Koru kaca Shidaalka oo labanlaabay qiimaha lagu raaco Basaska magaalada Hargeysa iyo jawaab xukuumaddu ka bixisay

Hargeysa (Somaliland.org) – Lacagta lagu raaco gaadiidka dadweynaha ee ka dhex shaqeeya magaalada Hargeysa ayaa maanta la kordhiyey labanlaab kadib markii shirkadda TOTAL kordhisey qiimaha Shidaalka.

Basaska ka dhex shaqeeya gudaha magaalada Hargeysa oo lagu raaci jirey SL.Shs 1,000 (Kun Somaliland Shillings ah) ayaa saaka gaadhey Sl.shs. 2,000 (Laba Kun oo Shilin), taas oo ah labanlaab, iyada oo ay jireen basaska qaarkood oo iyagu ay dadka ka qaadayey Sl.shs 1,500 (Kun iyo Shan Boqol oo Somaliland shillings). Basaska magaalada ka dhex shaqeeya ayaa aad u yaraa maanta, waxaana la arkayey saaka haween badan oo selledahooda adeegga ula sii lugaynaya suuqa, kadib markii uu lama filaan ku noqday qiima korodhka labanlaabka ah ee lacagta lagu raaco basaska.

Shirkadda TOTAL oo iyadu kooto ku haysata Shidaalka Somaliland, isla markaana maamusha haamaha Kaydka Shidaalka Berbera ayaa sare u qaadday qiimaha shidaalka, gaar ahaan Naaftada oo ay kordhisey ku dhowaad 70%. Waxayna ku soo beegantay xilligan oo dalka ay ka jirto abaar kulul oo dad duunyoba saamaysay, meelo badan oo dalka ka mid ahna uu ka socdo biya-dhaamis, isla markaana ay dadweynuhu la ildaran yihiin culayska sicir-bararka maceeshadda ee beryahan dambe dalka ka jira.

Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer ayaa iyana ilaa shalay ganacsatada leh kaalmaha Shidaalka lagu iibiyaa ay ku jireen shaqa-joojin, kadib markii qiimaha Shidaalku cirka isku shareeray.

Jawaabta Xukuumadda:

Wasiirka Ganacsiga Somaliland, mudane Cismaan Qaasim Qodax oo saaka u saxaafadda ugu warramay xafiiskiisa ayaa sheegay in kor u kaca Shidaalka iyo badeecadaha daruuriga ahiba aanay ahayn wax Somaliland oo keliya ka jira, balse dunida oo dhan uu ka jiro korodhka qiimaha Shidaalka iyo cuntaduba. Waxana uu xaqiijiyey in Shirkadda TOTAL ku kordhisey Foostada Naafatada ah $ 62 (Laba iyo Lixdan Doolar), taas oo noqonaysa 43%, Foostada Batroolka ahna ay ku kordhisey $ 25 (Shan iyo Labaatan Doollar) taas oo noqonaysa 17%, isaga oo sheegay in qiimahaa la kordhiyey uu ku salaysan yahay korukaca qiimaha shidaalka ee dunida.

Wasiirka Ganacsiga oo aanay awooddiisu gaadhsiisnayn Shirkadda TOTAL, waxa uu sheegay in tallaabada keliya ee ay qaadin karaan xukuumad ahaan, si wax looga qabto sicir bararka Shidaalka ay tahay inay ganacsatada yaryar u fasaxaan inay keeni karaan Shidaal, iyada oo looga baahan yahay keliya inay ixtiraamaan shuruucda, cashuurtana ay iska bixiyaan.

Wasiirku waxa uu sheegay in laga bilaabo maanta uu fasax yahay keenista shidaalku. Hase yeeshee, waxa uu sheegay in shidaalka la keeni karo aanu ku jirin ka laga keeno Itoobiya oo uu ku tilmaamay mid Kootarabaan ah.

Magaalada Burco oo kaga jawaabtey kor u kaca qiimaha Shidaalka shaqa-joojin, taas oo saamayn xun ku yeelatay gurmadka Biya-dhaamiska lagu badbaadinayo dadka iyo xoolaha hawdka gobolka Togdheer ayaa Badhasaabka Gobolkaasi waxa uu xukuumadda isla shalay u soodiray baaq qaylo-dhaan ah oo uu ku dalbanayo in la ogolaado in dadku ay shidaal dalka keeni karaan.

Shirkadda TOTAL ayaa marar hore sare u qaadday qiimaha Shidaalka, taas oo sababtay in gaadiidleydu ka cawdeen. Waxayna xukuumaddu markasta xal uga dhigaysey cabashadaas inay fasaxdo in shidaalka laga keeni karo meelkasta, balse ma aha mid sii socota.

Kor u kaca shidaalka Shirkadda TOTAL ayaa ah kii ugu sarreeyey.

Ka hor intii aanu dhaqangelin kor u kaca shidaalku ayaa waxa soo baxay warar sheegaya in Madaxweyne Riyaale ku amray Shirkadda TOTAL inay joojiso iibinta Shidaalka, si ay u yarayso xaddiga laga dalbanayona ay kordhiso qiimaha Shidaalka. Warkani waxa uu soo baxay maalin kadib markii Guurtidu ku dhawaaqday go’aanka abuuray muranka iyo xaaladda xasaasiga ah ee ay muddada xilka ugu kordhisey Madaxweynaha, waxaana la filayaa in ujeeddadu tahay in Shidaalkaasi uu noqdo kayd ay isticmaalaan ciidamadu, maadaama uu xaaladda aad uga werwersan yahay. Wararkaas tibaaxay in Madaxweyne Riyaale amray kor u qaadista Shidaalka, waxa xaqiiqadiisa xoojinaya kor u kaca 43% ee sida Gaarka ah loo saaray Naaftada, halka Batroolku uu waxoogaa yar ka sarrayn jirey Naafatada, maadaama Batroolka ay isticmaalaan baabuurta yaryar.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


TOP

182 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Obamo-mania: How the Growing Phenomenon Felt up North

Mohamed A. Awale

Comments on the First American Presidential Debate of 2008

Ibrahim H. Gagale.

Mujaahid cabdiraxmaan iyo mujaahid ibraahim dib ah isu xisaabiyeen.

Maxamed Jaamac Cali (faroole).

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno.

Hamud Duale

Hangaraarac Lug Ka Go’day Uma Dhutiyo Gar Diidna Waa Alle Diid Ee Garabka Cabdiraxmaan Aw-Calow Maxaad Gartii U Diideen Adinkoo Og Gardarradiina!!!

Qalinkii: Shueib A. Yusuf

GARAW LAGUUMA HAYEE GAR CEEBLA MA MARSANAYSAA INA AW CALI FAARAXOOW

HASSAN KHADAR

Maxaa kugu doortaa mar kale Dahirow?

Daha Farah

The Kulmiye Wonderful Drama

Mohamud Tani

Mulacyaynta iyo jiitankan inaan dani ku jirin waa muuqatey.

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

Kulmiye miyuu burburey mise wuu bislaadey?!!!!.

Osman Omar Dool

ROGE:Sheeko wacani waa in ay sidan ahaataa!

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

SOMALILAND A STATE OF FAULTLESSNESS

Mohamed Omar

Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi..

Khadar Aw Axmed Camir

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid

Foosi Saleban Aw-Bindhe

Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

C/casiis Xirsi Cumar

Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”

Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad

Miyaanay Daw ahayn Inay Darka kuu galaanoo intay idin Doojiyaanoo Galaanka idiin Daraan

Abdillahi Dabey

Garnaqsoo Wax Ii Sheeg Gefna Waa Halkiisee

Mohamed Ismail

Cabdirahmaan Aw Caliyow Xasuuso Dhoolatuskii 2003 iyo Codadkii Aad Ka Keentey

Amina Hagi Mohamoud

Buugtii 2007 Soo Baxday Yaa Tartansiiyey

Jamac Dhalaax

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

HAMBALYO TV SOMALILAND EUROPE ee Stockholm, Sweden oo Toban jirsaday.

Hambalyada Ciidda ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE