Isu-Soo Bax Rood Doona Oo Burco Ka Dhacday
![]() |
| Roobdoon, Burco, Somaliland |
Burco (Somaliland.org) – In ka badan kumanaan qof oo ka mida dadweynaha Magaalada Burco ayaa maanta isugu soo baxay roob-doon rabi bariya oo lagaga dalbanayo naxariis oo lagu qabtay garoonka kubada cagta ee gobalka togdheer.
Roob doonta oo ay soo qaban qaabiyeen culimada magaalada Burco, isla markaana ay inta badan dadweynaha magaalada ka qayb galeen waxay salka ku haysaa wer wer dhinaca biyo yaraanta oo soo food saaray guud ahaanba deegaanada gobalka togdheer.
Gudoomiyaha Gobalka Togdheer Jaamac C/laahi Warsame Biin oo saaka lka hadlay dadweynaha ka qayb galay salaada roob doonta ayaa waxaa ugu baaqay shacbiga gobalka inay is cafiyaan dadweynaha dhexdooda si eebe ugu naxariisto isla markaana laysaga cafiyo.
Gudoomiyahani waxaa uu shacbiga u sheegay in naxariista eebe oo kaliya lagu baahi bixi karo oo aanay dadku ka quusan raxmada ilaahay.
![]() |
| Abaaruhu waxay saameeyeen guud ahaan Somaliland |
Suldaan Maxamuud Guuled Mire ayaa isaguna waxaa uu ugu dhawaaqay shacbiga salaada isugu soo baxay in laga rabo in ay faraha kala baxaan waxyaabaha uu ka dhashay ciqaabka rabaaniga ah sida dilka, iyo weliba fawaaxishta keeni kara in cadho ilaahay.
Isu soo baxan salaada roob doonta ayaa waxay ku soo beegantay xilli ay biyo yaraanta iyo mushkiladaha shidaalka sababtay wer wer hor leh oo xanuujiyey bulshada dan yarta ah, iyadoo xilligan aanay inta badan shaqaynayn gaadiidka biyaha foostada biyaha ay ka marayso Magaalada Burco 30,000 sh.so oo dhiganta $ 2 dollor.
Geesta kalena waxaa isaguna laga qabtay Magaalada Burco habeenkii xalay shir loogu magac daray Sidaynu u noolaanaa oo ay ka qayb galeen in ka badan 250 qof oo isagu jirta dhinacyada bulshada, kaasi oo laga hadlayey arimaha shidaalka, cashuuraha, dekada Berbera iyo weliba xaaladaha abaarta.
Reported By; Yusuf I Warsame
Ilka case, Burco






TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday