Madaxtooyada oo si Cabban uga jawaabtey baaq uu jeediyey Guddida Dhaqaalaha ee G.Wakiilladu

Hargeysa (Somaliland.org) – Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul u cambaaraysay Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada oo shir jaraa’id oo ay qabteen toddobaadkan ugu baaqay shacbiga Somaliland in aanay bixin cashuur sharci darro oo aanu Golaha Wakiilladu ansixin, iyaga oo ka hadlayey tacriifadda ay kordhisey Dekeddu.

Afhayeenka Madaxtooyada ayaa warsaxaafadeed uu maanta soo saaray jawaab kaga bixiyey hadalkaa Gudidda Dhaqaalaha, waxana uu ku tilmaamay khiyaama qaran.

Warsaxaafadeedka Madaxtooyadu waxa uu yidhi,

“Aniga oo tix-raacaya hadalkii ay jaraa’idka qaarkood ku qoreen Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland, laguna baahiyay Baraha Internetka qaarkood, kuwaasi oo ay ugu baaqeen Shacbiga Somaliland in aanay Cashuurta Bixin.

Waxa haddaba aanu Leenahay Hadaladaasi ka soo yeedhay Guddidaasi oo uu hogaaminayo Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi, waxa cadaan ah oo aan cidna ka qarsoonayn in ay yihiin khiyaamo Qaran oo dhaawac weyn gaadhsiin karta jiritaanka iyo Nabada Somaliland.

Waxa aynu wada ognahay in dalalka caalamka oo dhami ay ku socdaan Cashuurta shacbigoodu bixiyo, iyada oo ay Somalilandna ay kaba sii xag jirto oo ay tahay dal curdin ah oo aan weli la aqoonsan, wax dhaqaale ahna ka helin deeq bixiyayaasha Caalamka.

Haddaba, haddii la bixin waayo cashuurta yar ee aynu dalka ku maamulno, Maxay ku danbayn doontaa Somaliland haddii aynu is weydiino.

Waxa haddaba wax lala yaabo lagana yaq-qasoodo ah in nin Xildhibaan ah oo ummadu soo dooratay hadalada noocaasi ah shacbiga Somaliland uu ugu baaqo”.

Warsaxaafadeedku waxa uu sheegay in baaqaasi ka soo baxay xildhibaanada iyadoo caalamku u soo jeestey Somaliland, waxana uu taxay warbixino lagu amaanayo waxa ay qabsatay Somaliland oo la faafiyey.

Waxana uu ku soo gebagabeeyey, “Ugu danbayntii , waxa aanu ku talinaynaa Xildhibaan Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi iyo inta la mid ahba in ay raali gelin ummada ka siiyaan hadaladaasi ka soo yeedhay, isla markaana ay bixiyaan cashuuraha ku biiray ee guryahooda lagu leeyahay’’.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Sabti 22 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra