Riyaale Oo Aqbalay Inuu Kulan Dhexdhexaadin Ah Ku Horfadhiisto Labada Guddoomiye ee KULMIYE iyo UCID

Hargeysa (Geeska) - Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa la sheegay inuu aqbalay inuu labada hoggaamiye Mucaarad Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Md. Faysal Cali Waraabe ku horfadhiisto kulan dhexdhexaadin ah, si ay uga wada hadlaan xaaladda cakiran ee siyaasadeed ee ku soo korodhay Somaliland.

Ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isu xil saaray inuu dhexdhexaadin ka gallo xaaladda siyaasadeed ee adag, uu shalay kulan la yeeshay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.
Sida ay ilahaasi tibaaxeen waxa uu Madaxweyne Rayaale, guddoomiye Cirro ka aqbalay dhexdhexaadinta uu waddo, waxaanu ogolaaday inuu kulan la yeesho Labada hoggaamiye mucaarad ee xisbiyada KULMIYE iyo UCID Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Md. Faysal Cali Waraabe.

Warku waxa uu sheegay inuu Madaxweyne Rayaale kulankaas ka sheegay inuu isagu soo cayimi doono xilliga uu kulankaas labada guddoomiye Mucaarad iyo isagu qabsoomi doono, waxaana la filayaa in Madaxweynuhu maanta guddoomiyaha Golaha Wakiilada u soo gudbiyo wakhtiga…..

Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, oo uu Geeska Afrika xalay arrintan wax ka weydiiyay ayaa qalbi furan ku qaabilay, “Annagu markii horeba waxaanu lahayn aynu wada hadalno oo tashano, xaaladan wada jir ayaa lagaga bixi karaaye. Markaas haddii uu ogolaaday oo Illaahay soo hadeeyay waanu soo dhawaynaynaa waanan ku amaanaynaa.” Ayuu yidhi Md. Faysal Cali Waraabe.

Aragtiyaha siyaasadeed ee Madaxweyne Rayaale iyo hoggaamiyayaasha xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa aad u kala fogaaday, kaas oo ka dhashay muddo kordhintii Golaha Guurtida Somaliland mudada sannadka ah ugu kordhiyeen Madaxweynaha Somaliland iyo ku xigeenkiisa, kaas oo ay xisbiyada Mucaaradkuna sheegeen inaanay aqoonsanayn.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa xaflad loogu dabaal degayay sannad guuradii labaad ee aasaaska wargeyska Geeska Afrika ka sheegay inay dhexdhexaadin ka gelayaan khilaafyada iyo murannada siyaasadeed ee xilligan dalka ka aloosan.
Md. Cirro, waxa uu ku sheegay in Golaha Wakiilladu doorkood dhexdhexaadineed ka qaadan doonaan xal-u-helidda murannada siyaasadeed ee waqtigan dalka hadheeyey ee u dhexeeya axsaabta mucaaradka iyo xukuumadda ee ka dhashay qabashada doorashooyinka, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid halis iyo qalalaase u horseedi karta Somaliland. “Doorka Golaha Wakiilladu ka qaadanayo xallinta murannada dalka ka taagan wuxuu noqonayaa dhexdhexaadinta dhinacyada khilaafku u dhexeeyo, sidaa awgeed siyaasiyiinta dalka mucaarad iyo muxaafidba waxaannu ka codsanaynaa inay ka hadhaan yooyootanka aan macnaha lahayn ee ay warbaahinta isku waydaarsanayaan, Ilaahayna waxaan ka rajaynayaa in hawshaasi si wanaagsan oo wadatashi ah ku dhammaato,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
Rayul caamka guud ee bulshada Somaliland oo muddooyinkii u dambeeyay ku jaho wareeray siyaasadda cakiran ee wadankooda ayaa aaminsan in wada hadal lagaga gudbi karo wax kasta oo soo kordha, maadaama Somaliland ku caano maashay wada hadal iyo isu tanaasul. Sidaas daraadeed dadku waxa ay il gaar ah ku eegi doonaan wada hadaladaas iyo midhaha ay dhallaan.

Source: Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa Somaliland…


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra