Maareeyaha Dekedda Berbera oo ka warramay Tacriifadda Dekedda ee la kordhiyey

Berbera (Somaliland.org) – Maareeyaha Dekedda Berbera, Cali Cumar (Xoor-xoor) ayaa caddeeyey inay kordhiyeen tacriifadda cashuurta laga qaado badeecadaha ka soo degga Dekedda, balse, waxa uu sheegay in korodhka cashuurtu uu yahay wax aad u yar ee aan la kordhin 50%.

Maareeyaha Dekedda oo maanta xafiiskiisa Berbera ku qabtay Shir jaraa’id waxa uu sheegay in cashuur yar ay ku kordhiyeen badeecadaha dekedda ka soo dega ee ay ka midka yihiin raashinka, bagaashka iyo Kontiinarada, waxana uu sheegay in badeecadahaas cashuurta lagu kordhiyey ay tahay mid aad u khafiif ah oo aan culays badan ku keenayn macaamiisha dekedda.

Tusaale ahaan waxa uu sheegay in raashinka halka Ton lagu kordhiyey Sl.shs. 3,000 (Saddex Kun Somaliland Shillings), taas oo uu sheegay in gadbadda raashinka ah ay ku kordhayso Sl.Shs 150 (Boqol iyo Konton Shilin).

Waxana uu sheegay in sababta keentay korodhka Tacriifadda dekeddu ay tahay in lagu kabo mushaharka shaqaalaha dowladda, maadaama xilligan ay jirto ayuu yidhi sicir barar ku dhacay maceeshadda.

Maareeyaha Dekedda Cali Xoor-xoor waxa uu sheegay inay tahay markii u horreysey ee la kordhiyo tacriifadda dekedda muddo toban sannadood ah, waxana uu sheegay in aad looga fekerey, daraasadna lagu sameeyey saamaynta ay ku yeelanayso macaamiisha dekedda.

Korodhka tacriifadda dekeddu waxa uu yimi iyada oo uu jiro sicir bararka maceeshadda oo la sheegay inuu dunida oo dhan saameeyey, abaar daba-dheeraatay oo dad iyo duunyoba khatar ku haysa, dhaqaale xumo, taas oo ay weheliso qiimaha Shidaalka oo ay Shirkadda TOTAL cirka ku shareertay.

Waxa kale oo jirey 2% xukuumaddu ku kordhisey cashuuraha oo loogu talagalay dib u dhiska gobolka Sool iyo cashuuraha oo horeba u cuslaa.

Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada ayaa iyagu sheegay in korodhka tacriifadda Dekedda uu yahay sharci darro, maadaama dastuurku dhigayo in aan la qaadin cashuur ama tacriifad aanu Golaha Wakiilladu ansixin. Waxana uu guddidu ugu baaqay shacbiga Somaliland in aanay ogolaanin cashuurtaas sharcidarada ah.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra