Badhasaabka Togdheer Oo Canbaareeyey Shir Burco Lagaga Hadlay Sicir Bararka

Burco (Somaliland.org) – Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Jaamac Cabdilaahi Warsame (Biin) ayaa maanta si adag u cambaareeyay kulan lagu qabtey magaaladda Burco islamarkaana waxa uga digey Ganacsatada Hudheelada waaweyn in aanay dhiirigalin inay ku gafaan sharciga dalka.

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer oo shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo arrintan ku qabtay xafiiskiisa Burco waxa uu jawaab kulul ka bixiyay shir 26 April lagu qabtay Hotel Barwaaqo kaasi oo lagaga hadlayay in Wasiirada Dowladda lagala hadlo sidii loo dhimi lahaa canshuurta iyo waliba qodobo kale.

Shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen guddiyo iskood isu abaabuley oo ka kala yimi qaybaha bulshada, isla markaana barnaamujkooda ugu magacdaray “Sidaynu u noolaanaa” ayna ka qaybgaleen ilaa boqol qof oo qaarkood ahaayeen ganacsatada adhilayaasha iyo kuwa kaleba waxaa gabagabadii lagaga dhawaaqay guddi loogu talogalay inay mushkiladaha sicir bararka iyo korodhka qiimaha shidaalka toos ugala xaajoodaan xukuumadda.

Laakiin Gudoomiyaha Gobolka ayaa waxa uu shirkaa ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn shuruucda dalka, isla markaana aan wax oggolaansho iyo wada tashi ah lagala yeelan madaxda Gobolka, kaasi oo uu warkiisa ku sheegay inaanay jirin baahi cad oo xiligan loo abaabulo shir noocan oo kale ah.

Gudoomiyaha Gobolka isaga oo shirkiisa jaraa’id ka hadlaya waxa uu caddeeyay inay shirkaasi u aqoonsadeen mid siyaasadeed oo aan ka turjumeyn dhibaatooyinka afka laga sheegay xiligan ay xukuumadda Somaliland xallisay dhibaatadii ka dhalatay sicirkii shidaalka ee la kordhiyay, xalkaas oo uu sheegay inuu yahay xukuumadda oo oggolaatay in ganacsatadu ay shidaalka ka keenaan meesha ay doonaan.

“Waxa qaadan waa igu noqotay markii aan maqlay Xukuumadda ayaa loo yeedhayaa. Xukuumadda anagaa ka wakiila miyaanay ahayn inay noo soo maraan” ayuu yidhi.

Gudoomiyaha waxa kale oo uu shirkiisa ku sheegay in shirkani uu ahaa mid lagu wiiqayo haybadda Dowladda waxaanu uga digay Hudheelada in lagu qabto shirar uu ku tilmaamay kuwo duminaya nabadgalyada.

Geesta kalena dhawaaqan Gudoomiyaha ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli ay mushkiladda shidaalka iyo maciishadda oo ay ka dhasheen shirar iyo dhaqdhaqaaqyo kala ujeeddo ah.

Siciid Axmed Raage

Burco Somaliland


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Sabti 22 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra