Maxaa Gobol Lagu Noqon Karaa Somaliland?
![]() |
| Ali Gulaid |
Hordhac
Sida qaynuunku dhigaayo inta aan la magacaabin Gobol ama Degmo cusub waa in marka hore la qiimeeyaa ina aay shuruudihii Gobol ama Degmo buxiyeen iyo in kale. Dhawaaqa aay xukumada Riyaale ku dhawaaqday lix (6) gobol oo cusub oo aay Gabiley ka mid tahey iyo lix iyo toban (16) degmo waxa ka muuqata ina dhawaaqu ka soo hormaray qiimeyntii lagu sameyn laha ina aay shuruudihii Gobolnimo ama Degmo buuxiyeen iyo in kale. Sida awgeed qoraalkani waxa uu qiimeynayaa ina aay Gabiley buuxisay shuruudihii Gobolnimo iyo in kale.
“Timirtii horeba dab loo waa” ayuu dareenka dadka bedidiiso noqoday markii aay maqleyn magacaabista 6 gobol iyo 16 degmo oo cusub waayo iyada oo aan weli 18kii degmo ee toban (10) sanno ka hore la magacaabay aan weli la kala xadeyn wixii u soo kordhi lahaa ee aay ka mid tahey maamul dhisidna aan waxba ka tis-qaadin, ina qaar kale lagu daraa waxa aay noqotay fajaciso.
Haddaan magacaabista Gobol amba Degmo la waafajin sharciga waxa abuurmaaya GOBOL-BARAR. Taasina waa biyo-dhicis, qiima jab iyo xad gudub sharci. Dad badanina waxa aay aaminsan yihiin ujeeddada keliya ee oo Riyaale ka leeyahay GOBOL-BARARKa ina uu COD KU AMAAHANAAYO kana daacad aheyn. Waayo ma odhan teebaa shuruudii buuxisay ee markii la weydiiyay maxaad u magacawday Gobolada iyo Demooyinka cusub wakhtigan doorashada lagu jirro waxa uu ku jawaabay dadka ayaa I weydiistay mucaaridkana waan ka hordhacaayey. Waxa iyana dad kale aaminsan yihiin ina uu Gabiley oo shuruudihii Gobolnimo buuxisay ka ciideeynaayo. Taasina waa maan gaabnimo. Hadaba inta aanan nuxurka qoraalka oo ah Gabiley waay buuxisay shuruudihi Gobolnimo gudagelin, bal aan wax ka iftiimiyo sababaha Riyaale uu wakhtigan doorashado joogto uu Gobolo iyo Degmoyin cusub u magacaabay.
Sababaha Riyaale Ku kalifay Magacawga Gobolo iyo Degmooyin Cusub.
Sababta ku kaliftay Riyaale ina uu gobolo iyo degmooyin cusub magacaabo wakhtigan doorashado taagan tahey waxa uu Riyaale ku naqdiyay wareysi uu siiyay wariye Dalmar oo ka socta tifiiga Somaliland ee Yurup (Tvsleuope). Wareysigiina sidan ayuu u dhacay:
-
SU’AAL: Waxaad Dhawaan ku dhawaqdey Gobolo iyo Dagmooyin Cusub, Arinkaas waxaad ku beegtey Wakhitigii doorashada, waxaana la leeyahay madaxweynuhu wuxuu ku galayaa Kaambaynka doorashooyinka Somaliland. Arinkaas maxaa ka jire Madaxweyne?
-
JAWAAB: Horta qoladan mucaaradka ayaa waligood ku Campiagn jirey oo dadka ku odhan jirey Gobolo ayaan idin siineynaa ilaa doorashadii hore, markaa inta uu nin aan waxba haynini uu dadka ugu faanayo gobolo ayaan idin siinayaa, maxaan ugala bakhaylayaa anigoo dadka siin kara gobolo mar hadii ay dadkii i weydiisanayaan baahidiina meesha taalo, halka nin aan waxba haysani uu dadka u balan qaadayo waxaanu bixin karin.
Gabiley Shuruudihii Gobolnimo Waay Buuxisay
Haddan ku soo noqdo magacaabista Gobolo iyo Degmooyin cusub sida ku qayaxaan xeerka degmooyinka waxa ku xidhan shuruudu ansixintoodana waxa iska leh baarlamanka. Sidda awgeed weli fari kama qodna ilaa inta uu baarlamanku ansixinaayo. Markaa ninka maanta leh waxbaa la isiiyayow sidi sididada mooyaani dhul dhacaaga hubso. Qoraalkan waxa aan kaga faaloonayaa Gabiley oo qudha iyo sida aay u buuxisay shurudihii Gobolnimo. Maxaaa dheef ah ee gobolnimada uugu jirta iyo ina aay gobolada iyo degmooyinka kale ee la magacaabay shuruudihii loo baahnaa buuxiyeen midna ma aha ujeededeydu ee markaa sidaa uu la soco. Marka aan Gabiley ka hadlaayo waxa aan ku darayaa degmooyinka uu gobolka Gabiley ka kooban yahey oo dhan ee siddaa iyana uula soco.
Haddaba si duluucda qoraalku u hufnaato waxa aan u kala qeybinayaa laba qeybood. Qeybta kowaad waxa aan isku koobaya waxna ka iftiiminayaa sharciyeenta amba xeerka Gobol iyo Degmo. Qeybta labaadna waxa aan ku qiimeynayaa ina aay Gabiley shurruudihi Gobolnimo buuxisay aniga oo ka duulaya 8 qodob ee hoos ku xariiqan:
1) baaxada dhulka 2) miisaanka dadweynaha deegaanka ku nool (population density) 3) wax soo saarka (food production) 4) isku filaanshaha dhaqaale (economic viability) 5) hanashada adeegyada arrimaha bulshada 6) khayraadka dabiiciga ah (Minerals & Water) 7) astaamaha Gabiley u gaarka ah iyo 8) wax yaalo aay wadanka intiisa kale kaga horeyso
QEYBTA KOWAAD
Sharciyeenta Gobol iyo Degmo
Sharciga gobolada iyo degmooyinku waxa uu ku xardhan yahey XEERKA GOBOLADA & DEGMOOYINKA (Xeer Lr. 23/2002). Xeerkaasi wuu dheer yahay ciddi faahfaahis dheerad ah u bahanina waxa aay daalacan karta: www.Somalilandlaw.com. Waxa se aan ka soo naqilay hoosna ku xariiqay inta doodan khusaysa oo ku kooban shuruudaha ku gadaaman magacaabista iyo ansixinta Gobol amba Degmo:
QODOBKA 3AAD
Shuruudaha lagu magacaabi karo gobol ama degmo
Shurudaha (criteria) lagu magacaabi kara Gobol ama Degmo waxa waajib ah inay ku salaysnato buuxinta shurudaha hoos ku qoran:-
- Baaxada Dhulka ay ku fadhido.
- Miisaanka iyo baaxada dadweynaha deeganka ku nool.
- c) Wax soo saarkeeda iyo khayraadka dabeeciga ah ee aay leedahay.
- isku fillaanshaha dhaqaale boqolkiiba lixdan (60%) iyo hanashada adeegyada arrimaha bulshada
Qodobka 10aad
Wax ka Beddilidda
Qaab Dhismeedka Dalka
Wax ka beddelka tirada Gobollada iyo Degmooyinka ama xuduudahooda ayada oo sababaysan waxa soo jeedinaya Golaha Xukuumadda waxaana oggolaanaya Golaha Wakiiladda iyo Golaha Guurtida sida ku qeexan Xubinta 2aad, Qodobka 109aad, Farqadiisa 3aad.
QEYBTA LABAAD
Qeybtan labaad waxa aan ku qiimeynayaa Gabiley siddeedda qodob (8) ee aan kor ku xusay oo aay afar ka mid ihi yiheen shuruudihii ku xidhnaa Gobolnimo.
1. Baaxada Dhulka
In kasta oo baaxada dhulka Somaliland lagu qeyaaso 137,600 Km2 or 68,000 Sq. miles taasi oo ku dhaw baaxada dhulka Ingriiska iyo Wales oo la isku darro ( England + Wales) hadana nasiib darro baaxada gobolada iyo degmooyinka xad la’aan awgeed la garanmayo. Inta aan ka war qabo ma jirto cid weli kala xadeynta iyo masafada gobolada iyo degmooyinka odorostay. Gobolada waay kala baaxad weyn yihiin. Sanaag, Sool iyo Togdhere masaafad ahaan isha-qaawani waxa aay arki karto ina aay gobolada Hargeysa, Awdal iyo Gabileyba ka baaxd weyn yihiin in kasta oo sida runta ah aan gobolada iyo degmooyinka midna masaafadood odoross lagu sameyn. Sharcigu masaafada amba baaxda gobol ma cayimin. Sida awgeed baaxda dhulka oo qudhihii ma noqon karto waxa gobol amba degmo lagu magacaabo. Waxa se baaxada dhulka ka muhiimsan sida degaanku garabka isugu hayo (density). Sidda awgeed waxa fikrad fiican laga qaadan karaa baaxada (size) iyo miisaanka (density) dhulka Gabiley ku fadhido marka la xuso magaalooyinka gobolku ka kooban yahey ee la yaqaanu oo aay ka mid yihiin: Allaybaday, Arabsiyo, Kalabeydh, iyo Tugwajaale. Waxa aan iyanna ku daraya tuulooyinka yaryar qaar ka mid ah: Ceel-Sheekh, Agabar, Geedbalaadh, Teysa, Ijaara. Magaalooyinkaa iyo tuulooyinka qeybta lixaadka leh ka qaata dhaqalaha wadanka ayaa fikrad kaa siin kara qiimeeynta baaxada Gabiley iyo degaankeeda.
2. Miisaanka Dadweynaha Deeganka ku Nool (Population Density)
Sida laga warqabo wax tira koob ah (census) oo wadanka laqa qaaday ma jirto. Sidda awgeed ina Gabiley amba gobol kalaba (si isku kalsooni ah) la yidhaahdo intaasi ayaa ku nool waay adagtahey. Waxa jira meelo aan ku arkay gobolka Gabiley dadka ku nooli waa ilaa 400,000 - 500,000 oo kun. Dadka qaarna waxaabay yidhaahdaan tirada dadka ku nool (population) marka la eego Gabiley waa ta sadexaad halka Hargeysa iyo Togdheer aay kow iyo laba isu yiheen. Si kastaba ha ahaato e ta uugu dhaw ee laga duuli karaa ee tirada gobolka ku nool lagu qiimeyn karaa waa sidii doorashooyinkii wadanka soo maray marka laga soo bilaabo 1960 la is barbardhigo gobol walba amba degma walba inta ka codeysay. Hadaba marka la darso siddi looga kala codeeyey wadanka (1960 - 2005) waxa ka muqaneysa ina doorashadii Maxdaxweynaha ee 2003 siddi gobolada iyo degmooyinku u kala codbadnaayeen loo soo qaadan karo tusaale amba metaal marka laga reebo Sool oo aan laga codeyn 2003. Hadaba iyada oo la soo bandhigi karo shaxda doorashooyinkii ina soo wada maray siddi wadanka looga kala codeeyay waxa aan ka door biday ina aan metaal u soo qaato doorashadii Madaxweynaha 2003 oo la odhan karo waxa aay aheyd metal laga qeyaas qaaadan karo (representative). Doorasha kasta oo la eegana (marka laga rebo Sool) sida doorashdii 2003 loo kala codbadnaa ayaa loo kala horeeyay inta badan. Hadaba si aad fikrad uuga qaadato SHAXDA - I ee hoose ku qayaxan ka daalaco.
SHAXDA - I
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||
3. Wax Soo Saarka
Waxa aan garadeystay iyada oo galbeedka awrta loo hadhudiyo berigii hore ee aanu wadanku sidaa isugu xidhneyn gaadiidna jirin oo laga keeno joonyado arabikhi ah iyo hadhuudh IWM. Nasiib daro sida aanu wadanka oo dhan uuga jirin wax tira kooba ah (census) ayaanu uuga jirin kimiyad amba qiimeyn la sheegi karo (statistics) oo ku taxaluqa wax soo saarka wadanka. Waxa se uu gobolka Gabiley kow ka yahey gobolada wax soo sara ee aay ka midka yihiin Awdal iyo Ceerigaabo. Waxa yaalaha Gabiley ay caanka ku tahay waxa ka mid ah: Arabikhida, hadhuudhka (cilmi jaamac), qamadida (wheat), barley, beans, peas, groundnuts etc. Waxa inta dheer khudrada (fruits & vegetables) aay ka mid yihiin liinta (oranges), papaya, xabxab, tamadho iwm. Wax xusid mudan labadii meelood ee midna Dawladu beertay midna uu shacbigu beertay ee natiijada laga gaadhay waxa ay kala yihiin mashruucii dawlada ee wajaale (Tugwajaale Project) iyo tii sheekh muxamed Raage iyo ilma Ciisa Jamac (Maxamuud iyo Cabdilahi) ee CEEL-BARDAALE. Gabiley ina aay wax soo saarka kow ka tahey murran kama taagna.
4. Isku filaanshaha dhaqaale (Economic Viability)
Sharcigu waxa uu odhanayaa meesha Gobol ama Degmo loo magacaabayaa waa ina aay boqolkiiba lixdan 60% dhaqaalaha isku filantahey. Marka aad eegto wadanka oo dhan Gabiley waa ta keliya ee boqolkiiba boqol isku filan 100% wax soo saaarka- food production - (haddi maanta bariisku iska keen tago). Xaga dakhligana (revenue) waa ta saddexaad. Hadaba si aad taa u rumeysato waxa aan hoos (SHAXDA -II) ku soo qoray dakhligii sannadkii 2006-2007kii wadanka soo galay oo aan miisaniyada xukuumada ka soo qaatay ee ka baaran deg.
SHAXDA - II
| Dakhliga oo Goboleysan 2006 - 2007 | |||
| 1 | Berbera | 121,784,354,866 | 62.53% |
| 2 | Hgsa | 31,597,945,919 | 16.22% |
| 3 | Gabiley | 28,047,391,101 | 14.40% |
| 4 | Awdal | 8,292,823,271 | 4.26% |
| 5 | Burcao | 3,262,713,828 | 1.68% |
| 6 | CeErigabo | 1,024,336,775 | 0.53% |
| 7 | Sool | 750,282,944 | 0.39% |
| Wadar | 194,759,848,704 | 100.00% | |
Dad aqoon u leh wax soo saarka beeraha iyo degmada Gabiley oo aan arrinta wax ka weydiiyay waxa ay isku raaceen ina haddi xukumad wax soo saarka daneyneysaa timaado oo ahmiyad la saaro lana isticmaalo qalabka casriga ah (mechanized agriculture) ina xata cunto la dhoofin karo aay Gabiley soo saari karto
5. Hannashada iyo Adeega Bulshada
5.1 Caafimaadka
Meel kasta oo noqoneysa Gobol amba Degmo waa ina laga heli karaa adeegyada bulshada sida caaafimadka iyo waxbarashada. Nasiib darro xaga caafimaadka Gabiley waxa aay kala mid tahey wadanka intiisa kale. In kasta oo aay wax soo saarto cashuur badanana aay bixiso hadana sidda Saaxil uuga harraadan tahey dakhliga dekedda ka soo gala ayaay Gebilayna uuga haraadan tahey cashuurta ka soo baxda kastam yadiida oo aan waxba loogu qaban. Nasiib wanaaga hadda waxa si iskaa-wax-u-qabso ah aay reer Gabiley (gudaha iyo dibedba) iska kaashdeen siddi cusbitaal weyn oo aay ku baxeyso $500,000 loo dhisi laha. Hawshaasi oo weli lacag ururiskeedo socdo, hadana iska dhadhaw ayaay daka reer Gabiley aad u naawilayaan ina si dhakso ah cusbitalka loo dhiso.
5.2 Waxbarashada
Gabiley marka laga reebo Hargeysa, Awdal iyo Togdheere wa ta uugu iskoola (school) badan. Iskuulka dhexe (intermediate) ee loo yaqaanu “Qalax” waxa la dhisay xawalay 1954. Iyada oo iskoolada hoose badan yihiin ayaan hadana caruurta aan iskuula loo kala helin. Nasiib wanag degaanka (sedentarized) awgeed ee aay dadku degen yihiin ee anay reer guura aheyn waxa aay ka cawisay reer Gabiley ina aay caruurto wakhti kasta iskoolka tigi karaan (gu’ iyo jiilaalba). Ilmaha Gabiley ku dhashay siddi uu fursad uugu helilaha waxbarasho aad ayaay u sareysaa
6. Khayraadka Dabiiciga ah (Minerals)
6.1 Macdanta
Sida ku cad odoross la sameeyay kuna qayaxan Cilmi Keydiska aqalka qaynuun dejinta ee Mareykanka iyo diiwaangelinta khayraadka aduunyada ee ka soo baxa hay’ada sirdoonka Mareykanka ” Library of Congress Country Study and the CIA World Factbook” labada meelood ee wadankii la isku odhan jiray Somalia ee macdanta dahabka (Gold) laga helay waxa aay kala yihiin ARABSIYO iyo CEELBUUR (koonfur)
6.2 Biyaha Dhulka Hoos Jeefa (Ground Water)
Odoros BIYO baadhis ah oo igaga soo baxay si lama filaan ah baadi koob (research) aan ku sameynaay halka bio ku jiran wadanka oo uu USAIDku maal geliyay laguna baadhay galbeeka (min Gabiley ila Boorama) 1986 - 1988 oo iyada oo la dhameystirin dagalkii SNMtu ka soo dhaxgalay waxa aay xaqiijisay biyaha dhulka hoostiisa ku jira ina aay baaxad xoog ah leeyihiin. Waxa xusid mudan ina baadhistais lagu sameeyay technologiga casriga ah Somalilandna aay tahey halkii uugu horeysay ee technologiga ceynkaasi ah lagu tijaabiyo. Inkasta oo aay taasi taarikhida inoo gashay hadana weynaga dawlad xumo awgeed ilaa maanta gaadhi-gaadhi saarka ku jirna.
7. Astaamaha Gabiley u Gaarka ah
Gabiley waxa aay Caasimada ka xigtaa xaga galbeedka waxanay u jirta ilaa kuntan mile (about 50 miles). Dhawanshaha ay ku dhawdahay caasimadii waxa aay u suurta gelisay ina waxa aay soo saarto ina aay markiiba suuq (market) gaadhsiin karto. Gabiley waa dhul hodan ah kuna caan baxay wax soo saar amba qodaal (food production). Waxaanay wadanka intiisa badan oo reer guuraaya (nomad) aay iyado kaga du wantahey waa dhul aan jiilaalkiina laga hayaamin gugiina lagu soo noqon (sedentarized). Dadku reer guuraa ma ah sidda awgeedna horumar iyo qorshe dhaqaale (economic development) si hawl yar ayaa looga hirgelin karaa.
Waxa kale oo iyana aay caan ku tahey (iyada oo runtii Galbeedkuba ta ka wada siman yahey) dadka reer Gabiley waxa aay dhaqan iyo dhexgalba la qeybsadaan Somalida Jabuuti iyo ta Ethiopia. Sidda awgeed waxa aay wax ka tari karaan xidhiidhka aaynu la leenahay labadaa wadanba.
Gabiley waxa runtii ka muuqda xadaarad aan wadanka intiisa kale toona ka muuqan caasimada Hargeysana ku darro. Qodaalnimada waxa aay ku abuurtay ina aay isku filaadan dhaqaale ahaan waxaanay u soorta gelisay ina aay xirfada bayacmushtariga xorta ah isku haleeyaan. Waxaana ka mid tujaarta caan ka ah Ibrahim Dheere iyo Cadbilahi Omaar oo Somaliland iyo Jabuuti u dhexeeya. Halgankii gobonimada ee 1960 dadka reer Gabiley waxa aay kaga jireen kalinta kowaad. Waxa Gabiley kasoo jeeda magaceeda iyo ka Somalilandna kor u qaaday odayaal iyo aqoon yahanba leh (qaarna maanta inaga hooseeyaan qarna nool yiheen) oo aay ka mid yihiin Cabdilaahi Timacadde, mujaahid xalane, xaaji Askar, sheekh Muxumad Yare, Sheekh Maxumad Raage, Sheekh Abuubakar (Sheekh abujabha), Xaji Geydh, Axmed Yusuf Ducaaleh iyo akhyaar kale oo badan oo wadanka horumarkiisa ta dhaqaale iyo ta siyaasadiidba qeyb libaax ka soo qaatay wakhtigii gobanimada loo kifaaxaayay.
Gabiley Muwaadaninimada lafta ayaay kaga jirtaa dadkuna waxa ay yidhahdan dadka degan amba qodaalku ciida ayaay qiimeeyaan. Gabiley halgankii SNMta waxa aay kaga jirtay safka hore. Waa halkii ciidankii AFRAAD ee muquuninta faqashtii qeybta libax ka qaatay uu ka aasaasmay. Sababtaa awgeed faqashtii colaad gaar ah oo axmaqnima ah ayaay Gabiley u qaaday xasuuqii uu korneyl TUKE iyo ciidamadiisu kula kaceen Gabileyna waaynu la soconaa halkan looma baahna ina aan ku celiyo
- Waxa Gobolka Gabiley ka mid ah magaalooyin waaweyn oo xaga wax soo saarka iyo tijaaradaba qeyb weyn ka qaata. Waxana ka mid ah: Arabsiyo, Togwajaale, Kalabeydh, ceelbardaale, Agabar, laasdhure, Cali Xaydh, laas xadheedh.
Waxa kale oo aan u soo jeedin laha ciddi dooneysa ina aay macluumaad dheeraad ah ka hesho dhaqanka Gabiley iyo nawaxidiida siddi uu ahan jiray lixdameyihii ina aay akhriyaan “The last Camel Died at Noon” oo gabadh ka mid aheyd Peace Corps kii oo wakhtigii 1960 ka shaqeyn jirtay Arabsiyo aay qortay.
8. Waxa Yaalaha aay Wadanka Intiisa Kale Kaga Horeyso
8.1 Cadastral Surveys -(Digital Address)
-
Magaalada Gabiley (oo aanu gobolaka intiisa kale ku jirin) waxa uu qoyskastaba leeyahey (houseohld) cinwaan lagu xafiday tegnoolajiga loo yaqaanu “Digital Adress”. Magaalada Gabilay waa magalada keliya ee wadanka oo dhan ka leh “digital address”. Waxa aaynu beri dhexdeed aheyd maqalnay ina magalooyinka waweyn loo sameyay astaan guri walba u khaas ah. Ka Gabiley laga hirgeliyay kaasi aad ayuu uuga duwan yahey ee yaan la isku khaldin. Cinwankan ah ‘digitalka” waxa uu ka kooban yahey toban (10) xaraf (characters) oo isugu jira kara (alphanumeric). Cinwankaasi waxa uu tilmaam gaar ah u yeelayaa beer kasta, guri kasta xataa geedkasa amba goobkasta.
-
Waxa taasi suurta gelisay odoros lagu sameeyay lahaanshaha dhulka iyo qeydinta amba kala xadeynta beeraha iyo guryaha ah oo ku saleysan kala qoqobka dabiiciga ah (Natural Area Coding System) kaasi oo ku dhisan qiyamka longtitude-latitude oo loo bedelay lambar sida ka telefonka ah (digital address). Waxaana iska kaashaday hay’ad wadani ah oo la yidhahdo “Cadastral Surveys” oo uu ka madaxyahey John Drysdale iyo Hay’ad Kanadiyan (Canadian) oo la yidhaahdo ” NAC Geographic Products Inc. (NACGEO)” kharashkii ku baxayna waxa bixisay Hay’ada UNDP.
8.2 Laydh Xawli Warshadeed leh (Industrial Power Grid)
-
Nasiib darada Somaliland ka taagan ee hortaagan guud ahaan horumarka khaasatana wax soo saarka mid beereed (agricultural) iyo mid warshadeedba (industrial) waa laydh la isku haleeyn karo (reliable) oo loogu talagalay warshadeynta oo ka maqan. Waxa se nasiib wanag ah ina aay Gabiley tahey halkii uugu horeysay wadanka ee laga bilaabo laydh warshadeen (industrial power). Laydhkasi oo dhawr bilood ka bacdi si rasmi ah loo hirgelinaayo waxa gacanta ku haysa shirkad la yidhaahdo “Ileys”. Laydhkaasi waa mid ka jaban kan imika shirkadaha telefoonado iibiyaan waxana loogu tala galay ina aay gobolka Gabiley oo dhan wada gaadho iyada oo loo qoondeeyay ina Gbiley noqoto saldhiga warshadeynta Somaliland (industrial hub)
Gebogebo
Nin Profesor ah oo la yidhahdo Jeffery Herbst ayaa maqaal qoray nuxurkiisu yahey Somaliland shuruudihii wadan lagu noqonaayay waay buuxisay ee maxaa wadanada Afriki isaga indha tirayaan. Maqaalkaasi oo cinwankiisu aha, “In Africa, What it Takes to be a Country?” taasi oo marka la turjumo noqoneysa, “Maxa Afrika Wadan lagu noqon Kara?”. Dareenkaasi waxa uu igu dhaliyay dareen ah Somaliland “maxaa Gobol lagu noqon karaa?” aniga oo hibanaaya Gabiley oo shurudhihi ku gadaana Gobolnimo buuxisay xukuumda ina Riyaale iska indha tireysan shan sanno in ka badan.
Gabiley yaan ciddina uugu manna sheegan wax baan ku siiyay waayo in badan ayaa gobolnimada aay sharciyan xaqa u leedahey laga hortaagnaa. Maantana haddi uu Riyaale ka daacad yahey ma yidhaahdeen dadka ayaa I weydiistay waxanan ka hordhacayaa mucaaridka (KULMIYE) ee waxa uu odhan laha Gabiley sharcigii Gobolnimo ayaay buuxisay. Waxa xeerka loo sameystay ina la raaco laguna dhaqmo.
Khubarada ku ta khusasta sharciga waxa aay isku raacsan yihiin inna aay Somaliland buuxisay sharciyan (legally) shuruudihii wadan madaxbanaan looga baahnaa oo waxa hortaagani aanu aheyn sharciga ee ay tahey siyaasiyaan (politically).
Cadaala darradda Somaliland adduunka ka heystaa waxa aay ku xasuusineysaa cadaala darradda Gabiley ka heysata Somaliland. Gabiley gobolnimo ma u qalantaa su’aashu ma’aha ee waxa weeyaan Gabiley shurudihii gobolnimo ma buuxisay? Taasina waa HAA. Nasiib darro se haddana ilaa maanta sharciyan gobolnimo ma hayso! Maxa hadaba hortaagan? Maamul xumo, ku dhac la’aan iyo sharciga oo la iska baal maraayo ayaa hortagan
Ali Gulaid, San Jose, CA





TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday