Xukuumadda oo kordhisey Tacriifadaha Dekedaha ee Badeecadaha kala Duwan 50%

Berbera (Jam)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Xuseen Cali Ducaale (Cawil) iyo Maareeyaha Dekadda Berbera Eng. Cali Cumar Xoorxoor, ayaa bishan shanteedii si wada jir ah qallinka ugu duugey soo jeedin lagu kordhinayo tacriifadaha kala duwan lagaga qaado Dekadda Berbera, kuwaas oo qaarkood lagu kordhiyey 50% qiimihii hore looga qaadi jiray.

Bedeecadda lagu kordhiyey tacriifada Dekadda, ayaa waxa kow ka ah kuwa meceeshada iyo kuwa daruuriga ah, sida sonkorta, bariiska, daqiiqda iyo kuwa maidhaha ah oo halkii metrec/tan hadda laga dhigey qiimo dhan 15,000/=, halkii uu hore uga ahaa 1200/=.

Sidoo kale, badeecadaha tacriifadii laga qaadi jirey 50% lagu kordhiyey waxa ka mid ah kuwa bagaashka ah oo koontiinarka qiyaastiiisa loo yaqaan TEU hora looga qaadi jiray 606,000/=, ayaa hadda laga dhigey tacriifadda cusub ee loo dajiyey in laga qaado ganacsatada 909,000/=, taas oo u dhiganta in la kordhiyey 50% qiimihii hore looga qaadi jiray.

Haseyeeshee, konteynarka buuxa ee sigaarka ah oo cabirkiisu yahay afartan fuud (40ft)oo hore looga qaadi jiray saddex malyan (3,000,000/=), ayaa tacriifada cusub ee hadda la soo jeediyey laga qaadi doonaa afar malyan iyo boqol (4,000,100/=).

Sidoo kale, badeecadaha ay ka mid tahay saliida cuntada, ayaa waxa mugoodu dhan yahay hal kuyuubik/tan (1tan3) loo qoondeeyey in laga qaado 40,000/= halka hore looga qaadi jirey 30,000/= taas oo macneheedu yahay in saddex dalool la kordhiyey dalool tacriirfadii hore looga qaadi jiray.

Waxa iyana ka mid ah badeecadaha la kordhiyey tacfiifadii loga qaadijey shidaalka batroolka iyo naaftada ah, kuwaas oo halkii kuyuubik/tan ee hore looga qaadijirey 12,000/= laga digay 15,000/= iyadoo koradhka tacriifada shidaalka durba lga dareemay magaalooyinka dalka, sida Hargeysa, Berbera iyo Burco, kuwaas oo kaalmaha shidaalku kor-u-qaadeen qiimihii ay ku iibinayeen.

Waxa kale oo la kordhiyey tacriifadaha qalabka dhismaha oo dhan, kuwaas ay ka mid yihiin jiigada oo kale laga dhigey 36,000/= halka markii hore tacriifada laga qaadaa dhammeyd halka mitir/tan 30,000/=. Koradhka qiimaha tacriifadan waxa kale oo iyana barbar socda, kuna lifaaqanaan doona waxa loo yaqaan (Security Stamp Duty) ee ganacsada iyana laga qaado, isla Dekadda Berbera.

Korodhka tacriifada badeecadaha laga qaado xilli muaceeshada iyo waxyaabaha duruuriga ah uu sicirkoodu dunida sare uga kacay, taas oo dalalka caalamka, gaar ahaan kuwa ay jaarka nahay ee sida Djibouti ama Somalia ay kaga jawaabeen inay hoos u dhigaan qiimihii tacriifada badeecadaha lagaga qaadi jiray dekedahooda.

Waxaanay tallaabadan ay xukuumadda ku kordhinaysaa tacriifada ay noqon doontaa culeys kale oo guud ka sii fuuley xeelada nololeed ee danyarta iyo dadweynaha ku dhaqan deegaannada Somaliland, iminkaba qiiro-qiirada noloshoodii ay galisay sicir-bararka maceeshada iyo dhaqaale xumada iyo shaqo la’aantu.

Xigasho: Jamhuuriya


TOP

182 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Obamo-mania: How the Growing Phenomenon Felt up North

Mohamed A. Awale

Comments on the First American Presidential Debate of 2008

Ibrahim H. Gagale.

Mujaahid cabdiraxmaan iyo mujaahid ibraahim dib ah isu xisaabiyeen.

Maxamed Jaamac Cali (faroole).

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno.

Hamud Duale

Hangaraarac Lug Ka Go’day Uma Dhutiyo Gar Diidna Waa Alle Diid Ee Garabka Cabdiraxmaan Aw-Calow Maxaad Gartii U Diideen Adinkoo Og Gardarradiina!!!

Qalinkii: Shueib A. Yusuf

GARAW LAGUUMA HAYEE GAR CEEBLA MA MARSANAYSAA INA AW CALI FAARAXOOW

HASSAN KHADAR

Maxaa kugu doortaa mar kale Dahirow?

Daha Farah

The Kulmiye Wonderful Drama

Mohamud Tani

Mulacyaynta iyo jiitankan inaan dani ku jirin waa muuqatey.

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

Kulmiye miyuu burburey mise wuu bislaadey?!!!!.

Osman Omar Dool

ROGE:Sheeko wacani waa in ay sidan ahaataa!

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

SOMALILAND A STATE OF FAULTLESSNESS

Mohamed Omar

Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi..

Khadar Aw Axmed Camir

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid

Foosi Saleban Aw-Bindhe

Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

C/casiis Xirsi Cumar

Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”

Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad

Miyaanay Daw ahayn Inay Darka kuu galaanoo intay idin Doojiyaanoo Galaanka idiin Daraan

Abdillahi Dabey

Garnaqsoo Wax Ii Sheeg Gefna Waa Halkiisee

Mohamed Ismail

Cabdirahmaan Aw Caliyow Xasuuso Dhoolatuskii 2003 iyo Codadkii Aad Ka Keentey

Amina Hagi Mohamoud

Buugtii 2007 Soo Baxday Yaa Tartansiiyey

Jamac Dhalaax

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

HAMBALYO TV SOMALILAND EUROPE ee Stockholm, Sweden oo Toban jirsaday.

Hambalyada Ciidda ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE