Xisbiga KULMIYE oo soo dhoweeyey Waanwaanta uu u wado Guddoomiyaha G. Wakiillada

KULMIYE Party flagHargeysa (Somaliland.org) – Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa sheegay inay diyaar u yihiin, ayna soo dhoweynayaan waanwaan uu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ka dhex wado Madaxweyne Riyaale iyo labada xisbi ee mucaaridka ah UCID iyo KULMIYE, balse, waxa ay sheegeen in aanay wadaxaajood ka gelayn go’aanka Guurtidu muddada ugu kordhisey Madaxweyne Riyaale oo ay ku tilmaameen sharcidarro.

Xisbiga KULMIYE shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xarunta Dhexe ee Xisbiga, kaas oo uu kaga warramay mawqifkiisa xaaladda dalku maanta marayo, gaar ahaan, sicir bararka maceeshadda, Shidaalka, korodhka cashuuraha iyo tacriifadda Adeegga Dekedda iyo xaaladda cakiran ee dhinaca siyaasadda uu dalku galay haatan, ayuu ku soo qaaday waanwaan maalmahan dambe la ogaadey in Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu doonayo inuu isugu soo dhoweeyo mawqifyada kala durugsan ee Madaxweyne Riyaale iyo labada xisbi ee mucaaridka ah, kaas oo ka dhashay go’aanka Golaha Guurtidu muddada xilka ugu kordhiyey Madaxweyne Riyaale muddada halka sanno ah, dibna ugu riixey doorashada Madaxtooyada, kaas oo muran iyo carqalad geliyey heshiis saddexda xisbi iyo Komishanku ka gaadheen muddeynta diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo qabashada doorashooyinka, dhexdhexaadintaas oo uu iskii isugu xilqaamay, kadib markii labada xisbi ee mucaaridka ahi ay sheegeen in aanay Madaxweyne u aqoonsanayn Daahir Riyaale marka muddadiisa xilku dhammaato badhtamaha bisha May. Waxaana la sheegay in labada xisbi ee mucaaridka ahi ay kalsooni siiyeen, Madaxweyne Riyaalena u magacaabay Afar Wasiir.

“Annagu xisbiga KULMIYE haddaanu nahay waanwaantaa aad baanu u soo dhoweynaynaa oo ma diiddanin, wixii mushaakil ah ee ina dhexyaallana in is afgarad iyo wadahadal iyo walaaltinimo in lagu dhammeeyo baanu jecelahay oo aanu doonaynaa,” sidaa waxa yidhi Guddoomiyekuxigeenka 2aad ee Xisbiga KULMIYE, Cabdiraxmaan Cabdulqaaddir oo u hadlayey xisbiga KULMIYE, shirkiisa jaraa’id oo ay wadajir u qabteen Afarta Guddoomiyekuxigeen iyo Xoghayaha Guud ee xisbiga.

Waxana uu sheegay in waanwaantaasi ay tahay mid cid waliba dani ugu jirto.

“Laakiinse, waxyaabo ayaan lahayn … gaaladu waxay tidhaahdaa “Not open to negotiation” Waxyaabaan miiska oollin. Ta aan miiska oollini waxa weeyaan mudda-kordhiskaa ay Guurti ku sheegtu ku dhawaaqday,” ayuu raaciyey Mudane Cabdiraxmaan Cabdulqaaddir.

Isaga oo sheegay in mudda-kordhintaasi aanay ahayn wax sharci ah iyo xaq ah midna, isla markaana aanay marnaba yeeli doonin.

“Taasi maaha wax miiska yaalla. Waxba yaan la isku tahanbaabin,” ayuu yidhi.

Waxana uu sheegay in Xisbiga KULMIYE uu ka taagan yahay arrintaas sharciga oo sheegaya in Komishanka Doorashooyinku xaq u leeyahay muddaynta doorashada, isla markaana ay ku dheggan yihiin muddadii saddexda xisbi iyo Komishanku isku raaceen ee ay wada saxeexeen, wax aan taas ahaynna aanay ogolaanayn.

“Muddadii ay soo qabteen [Komishanku] ee annaga iyo labada xisbi ee kaleba aanu wada saxeexnay, tii baanu ku soconnaa. Wixii aan taa ahaynna ma ogolin,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdulqaaddir.

Guddoomiyekuxigeenka 2aad ee Xisbiga KULMIYE, waxa uu carrabka ku dhuftay warar maalmahan dambe soo baxayey oo sheegaya in Madaxweyne Riyaale ugu hanjabey Komishanka Doorashooyinka Qaranka inuu Maxkamad la tiigsan doono, haddii aanay u hoggaansamin go’aanka Guurtida, isla markaana aanay ka noqon mawqifkooda ah inay ku soconayaan heshiiskii saddexda xisbi ay la gaadheen.

“Annagu ma ogolin in Komishanka loo hanjabo, loo cagajugleeyo, la yidhaahdo sharci aan jirin baa la idinla tiigsanayaa oo hadba warqad loo diro oo haddidaad loogu diro,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdulqaaddir.

“Annagu waxaanu leenahay Komishanka ha loo daayo shaqadoodii Dastuurku siiyey. Annagu halkaas baanu taagan nahay, taa meella uga dhaqaaqi mayno,” ayuu raaciyey.

Xisbiga KULMIYE, waxa kale oo uu werwer ka muujiyey caqabado horyaalla doorashooyinka oo uu sheegay inay maleegayaan xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB.

“Waa midde Xukuumaddu way hortaagan tahay arrintii Komishanku ay soo gooyeen,” ayuu yidhi.

“Xisbigii UDUB ee maalintii hore nala saxeexayna, ilayn annagu baastoolad madaxa kagamaanu qaban oo maanu odhan halkan saxeex Ina Bullaale e [Xoghayaha Guud ee UDUB] isagoo xiskiisa qaba wixii uu saxeexay inay yidhaahdaan maanta ma ogolin oo maalinba wixii aan doonaa soconaya noqon mayso,” ayuu raaciyey.

Waxana uu sheegay in heshiiskii saddexda xisbi iyo Komishanku isku raaceen ee deeqbixiyayaashuna taageerayeen oo keli ahi inuu soconayo.

Xisbiga talada haya ee UDUB ayaa la sheegay inuu warqad u qoray Komishanka Doorashooyinka, taas oo ujeeddadeedu tahay in xisbiga UDUB uu ka baxay heshiiskii saddexda xisbi iyo Komishanku wada gaadheen.

Xisbiga UDUB waxa uu qoraalkiisa oo saxaafaddu faafisay ugu sheegay Komishanka inay ku wada shaqeeyaan sharciga, taas oo macnaheedu yahay inay ogolaadaan qodob ka mid ah xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha iyo Xeerka Doorashooyinka oo uu Madaxweyne Riyaale doonayo inuu u cuskado mudda-kordhintiisa.

Cabdiraxmaan Cabdulqaaddir waxa kale oo uu sheegay in xisbiga KULMIYE uu u arko in xukuumaddu aanay diyaar u ahayn in doorashooyin dalka ka dhacaan. Waxana uu tusaale u soo qaatay in Madaxweyne Riyaale uu is hortaagey dib u habayn yar oo la soo jeediyey in lagu sameeyo xeerka Diiwaangelinta, si loo waafajiyo jadwalka muddeynta ee Komishanku sameeyey, taas oo uu sheegay in deeqbixiyayaashu ku taliyeen in maalin lagu dhammaystiri karo haddii saddexda xisbi isku raacaan.

Waxana uu sheegay, Mudane Cabdiraxmaan Cabdulqaaddir in Deeqbixiyayaashu arrintaas ku xidheen kaalmada ay ugu talagaleen doorashooyinka Somaliland, isla markaana lacagtaas haddii laga faa’iideysan waayo ay dhacayso, dibna loogu celinayo halkii ay ka timi.

“Waxaa yar ee mudan in nus gelin lagu saxo, dowladdaa hortaagan, markaa halkaa waxa ka cad dowladdu in aanay doorasho diyaar u ahayn,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdulqaaddir.

“Malaha xantan aanu suuqa ka maqmaqlayno ee la leeyahay dowladdii waxay tidhi ama cirka u baxa ama dhulka u baxa 2010 wakhti ka horreeya doorasho dhacaysaa ma jirto, malaha taasay rumaysan yihiin,” ayuu raaciyey.

Balse, waxa uu sheegay in taas ay barbar taallo markastana ay ku celcelinayaa in sharciga iyo Dastuurku dhigayo in muddada Madaxweynuhu ay tahay 5 sannadood oo maalinna aanay ka dhinayn, maalinna aanay dheerayn.

“5tii Sannadood ee Madaxweyne Riyaale waxay ku egtahay 15ka May. Maalinta 15ka May la gaadho muddadiisii Madaxweynuhu way dhammaatay,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdulqaaddir.

Waxana uu sheegay in aanay iyagu odhanayn xoog baanu kaga soo saaraynaa, balse, ay weliba ka baryayaan in la wada hadlo.

Dhinaca kale, Xisbiga KULMIYE, waxa uu si adag uga dayriyey xaaladda dhaqaale ee dalka iyo saamaynta ay dadka danyarta ah ku yeelanayaan korodhka qiimaha Shidaalka iyo tacriifadda dekedda ee la kordhiyey. Waxana uu ugu baaqay xukuumadda inay u tudho shacabkeeda oo ay degdeg wax uga qabato korodhka qiimaha Shidaalka iyo sicirbararka. Waxa kale oo ay shacbiga ugu baaqeen in ay bartaan sida loo diido wixii aanay qaadi karin.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


TOP

ANNOUNCEMENTS »

Conf. Call by S/land American Council

27 July 08 @ 1pm ET- Keynote Speaker; Vice President Ahmed Yusuf Yassin

102 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Ha la sameeyo wixii rag yeeli jiray.

Mohamed Hussein Roble

Diridhabe & Maqaalkisi “Maxad Ka Taqaana Xaaska Madaxweynaha (Huda Barkhad)

Xabiib Adan Cabdi

Faysal Cali waraabe ma shirka beesha Bariga Burco ku qabsanayso Garadag uun baa muuqday

Abdihakin hersi

Madaxda UDUB & UCID oo ku fashilmay…

Maxamed Haaruun

Doorashada musharrixiinta Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ee Kulmiye siday u dhici doontaa?

Ahmedweli.

Who Is Ismail Mumin Aar?

Haybe Omar

Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye & halka uu maraayo

Adan Yuusuf Cilmi

Jawaab: Kulmiye waa inuu Shirkiisa ku qabsado Hargaysa.

Cali Maxamuud Case (London)

Maamulka Saaxil maxay isu hortaageen dhismaha dugsiga

Mohamed osman

Ayaxa Ku Habsaday Somaliland!!!

Axmed Xasan Cali(like)

Reer Kulmiyow, ma runtaynu qarxinaa mise beenbaynu ku rafanaa

Maxamud Nour (Xariif)

The cloak-and-daggers boys Inc. of Somaliland

Sagal Say Wallahi

The Unjust Transfer of the Ambulance of Erigavo Hospital

Sanaag Development Organization

Goormuu Noqday Ciidankii Qaranka Somaliland

Shueib A. Gaboose

Kulmiye waa inuu shirkiisa ku qabsado HARGAYSA

Engr. Omar Yousuf.

Arrinku Riig Ka Qoto Dheer

Axmed Ismaciil

Dahabshiil Ducaysane

Farid Cadani, Hargeysa

Unguided talking head

Mahdi Gabose.

Talo Xumada Siyaasada Beesha Maxamed Case Waxay

Saleebaan Ahmed Daauud

Dood Muranka Miisanka Maansada

Jaamac Cabdillaahi Suleymaan

Tartankii Musharaxiinta Kulmiye oo bilaabmay

Yusuf Daahir Geelle

Labakaclaynta Siyaasadda Xisbiga Kulmiye

Jamaal Cabdilaahi

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher:

Hambalyo Aroos