“Haddii aanu wax cad ku hayno maanu siideyneen,” Wasiirka Arr. Gudaha
![]() |
| Abdillahi Ismail Ali (Cirro), The Interior Minister Orders of political arrest originate from Riyale’s inner circles |
Hargeysa (Somaliland.org) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo hore ugu eedeeyey xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE inuu ka dambeeyey qarax ka dhacay Xarunta Golaha Guurtida, 09 April, kaas oo loo xidhay masuuliyiin ka tirsan xisbiga, ayaa sheegay in wax dembi ah oo cad lagu waayey masuuliyiintaas, sidaas darteedna la siidaayey.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, mudane Cabdillaahi Cirro oo waraysi ay la yeelatay BBC-da, laanteeda afka Soomaaliga, wax laga weydiiyey siideynta Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Hargeysa, Axmed Cumar X. Cabdillaahi (Xamarji) iyo Oday Deyr Maxamed Cilmi oo labadaba loo qabtay qaraxaas, balse la siidaayey kadib markii ay xidhnaayeen muddo dhawr maalmood ah, waxa uu sheegay in aanay jirin marka horeba wax cad oo ay ku hayeen, baadhistoodiina ay waayeen wax cad oo ay maxkamad ku horgeeyaan.
Hase yeeshee, Wasiirku wuxuu diidey inuu raalligelin ka bixiyo eedayntaa uu u jeediyey xisbiga KULMIYE.
Kadib qaraxa ka dhacay xarunta Golaha Guurtida, 09 April, 12:00 duhurnimo, kaas oo aanay cidina wax ku noqon ayaa wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) waxa uu u sheegay idaacadda BBC-da in xisbiga KULMIYE uu ka dambeeyey qaraxaas, isaga oo sheegay inay qabteen nin ka mid ah xisbigaa (Oday Deyr Maxamed Cilmi), baadhisna ay socoto.
Wasiirka oo la weydiiyey sida ay ula muuqato eedayntii hore ee uu xisbiga KULMIYE u jeediyey, maadaama la siidaayey masuuliyiintii xisbigaa ka tirsanaa ee falkaa loo xidhay oo la sheegay in waxba lagu waayey, waxa uu yidhi,
“Wallaahay, maalintaasina maalin bay ahayd maantana waa maalin, wax kastana baadhista oo baadhis baan maalintii hore ku sheegoo waxaan idhi waanu baadhaynaa. Baadhistiina way noo socotaa oo maanaan xidhin kiiskii, ciddii uu galona waanu daba taagnaan doonnaa”.
“Baadhistu way socotaa baan ku idhi, laakiin, wax cad oo aanu markii… dee maanu siideyneen haddaanu wax cad oo tallaabo ah oo Farganaso ama red-handed ah, laakiin baadhistu way noo socotaa..” ayuu yidhi Wasiirka oo la weydiiyey in Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka, Xamarji, Oday Deyr iyo dadkii kale ee falkaa loo qabqabtay oo ilaa Lix qof ahaa ay wax dembi ah ku waayeen.
“Wax cadna kumaanaan helin baadhistayadii, sidaa awgeed baa loo siidaayey,” ayuu raaciyey Wasiirku.
Eedaynta qaraxaas ee Wasiirka Arrimaha Guduhu dusha ka saaray xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE isla markii uu dhacayba, ayay masuuliyiinta xisbigaasi ku tilmaameen wax la yaab iyo filan waa ah, iyada oo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Siilaanyo, uu sheegay in Wasiirka Arrimaha Gudaha aanay ka fileyn eedaynta noocaas ah inuu si degdeg ah xisbiga KULMIYE ugu eedeeyo qaraxaas.
Sidaa darteed, wasiirka oo la weydiiyey inuu raalligelin ka bixinayo eedayntaas, maadaama waxba lagu waayey masuuliyiintii xisbiga KULMIYE ee qaraxaas loo qabtay, waxa uu yidhi, “Wallaahay maalintaasina horta sababtii naga keentay waxay ahayd hanjabaadihii iyo hadaladii ay iyagu ku hadleen ee waxaanu samayn doonnaaa”. Waxana uu xusay in Deyr loo qabtay hadal uu yidhi oo ahaa “wax baa dhici doona ama qarax baa dhici doona”, balse, ee aan lagu qaban isaga oo wax qarxinaya.
“Sidaa awgeed, marka baadhistu dhammaato ayaa haddii cudurdaar yimaaddo aan bixin doonaa,” ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirka oo la weydiiyey in ay jirto cid kale oo ay ku tuhunsan yihiin qaraxyadii dhowaanahan ka dhacayey magaalada Hargeysa waxa uu sheegay in baadhistii ay socoto, isla markaana aanu ka hordhacayn.
Qaraxa ka dhacay xarunta Guurtidu waxa uu dhacay, waxyar kadib markii uu xidhmay fadhi Golaha Guurtidu doonayey inuu si qarsoodi ah u go’aamiyo muddo laba sannadood ah oo ay doonayeen inay u kordhiyaan Madaxweyne Riyaale oo muddadiisa xilku ku egtahay badhtamaha May, kaas oo la baajiyey, kadib markii Komishanku ka codsaday in dib loogu dhigo wadahadallo u socdey Komishanka iyo Saddexda xisbi oo ku saabsanaa muddeynta doorashooyinka iyo diiwaangelinta codbixiyayaasha. Waxaana ka dhashay qorshahaas Guurtida xasaasiyad iyo xamaasad weyn oo lagu diidan yahay mudda-kordhinta.
Qaraxaas iyo qaraxyo kale oo ka dhacay magaalada Hargeysa kadib iyo ka hor ayaa dad badani tuhunsan yihiin in xukuumadda lafteedu ay ka dambayso, iyada oo ka leh ujeeddo siyaasadeed, isla markaana siideynta masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ee loo xidhay falkaas oo sheegay in wax baadhis ah aan lagu samayn, maxkamadna aan la horgeyn iyo hadalka Wasiirka Arrimaha Gudaha oo muujinaya in eedaynta xisbiga KULMIYE iyo xadhigga siyaasiyiintaasi uu ahaa aargoosi siyaasadeed oo ay xukuumaddu kaga jawaabeysey ama ku cabudhinaysey dareenka mucaaridku kaga soo horjeedey qorshaha mudda-kordhinta Guurtida ayaa ah markhaati sii xoojinaya tuhunkaas.
Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa ka werwersan khatarta Somaliland daaqayso, marka la eego habdhaqankan masuuliyiinta iyo falalka ka suurageli kara.
C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


TACSI »
Dhambaalo Tacsiyadeed Oo Ka Kala imanaya Daafah Dunida: Marxuum Cali Sheekh Maxamed Jirde