Guddida Dhaqaalaha Ee Wakiillada Oo Ka Hadlay Maciishadda, Sicir-Bararka
“Waxaanu soo jeedinaynaa in la joojiyo iibsiga shidaalka, oo baabuurta la iska dhigo” - Xildhibaan Duur
“Qaramada midoobay warbixinta laga jeediyay ee la leeyahay S/land ma xasiloona, waxay ka baxday xukuumaddeena” - Xildhibaan Cali Mareexaan
“Cashuur aan Baarlamanku ansixin lama bixin karo, waana sharci-daro.” - Xildhibaan Maxamed Xaji Maxamuud
Hargeysa (Ogaal) - Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa si adag uga hadlay Sicir-bararka qiimaha maciishada kala duwan ee maalin walba kor u kacaya iyo sidoo kale Cashuurta xukuumaddu ku kordhisay badeecadaha ka soo dega Dekadaha Berbera, isla markaana waxa ay ka xor-warameen xaalada dalku marayo, iyaga oo Madaxweyne Rayaale u soo jeediyay inuu dadka dhibaatadu ku habsatay si toos ah ula hadlo.
Guddigu sidaa waxay ku sheegeen Shir Jaraa’id oo ay shalay ku qabteen Xarunta Golaha Wakiillada ee Magaalada Hargeysa. “Waxa weeye cashuur lama bixin karo aan Baarlamaanku jidaynin oo waa sharci-daro, waa xaq-daro lamana bixin karo. Ka bixiyaana isaga ayaa wax u jeeda. Qodobka 14aad ee dastuurku wuxuu sheegayaa bixinta cashuurta iyo waajibinta cashuuraha iyo wixii takaaliif ah waxa loo eegayaa maslaxada ummada, sidaa daraadeed cashuur ama takaaliif aan xeer waajibinin lama qaadi karo, ummada waxeedii maalin walba cashuur ayaa lagu kordhiyaa, maalin walba wareegto ayaa lagu soo saaraa, anagu ma ogin meel ay tagto, Miisaaniyad mahayno, wixii ummadani wada lahayna cid baa iska yeelatay, meel xuna way maraysaa.”
Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar-xaashi, oo shirkaa ka hadlay, Gudoomiyuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxa dadka la yidhaahdaa Somaliland ayaa la ina yidhaahdaa oo nabad-galyaynu haysanaa oo waa caynkan wax badana waa laga shaqaynayaa, dadkan masuulka ahi ha isa soo taagaan oo ummada hala hadlaan, oo xaaladu markay xumaato Madaxweynuhu halkaa ha isa soo taago amaanka haka hadlo, xaalada jirta haka hadlo dadka wax ha u sheego, maaha inta makhsin hoosta laga galo in ummada si kale loo jeheeyo. TV-ga qaranku anaga nooma sharciyaysna, miisaaniyad ma siino meeshay lacagta ka keenaan ma ogin, maalin walbana waxa ka socda wixii Afweyne iyo wax ka daran, waxaanu leenahay ummadani ha xisaabtanto, waar laguma soconayo sidan, oo hadaad sidan eegataan hadhaw ayaydun wallaahi farta dhexda ka qaniini doontaan haday sidan ku socoto, waa in la joojiyaa oo la qasbaa.”
Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha Guddada Dhaqaaluhu inay Sabtida soo socota ay Golaha hor keeni doonaan qoraalo ay kaga hadlayaan arrimahan, isla markaana ay dadka u bandhigi doonaan.
Xildhibaan Saleebaan Cawad oo ka mid ah Guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada, oo ka hadlay shirkaa jaraa’id ayaa sheegay sidoo kale in xaalada dalku meel qasan marayso, isla markaana ay waxyaabaha dhibaatada horseedka ka ah u sibir-saarayaan Xukuumadda imika dalka ka talisa.
“dadka reer Somaliland, waxaynu ognahay inaanay lahayn badeecad ay dibada u dhoofiyaan marka laga reebo Xoolaha nool, waana waxa kaliya ee aynu u iib gayno aduunka, waxaynu ognahay in uu xoolaha nool iibkoodu muddo-ba taagnaa. Waxaynu ognahay in Xukuumaddu ay heshiis la gashay nin Carbeed oo la yidhaahdo Aljaabiri, kulana heshiisay in uu neefkii 36 Doolar ka siisto, waxaana lagula heshiiyay in uu xoolo farabadan sannadkiiba inaga qaato, waxay taasi keentay in xoolihii loo diido ganacsatadii kale in ay iibsadaan, Aljaabirina tiradii uu ku balan-qaaday may socon.” Xildhibaanku wuxuu intaa ku daray oo uu sheegay inay dhibaatadii ka dhalatay arrintaasi ay sababtay, dhaqaale la’aan saamaysay guud ahaanba dadkii xoolaha dhaqan jiray, dhoofin jiray, dilaali jiray, baabuurtii qaadi jirtay iyo weliba in badan oo kale oo bulshada ka mid ah oo ku noolayd dhaq-dhaqaaqa xoolaha nool. “Neefka xoolaha ahi waa sida shidaalka, waxaanad ogtihihiin in shidaalku qaaliyoobayo, waxa is weydiin leh, sababta neefkeenu uu muddo sannad iyo badh ah u dhaafi la’yahay 36-ka doolar, iyada oo aynu ognahay in Doolarkii caalamka ka jabay, inaga oo og in muceeshadii ay cirka isku shareertay maxaa inaga neefkeena ku xadiday 36 Doolar, waxyaalaha aynu hayno waxa ka mid ah in meelo fara-badani ay xooleheena danaynayaan oo la inaga siisan lahaa 45-Doolar iyo 52-Doolar-ba, xooleheenan ninka kaliya loo qoondeeyay waxay keentay inuu sida uu doono ka yeelo, waana masiibo weyn oo dadka reer Somaliland haysata, in hadana saaka ooda afka laga sii saaray, qodobkaasi wuxuu guddi dhaqaale ahaan noola muuqdaa in Xukuumaddu ay fasaxdo xoolaha, oo nin kasta oo dhoofin karayaaba uu dhoofiyo, si xooleheenu ula tartamaan dhaqaale ahaan muceeshada cirka isku sii shareeraysa.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Saleebaan.
Waxaanu ku dooday Mudane Saleebaan in aanay Xukuumaddu lacagtii 2%-ka ahayd ee cashuurta lagu kordhiyay si wax loogu qabto Gobolada Sool iyo Sanaag-barre in aanay xukuumaddu gaadhsiin, isla markaana aan la ogayn Miisaaniyadii Qaranka, tii sannadkii hore Burco loogu talagalay in giimbaarta lagaga bedalana ay xukuumadda ku maqan tahay.
Sidoo kale, Xildhibaan Cali Xassan Maxamed (Cali Mareexaan,) oo isna shirkaa ka hadlay ayaa sheegay in ay xukuumaddu wado qorshe lagu mijo xaabinayo Qaranka “Waxaanu ognahay oo xaqiiqo ah, in Xukuumaddu wadato qorshe dibadeed oo Somaliland lagu mijo xaabinayo, lacagta badankeedana lagu isticmaalo.
Hal tusaale, oo kaliya ayaan idiin sheegayaa, kaasina waxa weeye, waxaad maqasheen Qaramada midoobay warbixin laga jeediyay oo la leeyahay Somaliland nabadi kama xasiloona, waxay ka baxday waa xukuumaddeena, xaqiiqadiisiina anaga ayaa hayna,” Ayuu yidhi Mudane Cali Marreexaan, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waa la dhiiraday dadkii Somaliland u dhashay ee laga biqi jiray ee la is odhan jiray hadiii Somaliland laga horyimaado way idin laynayaana waatan la mashquuliyay ee lagu mashquuliyay hebel cambaareeya iyo UDUB baanu galay oo Kulmiye ayaanu ka baxnay dhaha. Arrimaha imimka socda ee taagan ee dawladu Miisaaniyad u samayn wayday waa taa, markhaatiga ugu weynina wuxuu dhacay maalintii la yidhi Somaliland nabadgalyo kama jirto, doorashooyinkiina waa la laabay, oo muddadii waa la kordhiyay, Guurtidiina la adeegsaday, qodobka la isticmaalayna uu ahaa nabadgaylo daro ayaa dalka ka jirta.”
Xoghayaha gudiga dhaqaalaha Xildhibaan Maxamed Nuur Caraale (Duur), oo hadal dheer ka jeediyay shirkaa jaraa’id ayaa ka hadlay xaaladaha kala duwan ee dalku waqtigan ku jiro, oo uu sheegay in ay meel aad u halis ah marayaan, waxaanu yidhi, “Xaalad argagax leh ayaa muuqata, oo shacabkeenii iyo dalkeenii ka muuqata, taanu soo gudbinaynaa maanta waa qaylo dhaan noloshii oo cidhiidhi gashay, waxaan anigu leeyahay Waar hayaay. Foostada naaftada ah waxa la kordhiyay lacag dhan 43% oo hal mar la kordhiyay, qiimaha raashinku hore ayuu cirka ugu shareeraa, oo Gadbada Bariiska ahi waxay gaadhay 40-42 Doolar, marka tan lagu sii darana dabkii yaalay ayay dab ku sii qabanaysaa.”
Waxa kale oo uu Xildhibaan Duur ka hadlay Cashuurta badeecadaha kala duwan ee ka soo dega Dekada Berbera, oo intii laga qaadi jiray markii hore hada lagu kordhiyay 50%, isla markaana waxa uu ku tilmaamay arrintaasi inay tahay mid aan loo adkaysan Karin duruufaha jira awgood, sidoo kalena ay dalka ka jiraan abaaro ba’an oo aan saamaxayn in dadka shacabka ah culays la saaro iyaga oo horeba culays u saarnaa. Waxaanu sheegay culayska dadka saaran dartii inay dadka inta quutal-daruuri hesha iyo inta aan helin ay ka badan tahay inta aan helin, “shaqo la’aanta iyo rejo xumada ku habsatay dhalintiina warkeeda waa la hayaa.” Sidaas ayuu ydihi Xildhibaan Duur. Waxaanu ku dooday in ay Shirkada Total gacanta ku hayso dhaqaalihii dalka, “Total waa shirkad shiidaal oo si minaboli ah gacanta ugu haysa hantidii Qaranka iyo haamihii ummada ee Berbera, Total markay dalka timi foostada shidaalka ahi waxay ahayd $30 Doolar, oo anigu shidaalka ayaan ka ganacsadaa, maantana waxay marraysaa 208-Doolar. Total waa shirkad mina boli ah iyada oo xukuumaddu lugta u qabato cid kasta oo isku dayda inay shidaal keento, Total waa gardaro garab og, Wasaarad lama xidhiidho, Xildhiibaano lama xidhiidho, waxay toos amarka uga qaadataa Madaxweynaha Somaliland, cid kalena wax ma waydiiso, wax kasta oo ay ku talaabsatana cid qaban kartaa ma jirto, maadaama ay Madaxweynihii dalka ka haysato kalsooni buuro ah.” Waxaanu sheegay Xildhibaan Duur, in ay Guddi dhaqaale ahaan xisaab xidh ay sameeyeen sannadkii 2005-tii ku ogaadeen in Total lacag ku dhaw toban milyan oo doolar ay ku qaadatay maal-gashi ay sheegtay inay ku bixisay Haamaha shidaalka Berbera, Waxaanu soo jeediyay Xildhibaan Maxamed Nuur Caraale (Duur), oo uu yidhi “Qiimaha shidaalku mid la qaadan karo maaha, waxaanu soo jeedinaynaa in la joojiyo iibsiga shidaalka, oo ay dadku faraha ka qaadaan, oo baabuurta la joojiyo, anigu saaka gaadhigaygii waan joojiyay oo waan ka soo lugeeyay, waxaan soo baadhay shabakadaha Internet-ka dalalka jaarka ah oo dhan meesha ugu qaalisan Foostadu waa $120 Doolar, Naayjeeriya waa $102 Doolar foostada naaftada ahi, Yaman Yemen 20 Litir waa $7-ba doolar, oo ay ka qaylinayaan, iyada oo cilmi baadhis la sameeyay lagu ogaaday in dadka reer Yeman dakhligoodu yahay maalintii 2 Doolar, halka dadka reer Somaliland-na uu hal Doolar ka hooseeyo, hadana waxa la inoogu sargooyay wadamada lacagta ugu saraysa saara sida London, oo dadka waxma garatada ah lagu harawsanayo London buu intaa ka yahay, waar ma London baynu joognaa dalkaa bakhtiyaya ayaynu joognaa ee dadkiisii beerka dhulka kuhayo’e. Cunaqabataynbaa shidaalka saran, waxaananu dawlada u soo jeedinaynaa haka qaado cunaqabataynta ay shidaaka ugu xidhay Total wuu jabayaaye, hana furto in shidaalka laga keeno meel kasta, maalintay ku dhawaaqdana wuu jabayaa shidaalku, waxa saran shidalka lacag ay Total iyo Xukuumaddu iska kaashadaan, oo Foostadana Naaftada ah $12 doolar ayaa saran, ta Baatroolka ahna 14 Doolar ayaa saaran, oo ah lacagta ay Total maalgashiga ugu magac dartay ee tobanaanka milyan ee doolar ay ku qaadato ee xukuumaddana badhka loo celiyo, hadii ay Xukuumaddu ummaddeeda u tudhayso, oo abaaraha jira eegayso, oo ay darxumadda baahsan eegayso ay dhibaatada dalka taala ay eegayso haka qaado dadka, oo markay nolosho wax damaqdo albaabada oo dhan ayaa la furaa, waar maanta Qarax baynu taaganahay, ee albaabada hala furo.” Ayuu yidhi Duur.
Waxaanu soo jeediyay in wax-garad aqoonyahan iyo culimo-awdiinka Somaliland ka hadlaan xaalada dalka. “Waxaanu soo jeedinaynaa Aqoonyahaniin iyo wax garad-ba in la isu yimaadaa oo laga wada tashadaa waxan dadkii lagu jeediyay, oo dadkii waxa lagu jeediyay waxaan dan u ahayn dadka iyo dalka toona, maaha maalin doorasho laga hadlo, maaha maalin la is jiidjiito, oo maanta noloshii way burburtay, oo dadkii waa liitaa, dhaqaale ahaan waa liitaa, horumar ahaan waa liitaa, siyaasad ahaan waa liitaa, caqli ahaan waa liitaa, dabadeedna waxa ay dawladiina garatay uun inay culayskii jiray culays uun sii saarto, waxaananu soo jeedinaynaa in xoolaha xayiraada saran laga qaado, taas oo sharciga Islaamka iyo shuruucda dalka u taalaba xaaraan ku ah. Sideebaad Madaxweyne neefka xoolaha ah sixir ugu goysaa, iyada oo shidaalkii maalin walba lagu darayo konton doolar, iyada oo gadbadii labaatanka ahayd labaatan kale fuuleen, sideebaad neefkii ninka maatida ah, ee shanta neef ku hadhay ee caydha ahaa ee baqtiyay sideebaad neefkiisii neefkiisa qiimo ugu goyn kartaa, caqli maah taasi, waa in Baarlamaanku baabuurta dhigaan oo ay dadka duruufta jirta la qaybsadaan, waa inay lugeeyaan oo ay dadka dhex qaadaan, oo la muujiyaa basaasta maanta bulshadii ku habstay. Waxaan leeyahay maanta dhib ayaa noo muuqata, hadaanay taasi jirin oo aanay bulshadayadu nala qabnina anaga ayaa iska hadalay, hadii kale dee qaranka waxa ka maqani waa hambalyo iyo hees, oo TV-ga Qaranka waxa ka socda markasta hambalyo iyo hees wax kalena lagagama hadlo, haday sidaa tahayna bal waa halkaynu ku gaadhnaa.” Ayuu yidhi.




TACSI »
Baroor Diiq Iyo Dhambaalo Tacsiiyadeed: Marxuum Yuusuf Tuke Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday