Suldaan Maxamuud Guuleed oo xukuumadda ugu baaqay inay debciso Cashuurta

Burco (Somaliland.org) – Xubno ka mida Salaadiinta Gobolka Togdheer ayaa ugu baaqay Xukuumada Somaliland inay shacbiga ka debciso cashuurta Dekedda Berbera, isla markaana xoriyad la siiyo ganacsatada muwaadiniinta ah.

Suldaan Maxamuud Guuleed Mire oo ka mida salaadiinta shirka jaraa’id qabatay ayaa waxaa uu si adag hadlay arinta sicir bararka shidaalka ee Shirkada Total, taas oo uu sheegay in ay sababtay in kumanaan kun oo ka mida danyarta Somaliland ay saamaysay talaabo ay qaaday, kuwaas oo xilligan qarka u saaran xaalad macaluul iyo Haraad ah.

Suldaanka isagoo arintaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Wadanka Kefad ayuu saaran yahay, Kefadda dhinaceeda kale waxaa saaran Shirkada TOTAL, [dhinaca kalena shacbiga] Dowladdu waxay shacbigeedii ka dooratay Shirkada TOTAL, Shacbigii wadanka ayaa loo laayey“.

Waxana uu intaas ku daray Suldaanku oo uu sheegay in shirkadda TOTAL ay sharcidarro dalka kaga ganacsanayso, isaga oo xusay in Baarlamaankii hore ee hab-beeleedka ahaa uu diidey heshiiskii xukuumaddu la gashay shirkaddaas, ilaa iyo haddana aan la ansixin.

“Maxaa qofka waddaniga ah xaq ugu yeelan waayey in wadanka wax keeno Total xaq ugu yeelatay,” ayuu yidhi Suldaanku.

“Madaxweyne Riyaale waa Dilaal ee Dilaaliinta kale hayska tashato,” ayuu raaciyey Suldaan Guuleed.

Suldaanka waxaa kale oo ka hadlay shirkiisa Jaraa’id Canshuur kordhinta Dekeda Berbera taas oo uu sheegay in xilligan ahayn mid ku haboon waxaana ugu baaqay Xukuumada Somaliland in laga debciyo canshuurta xilligan lagu jiro oo ah xilli adag isla markaana gebi ahaan laga dhaafo canshuurta maceeshada daruuriga ah sida raashinka oo kale.

Suldaan Maxamuud waxaa kale oo uu ka hadlay Xaalada Abaarta ee taagan xilligan taasi oo uu sheegay in dadka reer Guuraaga ah ee saboolka ay ku sugan yihiin xaalad bakhtiya, isagoo arintaa ka hadlayna wuxuu yidhi, “Dadka reerguuraaga ahaa maanta ma haystaan waxay biyo siisataan, xoolihii ma gaadhayaan ceelkii degaamada waxaa ka jira Xaaluf waxaana soo jeediyey in dadka wax haysta ee ganacsatada ah inay xoolahooda huraan maanta xilligan halista ah reer miyigu wuxuu yidhaahdaa waa Khaq”.

Suldaanku wuxuu kale oo uu sheegay in xilligan ummada loo naxariisann lahaa la bakhti wareemay.

Suldaanka mar uu ka hadlay dhinaca siyaasada waxaa uu sheegay mudo kordhinta Golaha Guurtidu ku dhawaaqeen horaantii bishan aanay ahayn mid loo baahnaa xilligan isla markaana aanay waafaqsanayn sharciga, isaga oo sheegay in Guurtida lafteedu aanay sharci ku fadhiyin.

Suldaan Daakir oo isaguna shirkaa jaraa’id ka hadlay ayaa ka hadlay arrinta dhinaca nabadgelyada waxaana uu sheegay in la ilaaliyo nabadgelyada isaga oo xusay in Somaliland ku caano maashay Nabada iyo isu tanaasulka.

Shirkan Jaraa,id ka dib Wariyayaashu waxay weydiiyeen Salaadiinta Su,aalahan.

S: Waxaad ka mid tihiin madaxda dadka inta aad shir jaraa,id qabanaysaan ma isku daydeen in aad dawlada talo ka siisaan arimaha aad ka hadasheen?

J: Suldaan Guuleed aniga Madaxweynaha waxaan u tagey Sadex Jeer markii u danbaysay qodob kaliya ayaan kala hadlay ma rumaysanaayo in uu fulinaayo balan qaadka.

S: Waxaad ka hadasheen Arinta Muddo kordhinta waxaana la dul taagan yahay mudada waqtigii xukuumada kaga ekaa, Maxay tahay xalka kale ee aad Haysaan Suldaan?

J: Xalku waxaa weeye in la raaco wixii Xisbiyada Komishanku ku heshiiyeen .

S: Waxaad ka hadasheen arinta Shidaalka Xukuumada Somaliland waxay fasaxday keenista shidaalka qorshaha ma idinku jiraa in aad ganacsatada kala hadashaan in bulshada u tudhaan haddii shidaalku jabo?

J: Hadda shirar baa socda arimaha laga hadlayo ganacsatada waxaa ku waajiba in ay ummada u naxariistaan.

Reported By; Yusuf I. Warsame

Ilka case, Burco

Xagaa67@hotmail.com


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra