ku talajiro inuu hortago labada aqal ee Baarlamaanka.

Lama garanayo sababta keentay tallaabadan uu Mudane Riyaale ku hortegayo labada gole, xilligan oo dalku ku jiro xaalad murugsan oo xasaasi ah, taas oo ka dhalatay mudda-kordhintiisa golaha Guuridu go’aamiyey dhowaan iyo weliba waxa uu la gola-tegi doono.

Sidoo kale, waxa aan la ogeyn munaasibadda uu Madaxweyne Riyaale ku beegayo tallaabadan.

Dastuurka Somaliland ayaa Madaxweynaha ku waajibinaya inuu sannadkiiba hal mar khudbad sannadeed u jeediyo labada gole ee Baarlamaanka. Waxaana la filayaa in Madaxweynuhu qallaynayo khudbaddii sannadka. Dhinaca kale, Golaha Wakiillada Somaliland ayaa fadhigii sii maanta isku raacay inay sii wadaan kalfadhi aan caadi ahayn oo socon doona muddo bil ah, xaaladda dalku ku jiro wakhtigan awgeed.

Kalfadhigan aan caadiga ahayn waxa kale oo lagama maarmaan ka dhigaya miisaaniyadda dowladda ee 2008 oo aan weli golaha la horkeenin, isla markaana la filayo toddobaadka soo socda in golaha loo soo gudbiyo.

C.risaaq M. Dubbad,

Somaliland.org, Hargeysa.


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra