Goleyaasha Iyo Hadalkii Riyaale

Maxay ka siman yihiin Khudbadii Siyaad Barre jeediyey January 1991 iyo tan uu Riyaale jeediyey April 2008?

Waxaa maanta labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada si wada jir ah ugu jeediyey qudbad Madaxweynaha waqtigiisii dhamaanayo ee Riyaale. Hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaya oo malaha loogu tala galay qudbad sanadeedkii ayaa sida lasheegay waxaa fadhiyey 138 mudane oo labada gole ah, 23 wasiir, komishinka doorashooyinka ee qaranka, wuxuuna kullankaasi ka dhacey xarunta golaha guurtida. Kulankaas waxaa daadihinayey Gudoomiyaha Wakiiladda Somaliland C/raxmaan Cirro.

Hadaba intii aanu Riyaale ugellin nuxurka qudbadiisa waxa uu si toos ah Riyaale uga cudur daartey inaan wax su’aal ah la weydiin karin. Arrinkaas ayaa dhaliyey sawaxan iyo guux lagu diidanyahay in Riyaale diido in wax su’aal ah la waydiiyo.

Qudbadda Riyaale waxa nuxurkeedu ahaa in aanu ka tanaasuli doonin kordhintii golaha guurtidu u samaysay oo uu ku sheegay inay sharci tahay. waxa kale oo uu ku soo qaaday inaay muhiim tahay in laga guuro siyaasad beellaysan oo la hiigsado dawlada dastuur iyo kala dambeyn leh, xeerna ku dhisan. Waxa kale oo ka hadlay baadidoonka aqoonsiga qaranimo, xoojinta nabadgelyada, fidinta iyo gaadhsiinta maamulka gobolladda, horumarinta awooda dhaqaale, taaba gelinta garsoorka iyo cadaalada. Waxa kale oo si dheer ay qudbadu uga warantay qaybo badan oo bulsha ijtimaaciga ah iyo tan dhaqan/dhaqaale ee Somaliland hiigsanayso.

Inkasta oo arrimaha kor ku xusan oo dhami ay ku jireen qudabadda Riyaale, waxaa la odhan karaa waxaa gundhig u ahaa laba arrimood:

1) Inuu iska rido masuuliyadda dastuuriga ah ee ah in uu sanadkiiba hortago Golaha Wakiiladda.

2) Inuu hor gooyo amaba oo fekerkiisa caddeeyo inta aaany si rasmi ah u furmin wadahadalka laga gelayo muranka hadheeyey siyaasadda Somaliland ee ku salaysan mudo kordhinta guurtidu samaysay.

Hadaba waxaa la isweydiinkaraa, Maxay ka siman yihiin Khudbadii Siyaad Barre jeediyey January 1991 iyo tan uu Riyaale jeediyey April 2008?

Jawaabtu waxa ay noqon kartaa;

B) Labada qudbadoodba waxay ku sifaysanyihiin caalwaa iyo cimri tegey.

T) Labada qudbadood waxay ku sifoobeen “Aniga oo keli ah ayaa wax odhanaya“. Siyaad Barre idaacaddii muqdisho ayuu ka jeediyey hadalka, Riyaalena walow ay horfadhiyeen ku dhowaad 200 oo sharaf iyo karoomoba lihi, waxa uu doortay in uu intuu hadlo albaabka boobo.

J) Waxa labada qudbadood ku calaamadsan in eeda lagu mooso meelo kale. Tusaale ahaan waxa uu Riyaale si toos ah canbaarayn dusha uga saaray deeq bixiyayaashii caalamiga ahaa ee Somaliland uyimi inay wax u taraan. Taas oo si toos ah dhaawac ugu geysatey magaca iyo haybadda wadanka curdinka ah ee Somaliland.

X) Labada hadal (Kan Riyaale iyo ka Siyaad Barre) waxay iskaga mid yihiin xaqiiq iska indho-tir, gef xaga sharciga ah iyo weliba xaaladda dhabta ah ee taagan oo aan hoosba looeegin. Tusaale ahaan Siyaad Barre iyada oo Muqdisho badhkeed gubanayo ayuu waxa uu aad uga hadlay in beeraha la fasho oo wadanka iyo khayraadkiisa la aamino. Dhanka kale, Riyaale maba soo hadal qaadin dhacdooyinkan u danbeeyey ee sababay dhimashadda iyo xasilooni daradda ee soo badanaysa.

Ugu danbayn waxaa ku cad hadalkan u danbeeyey in aan Madaxweyne Riyaale wadadii jujuubka iyo qarda jeexa dastuurka dalka dhinacna uga baydhin. Waxaana haboon in uu kalsooni siiyo wasiiraddii uu u igmaday wadaxajoodka arrimaha taagan, si loo helo xal waara oo lagaga baxo is qabsiga siyaasadeed ee Somaliland hadheeyey.

Omar

Golisnews


TOP

146 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Reply to ‘Is the concept of democracy completely misunderstood by kulmiye party- by Asiya Garaw’.

M. A. Duale

Kulmiye Waa Aqoontiii iyo Aqoonyahan kii Somaliland,Geesigii Iyo Geesiyiiintii Somaliland,Mustaqbalkii Shacabka somaliland

Cali Kayse Kabadhe

Lib Murkucatay!

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

God Walaal Ha Qodin Haddaad Qoddana Haku Dheeraan Ku Dhicidoontid Ma Ogide!

Shueib A.Yousuf

Election in Mogadishu will be neither fair nor free

Abdi Mohamed Ali

Lafagurka Shirkii Golaha Dhexe Kulmiye 3aad

Abdiaziz A Musa

Lafagurka Shirweynahii Golaha Dhexe ee Kulmiye

Abdiaziz A Musa

Dimuqraadiyada Ayaa Ku Jirta

Musa Adan (Muse Qodaal)

Sooyaalkii iyo Geeddi-socodka Xisbiga Kulmiye iyo xaaladda maanta taagan

Sayid Maxamed Yuusuf

Hambalyo Silaanyo & Saylic

Mohamed Yonis Awale

Xisbiga Kulmiye laanta NORWAY: Hambalyo!

Laanta Norway, Kulmiye

Dildillaaca Kulmiye!

Maxamed Baashe X. Xasan

Hambalyo Shirka Kulmiye

Guddida Fulinta UK

Kulmiyoo Doorta Axmed xaaji cali Cadami

Axmed Xirsi Madar

Kulmiyoow Snmta hore iyo Snmta dambe midkeed dooran?

Cabdale Farah Sigad

Sifooyinka laga rabo qofka madaxdaa

Ahmed Dahir Elmi

Badha Badha Faisal Ali Warabe and the SNM

By Sagal Say Wallahi

Prof. Ismail Are waxa diyaar u ah siddeed boqol oo kun ( 800,000) oo cod.

Ahmedweli Goth

Xubinimada (ACCA) iyo Musharaxa Maxamed Cali Xirsi

Jama Ali Tooxyare(Jama Arani), London, UK

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher: Aways Adam Cisman & Muna Muxumed Ismaaciil

Hambalyo Aroos: ABDIRISAQ ISMAIL IYO MUNA WADAAD YARE

HAMBALYO MEHER:Mudane Xariir Ducaale Axmed & Marwo Khadra Cismaan Nuur