Golaha Wakiillada Iyo Dhexdhexaadin Muranka Muddo-Kordhinta Riyaale
Hargeysa: Maxaa lagaga hadlay kulankii wakiillada?
Hargeysa (Ogaal)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa fadhigii shalay ee golahaas mudanayaasha ku wargeliyay inuu ku hawlan yahay dhexdhexaadin la xidhiidha muranka siyaasadeed ee ka aloosan mudo kordhinta golaha guurtidu u sameeyay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ee waqtigoodii sharciga ahaa kaga dhamaanayo 15/05/2008.
Fadhigan oo aan saxaafadda loo ogolaanin, waxa la sheegay in guddoomiyaha cid arrintaa ku diiday jirin. Isla markaana fadhigii golaha degdeg loo soo gebogabeeyay. Inkasta oo uu Guddoomiyaha Wakiilladu fagaare uga sheegay inuu arrintaa galayo, balse lama garan karo sida uu ugu guulaysanayo, maadaama ay horeba u jireen guddi iskood isu-xilqaamay oo misaan culus ku leh bulshada dhexdeeda, isla markaana dhexdhexaadin ka galay khilaafaadyo jiitamay oo u dhexeeyay golayaasha qaranka daba-yaaqadii sannadkii hore, kuwaasoo weji-gabax kala kulmay ballanqaadkii ay ku hawlgaleen ee ay ka haysteen dhinaca xukuumadda.
Source: Xarunta Wargeyska Ogaal,
Hargeysa.

TACSI »
Dhambaalo Tacsiyadeed Oo Ka Kala imanaya Daafah Dunida: Marxuum Cali Sheekh Maxamed Jirde