Shirkii Golayaasha Dhexe ee labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE oo dib u loo dhigay

Hargeysa (Somaliland.org) – Shir ay u ballansanaayeen inay isugu yimaaddaan Golayaasha Dhexe iyo Guddiyada Fulinta ee labada xisbi ee mucaaridka ah ee UCID iyo KULMIYE, 27 April oo ku beegan berrito ayaa dib loo dhigay muddo aan la cayimin.

Masuuliyiin ka tirsan Hoggaanka Xisbiga KULMIYE oo maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta dhexe ee xisbiga, lagu weydiiyey warar sheegaya inuu dib u dhacay shirkii ay u ballameen labada xisbi ayaa xaqiijiyey in shirkaas uu ku yimi dib u dhac maalmo ah, balse, uu qabsoomi doono.

Guddoomiyekuxigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE, Muj. Muuse Biixi Cabdi oo ka jawaabayey sababta dib u dhaca shirkaasi keentay ayaa waxa uu yidhi, “Horta waxaan idiin sheegayaa hawshaa maanta annaga iyo UCID mawqif midaysan baanu ka taagan nahay, dhibaatooyinkaa maanta isku si baanu u aragnaa, waanu ka wada soconnaa, isku talaanu nahay”.

Waxana uu sheegay in ay jiraan gudaha iyo dibaddaba dad danaynaya shirkaas oo dalbanaya in loo hakiyo ama talooyin ku soo biirinaya.

“Waxaanse kuu sheegayaa shirkii wuu jiraa, wuuna qabsoomayaa. Waa maalmo wuxuu dib u dhacaa farsamo iyo talo loo badsanayo,” ayuu yidhi Muj. Muuse Biixi.

“Shirkaana waxaanu ku doonaynaa wanaag. Shirkaa waxaa lagu wadaa, Madaxweynaha wakhtigiisii wuu dhammaanayaa, madaxweynahana 5 sannaa la doortay. Maxaynu yeellaa?” ayuu raaciyey.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa shir jaraa’id oo uu Khamiistii qabtay ku sheegay in beesha caalamku ka codsatay inay dib u dhigaan shirkaas.

Lamana sheegin wakhti kale oo uu qabsoomayo.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


TOP

179 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Obamo-mania: How the Growing Phenomenon Felt up North

Mohamed A. Awale

Comments on the First American Presidential Debate of 2008

Ibrahim H. Gagale.

Mujaahid cabdiraxmaan iyo mujaahid ibraahim dib ah isu xisaabiyeen.

Maxamed Jaamac Cali (faroole).

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno.

Hamud Duale

Hangaraarac Lug Ka Go’day Uma Dhutiyo Gar Diidna Waa Alle Diid Ee Garabka Cabdiraxmaan Aw-Calow Maxaad Gartii U Diideen Adinkoo Og Gardarradiina!!!

Qalinkii: Shueib A. Yusuf

GARAW LAGUUMA HAYEE GAR CEEBLA MA MARSANAYSAA INA AW CALI FAARAXOOW

HASSAN KHADAR

Maxaa kugu doortaa mar kale Dahirow?

Daha Farah

The Kulmiye Wonderful Drama

Mohamud Tani

Mulacyaynta iyo jiitankan inaan dani ku jirin waa muuqatey.

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

Kulmiye miyuu burburey mise wuu bislaadey?!!!!.

Osman Omar Dool

ROGE:Sheeko wacani waa in ay sidan ahaataa!

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

SOMALILAND A STATE OF FAULTLESSNESS

Mohamed Omar

Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi..

Khadar Aw Axmed Camir

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid

Foosi Saleban Aw-Bindhe

Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

C/casiis Xirsi Cumar

Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”

Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad

Miyaanay Daw ahayn Inay Darka kuu galaanoo intay idin Doojiyaanoo Galaanka idiin Daraan

Abdillahi Dabey

Garnaqsoo Wax Ii Sheeg Gefna Waa Halkiisee

Mohamed Ismail

Cabdirahmaan Aw Caliyow Xasuuso Dhoolatuskii 2003 iyo Codadkii Aad Ka Keentey

Amina Hagi Mohamoud

Buugtii 2007 Soo Baxday Yaa Tartansiiyey

Jamac Dhalaax

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

HAMBALYO TV SOMALILAND EUROPE ee Stockholm, Sweden oo Toban jirsaday.

Hambalyada Ciidda ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE