Xisbiga UCID oo baaq ku wajahan xaaladda taagan u jeediyey Beesha Caalamka
Hargeysa (Somaliland.org) – Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa ugu baaqay bulshada caalamka inay u soo gurmadaan Somaliland, si loo badbaadiyo ayuu yidhi “guulihii shacbiga Somaliland gaadheen”. Waxana uu caddeeyey in labada xisbi ee mucaaridka ahi ay dhowaan soo saari doonaan tallaabooyin ay kaga hortegayaan wax uu ugu yeedhay “Inqilaab” xukuumaddu samaysay.
Xisbiga UCID, Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, waxa uu kaga warramay xaaladda dalku haatan marayo ee dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha. Waxana uu si gaar ah xisbigu uga digey, ugana qayliyey xaaladda ka dhalatay sicir bararka maceeshadda, korodhka qiimaha shidaalka iyo abaaraha iyo biyo la’aanta dalka ka jirta oo uu sheegay inay halis ku hayaan nolosha shacbiga reer Somaliland, gaar ahaan dan yarta iyo reer guuraaga oo ay mar isu raaceen abaaro, dhaqaale xumo, sicir bararka maceeshada iyo ta ugu daran, korodhka qiimaha Shidaalka oo saamayn xun ku yeeshay biya’dhaamiskii socdey.
Waxa kale oo uu xusay cashuurta dekedda ee la kordhiyey oo uu sheegay inay sii kordhinayso sicir bararka maceeshadda, ganacsatadana ay ku khasbayso inay dekedo kale u cararaan.
Waxana uu ugu baaqay xisbiga UCID, xukuumadda inay xakamayso sicir bararka maceeshadda iyo shidaalka, isaga oo sidoo kalena u soo jeediyey Ganacsatada waaweyn ee wax soo dejisa inay u naxariistaan dadka danyarta ah ee abaaraha, dhaqaale xumada iyo sicir bararku isu barkadeen.
Xisbiga UCID, Shirkiisa jaraa’id hadal qoraal ah oo uu ka akhriyey Xasan Suldaan Cabdillaahi oo ah guddoomiyaha Gobolka Hargeysa ee xisbiga UCID, waxa uu ka warramay xaaladda siyaasadeed ee dalku haatan marayo iyo sida ay u arkaan muranka Madaxweyne Riyaale iyo Guurtidu gelisey doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda Somaliland. Waxana uu sheegay in xaaladdan dalku galay haatan ay sabab u tahay Madaxweyne Riyaale oo ku guuldarraystay xilkii loo doortay oo ahaa inuu qabto saddex doorasho oo ay ahayd inay dalka ka qabsoomaan muddadii 5ta sannadood ahayd ee xilka loo doortay, kuwaas oo kala ah: Doorashada Golaha Guurtida, Doorashada Golayaasha Deegaanka iyo Doorashada Madaxtooyada, mid ka mid ahina aanu qabsoomin ilaa iyo hadda.
Waxa uu sheegay xisbiga UCID, in Golaha Guurtida markii muddadiisa xilku dhammaatay aanay jirin hab loo raaco doorashadooda oo ay ahayd in Madaxweynuhu diyaariyo, isla markaana uu warqad u qoray inay isu kordhiyaan muddo 5 sannadood ah, taas oo uu xisbigu ku tilmaamay mid ugub ku ah taariikhda Caalamka. Waxa kale oo uu ku eedeeyey inuu lugta jiidey diyaarinta doorashooyinka Golayaasha Deegaanka, isaga oo sheegay in labada xisbi ee mucaaridka ahi iyaga oo danaynaya dimuqraadiyadda iyo nabadgelyada Somaliland ay ogolaadeen in dib loo dhigo doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha deegaanka, kadib markii wakhtigoodii soo gudagalay. Sidoo kale, waxa uu xusay in muddadaasna markii ay muuqatay in aan lagaga gaadhsiin karin, haddana dedaal badan oo ay sameeyeen saddexda Xisbi, Komishanka iyo Deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawiya doorashooyinku ay ku guuleysteen in ay isla qaataan wakhtiyaynta diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo doorashooyinka, balse, waxa uu sheegay in heshiiskaa ay burburiyeen Madaxweyne Riyaale iyo Guurtidu oo muddo aan sharciga iyo dastuurka midna waafaqsanayn isu kordhiyey.
“Hadaba Xisbiga cadaaladda iyo daryeelka (UCID) wuxuu qabaa in madaxweyne Riyaale go’aansaday in ay isku dhamaadaan 5-tii sanno ee xilka loo igmaday iyo jiritaanka Jumhuuriyada Somaliland haddii aan loo ogolaan tiisa,” ayuu yidhi qoraalka shirkaa jaraa’id.
Waxana uu ugu baaqay beesha Caalamka inay soo kala gaadhaan, si loo badbaadiyo ayuu yidhi, guulihii ay dadka reer Somaliland gaadheen 16kii sannadood ee la soo dhaafay.
Waxa kale oo u xisbigu ugu baaqay dadweynaha reer Somaliland “In ay u diyaargaroobaan difaaca destoorka, nabadgelyada, iyo hanaanka diimuqraadiyada Qaranka Somaliland”.
Dhinaca kale, xisbiga UCID, waxa uu xoojiyey go’aankii labada xisbi ee Mucaaridka ahi ay hore uga gaadheen mudda-kordhinta Madaxweynaha, kaas oo ahaa in marka muddada xilka Madaxweyne Riyaale ee sharciga ahi dhammaato, 15 May wixii ka dambeeya aanay Madaxweyne u aqoonsanayn Daahir Riyaale Kaahin, isla markaana Golayaasha Dhexe ee labada xisbi iyo Guddiyadooda Fulintu ay isugu iman doonaan Shir wadajir ah 27ka April, kaas oo ay kaga tashan doonaan tallaabooyinka ay qaadayaan.
Waxana uu xisbiga UCID, mar kale xaqiijiyey inay jiraan tallaabooyin ay qaadi doonaan haddii Madaxweyne Riyaale uu diido in laga wadatashado xaaladda kadib marka muddadiisa xilka ee sharciga ahi dhammaato. Waxana uu yidhi,
“Waxa kale oo aan ogaysiinaynaa [Shacbiga Somaliland] in aan dhowaan soo saari doono talaabooyin aan kaga hor tegeyno inqilaabka ay xukuumadu samaysay, haddii aanay ogolaan wada tashiga iyo wada hadalo, lagaga baxayo qalalaasaha distoorka, werwerka shacbiga, ee ay abuurtay xukuumadu.”
Madaxweyne Riyaale ayaa isagu ku adkaysanaya in Go’aanka Guurtida oo keli ahi uu sharci yahay, halka xisbiyada mucaaridka ah, Komishanka iyo Deeqbixiyayaashu ay isku mawqif ka taagan yihiin arrinta.
C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

TACSI »
Dhambaalo Tacsiyadeed Oo Ka Kala imanaya Daafah Dunida: Marxuum Cali Sheekh Maxamed Jirde