Labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE oo si wadajir ah oo adag ugu cambaareeyey xukuumadda dhacdadii shalay

Hargeysa (Somaliland.org) – Labada ee Xisbi Mucaaradka ah, KULMIYE iyo UCID, ayaa si adag ugu cambaareeyey sidii ay xukuumadda Madaxweyne Riyaale ula dhaqantay dadkii muddaharaadka cabashada ah sameeyey shalay, waxayna ku eedeeyeen xukuumaddu inay isticmaashay xoog dheeraad ah oo sababay dhimasho iyo dhaawaca soo gaadhey dad shacab ah. Labada xisbi warsaxaafadeed wadajir ah oo ay xalay soo saareen, isla markaana ay wada saxeexeen labada guddoomiye ee labada xisbi, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo mudane Faysal Cali Waraabe. Waxa kale oo ay ku sheegeen in Shirkii wadajirka ahaa ee ay u ballansanaayeen Golayaasha Dhexe ee labada xisbi uu qabsoomi doono kadib marka ay dhammaato waanwaanta uu wado Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, arrintanna ay wadatashi ka yeelan doonaan.

Warsaxaafadeedka labada xisbi waxa uu u qornaa sidan:

“Labada Xisbi Qaran ee UCID iyo KULMIYE, fadhi deg-deg ah oo ay wada yeesheen maanta (shalay), waxay kaga wada-xaajoodeen arrintii Argagaxa iyo naxdinta lahayd ee ay Xukuumaddu ugu gaysatay dilka iyo dhaawaca dadkii shicibka ahaa.

1- Labada Xisbi waxay tacsi u dirayaan eheladii qoysaskii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen dadkaa ay xukuumaddu laysay oo tiro ahaan ilaa hada inta la xaqiijiyay ay yihiin saddex qof (laba wiil iyo gabadh), Marxuumiintaas Illaahay Jannadii ha ka waraabiyo, inagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo, waxase khasab ah in ummadu kala xisaabtanto cidii dishay.

2- Waxa kale oo aanu si aad iyo aad ah u cambaaraynaynaa sidii foosha xumayd iyo xooggii ka bad-badiska ahaa ee loo adeegsaday dadkii maatida ahaa ee cabirayay dareenkooda iyo shucuurtooda wadciga maanta taagan, arrintaa oo na xasuusisay dhacdadii ka dhacday Magaaladda Hargeysa markii ay taariikhdu ahayd 20/2/1982-kii. Dhacdada maalintaas waxa ku geeriyooday hal arday, halka ay maanta ku geeriyoodeen inka badan 2 qof, taasoo muujinaysa in dawladdan maanta joogtaa ay ka arxan daran tahay tii Siyaad Barre. Arrintana waxaanu ka yeelanaynaa wada-tashi laba Xisbi ahaan.

3- Waxa kale oo labada Xisbi ay ummadda u sheegayaan inay fadhigii wada-jirka ahaa ee labada Golle-dhexe iyo Labada Gole-fulineed ee Xisbiyadu uu qabsoomi doono marka ay soo dhamaato hawsha dhex-dhexaadinta ah ee uu wado Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).”

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


TOP

179 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Obamo-mania: How the Growing Phenomenon Felt up North

Mohamed A. Awale

Comments on the First American Presidential Debate of 2008

Ibrahim H. Gagale.

Mujaahid cabdiraxmaan iyo mujaahid ibraahim dib ah isu xisaabiyeen.

Maxamed Jaamac Cali (faroole).

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno.

Hamud Duale

Hangaraarac Lug Ka Go’day Uma Dhutiyo Gar Diidna Waa Alle Diid Ee Garabka Cabdiraxmaan Aw-Calow Maxaad Gartii U Diideen Adinkoo Og Gardarradiina!!!

Qalinkii: Shueib A. Yusuf

GARAW LAGUUMA HAYEE GAR CEEBLA MA MARSANAYSAA INA AW CALI FAARAXOOW

HASSAN KHADAR

Maxaa kugu doortaa mar kale Dahirow?

Daha Farah

The Kulmiye Wonderful Drama

Mohamud Tani

Mulacyaynta iyo jiitankan inaan dani ku jirin waa muuqatey.

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

Kulmiye miyuu burburey mise wuu bislaadey?!!!!.

Osman Omar Dool

ROGE:Sheeko wacani waa in ay sidan ahaataa!

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

SOMALILAND A STATE OF FAULTLESSNESS

Mohamed Omar

Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi..

Khadar Aw Axmed Camir

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid

Foosi Saleban Aw-Bindhe

Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

C/casiis Xirsi Cumar

Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”

Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad

Miyaanay Daw ahayn Inay Darka kuu galaanoo intay idin Doojiyaanoo Galaanka idiin Daraan

Abdillahi Dabey

Garnaqsoo Wax Ii Sheeg Gefna Waa Halkiisee

Mohamed Ismail

Cabdirahmaan Aw Caliyow Xasuuso Dhoolatuskii 2003 iyo Codadkii Aad Ka Keentey

Amina Hagi Mohamoud

Buugtii 2007 Soo Baxday Yaa Tartansiiyey

Jamac Dhalaax

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

HAMBALYO TV SOMALILAND EUROPE ee Stockholm, Sweden oo Toban jirsaday.

Hambalyada Ciidda ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE