Cumar Jaamac, Wakiilkii UDUB Uga Metalayay Arimaha Doorashooyinka Oo Xubinimadiisii Guddiga diiwaangelintana Lagu Bedelay Nin Reer Awdal Ah
Hargeysa(Geeska)- Xisbiga tallada haya ee UDUB ayaa bedelay xubintii xisbigooda uga wakiilka ahayd arrimaha koomishanka doorashooyinka, gaar ahaan guddiga diiwaangelinta Md. Cumar Jaamac Faarax, ka dib markii sida la sheegay uu Madaxweyne Rayaale shaki ka galay kalsoonidii uu ku qabay arrimihii uu xisbigu u igmaday.
Sida ay ilo xogogaali u sheegeen Geeska Afrika Cumar Jaamac Faarax, waxa lagu bedelay Maxamed Ibrahim Rijaal (Saajin) oo dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka Awdal ee uu Madaxweyne Rayaale u dhashay.
Go’aankan lagu bedelay Cumar Jaamac, oo aan si rasmi ah loo shaacin, waxa la sheegay inuu saxeexay Cismaan Garaad Maxamed, oo ka mid ah madaxda sare ee xisbiga UDUB, ka dib markii uu Madaxweyne Rayaale amar ku bixiyay in Cumar Jaamac laga bedelo hawsha uu xisbigaas uga wakiilka ahaa ee arrimaha Koomishan iyo diiwaangelinta.
Cumar Jaamac Faarax, oo ka mid ahaa ragga lagu tiriyo inay aad ugu dhow-dhow yihiin Madaxweyne Rayaale islamarkaana ahaa nin aad u difaaci jiray xisbiga UDUB, lama garanayo sababta rasmiga ah ee keentay kalsooni darada la sheegay in Madaxweyne Rayaale ka qaaday. Hase yeeshe waxa jira warar sheegaya in arrintiisani la xidhiidho murankii ka dhashay guddiyadii koomishanka iyo diiwaangelinta gobalada bariga ee ay soo magacaabeen guddiga sare ee doorashooyinka iyo xisbiyada oo uu isna ka mid ahaa. Guddiyadaas waxa dhawaan laalay koomishanka doorashooyinka ka dib markii sida la sheegay xisbiga UDUB ka cawday, iyadoo ay go’aankaas xisbiyada Mucaaradku cambaareeyeen….
Guud ahaan xubnaha guddiga diiwaangelinta oo ka kooban 7 xubnood, waxa ay isugu jiraan saddex xubnood oo ay magacaabeen saddexda xisbi, laba Wasaaradda daakhiligu magacawday ioy laba ka socda koomishanka doorashooyinka. Xubintan lagu bedelay Cumar Mr. Rijaal, waxa uu saddex xubnood ka dhigayaa xubnaha ka soo jeeda gobolka Awdal ee ka mid ah guddigaas diiwaagelinta, halka afarta xubnood ee kalena ay ka soo jeedaan gobalada kale ee Somaliland, iyadoo uu guddoomiye u yahay guddigaas diiwaangelinta Md. Ismaaciil Muuse Nuur oo ka tirsan koomishanka doorashooyinka islamarkaana ka soo jeeda gobolka Awdal.
Madaxweyne Rayaale ayaa aasaaskii guddigaas cosaday in lagu darro xubin ka soo jeeda gobolka Awdal, isaga oo ku dooday in beelaha qaar ka maqanyihiin guddiga.
Source: Wargeyska Geeska Afrika,
Hargeysa Somaliland….

TACSI »
Dhambaalo Tacsiyadeed Oo Ka Kala imanaya Daafah Dunida: Marxuum Cali Sheekh Maxamed Jirde