Kaalmaha Shidaalka Burco oo shaqa-joojin kaga jawaabay Qiimaha Shidaalka oo ay Kordhisey Shirkadda TOTAL iyo Saamaynta Biya-dhaamiska Abaaraha

Burco (Somaliland.org) – Ganacsatada kaalmaha shidaalka Magaalada Burco ayaa maanta ku dhaqaaqay shaqo joojin midaysan oo 24kii saacadood la soo dhaafay ay ku hakiyeen iibinta shidaalka qaarkood.

Ganacsatada kaalmaha oo tan iyo 5:30 shantii iyo badhkii galabnimo maalintii shalay si rasmiya u joojiyey iibinta shidaalka naaftada, waxay shaqo joojintooda ku tilmaameen inay salka ku hayso korodhka sicirka shidaalka oo ay shirkada TOTAL ku dhaqaaqday maalintii isniintii la soo dhaafay.

Xamse Cadow Yuurara oo ah afhayeenka ganacsatada kaalmaha shidaalka ee Burco oo maanta kaga hadlayey arintan kulan ay xarunta Gobolka kula yeesheen Gudoomiyaha Gobolka ayaa waxaa uu cadeeyey inay sicirka naaftada ay shirkada Total ku kor dhisay $ 62 Dollor halkii foosto, halka foosatada Batroolkana ku kordhiyeen $25 Dollor.

Afhayeenka waxaa uu warkiisa ku sheegay in foostada naaftada ah oo xilligii hore ay ka siisan jireen shirkadda TOTAL $141 Dollar ay hadda ka dhigtay $203 Dollar, halka ay foostada Batroolka ah ugu iman jirtay $142 Dollar uu hadda marayo $167 Dollar, taasi oo ka dhigaysa in 40% uu kordhay qiimaha shidaalku.

“ Waxay nagu kaliftay in aanu garan wayno waxaanu ku iibin wayno iyo waxa aanu ka helayno,” ayuu yidhi Xamse, isaga oo sababaynaya go’aanka ay ku joojiyeen iibinta shidaalka.

Afhayeenka Ganacsatada Shidaalka waxaa kale oo uu ka cawday in Wasaarada Maaliyadu ay mamnuucday shidaalkii jabnaa ee ka iman jirey xeebaha Soomaaliya iyo weliba waddanka Ethiopia, isla markaaana ay soo rogtay ganaax culus cidii lagu qabto shidaalka Kotorobaanka ah, waxaana uu ku eedeeyeen Wasaarada Maaliyadda inay iyadu qayb ka tahay suququlka shidaalka oo ka jira Magaalada Burco.

Maamulaha Customka Burco Ibraahim Cawil Xaaji Nuur oo aanu kala xidhiidhnay cabashada ganacsatada shidaalka ee ku wajahan wasaarada Maaliyada ayaa waxaa uu sheegay in aanay jirin mushkilad ay wasaarada Maaliyaddu ku leedahay shidaalka, balse waxaa uu ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo arrinta ganaaxa iyo arimaha kale ee laga cabanayo wasaarada maaliyada.

Xaaladan shaqo joojinta shidaalayda waxaa ku soo beegan tay xilli ay ka socoto magaalada Burco hawlaha biyo dhaamiska iyo gurmadka ay hay’adaha ku gudbinayaan biyaha taasi oo ilaa shalay aanay shaqayn gaadiidka biyaha ee ku jira hawlgalka gurmadka abaaraha.

Geesta kalena, Gudoomiyaha Gobalka Togdheer Jaamac Cabdillaahi Warsame Biin ayaa isaguma taar qaylodhaan ah u diray Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxana uu ka dalbaday wasaarada Daakhiliga inay ka jawaabto xaalada halista ah ee ka dhalatay gaadiidka booyadaha ee hakiyey gurmadka biyaha.

Gudoomiyuhu waxa uu Taarka degdega ah kaga codsaday wasaaradiisa in la fasaxo shidaalada kale ee soo galaya Magaalada Burco si aanay u fadhiisan adeega korontada, biyaha, iyo weliba haraadka daran ee ka taagan deegaankada Gobolka qaarkood, taas oo ahmiyadu tahay in ganaaxa laga dhaafo shidaalka si looga helo cashuur tan iyo inta lagu jiro xaalada abaaraha.

Todobaadka gudihiisa ayaa maamulka degmada Duruqsi waxay ku dhawaaqeen in ilaa iyo hada 2 laba qof ugu dhinteen haraad deegaanadooda, kaasi oo ay jiraan meelo kale oo ka mida gobolka Togdheer, oo laga werwersan yahay nolosha dadka iyo duunyada.

Reported Bu Yusuf I Warsame

Ilka Case, Burco.

Xagaa67@hotmail.com


TOP

145 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Kulmiye Waa Aqoontiii iyo Aqoonyahan kii Somaliland,Geesigii Iyo Geesiyiiintii Somaliland,Mustaqbalkii Shacabka somaliland

Cali Kayse Kabadhe

Lib Murkucatay!

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

God Walaal Ha Qodin Haddaad Qoddana Haku Dheeraan Ku Dhicidoontid Ma Ogide!

Shueib A.Yousuf

Election in Mogadishu will be neither fair nor free

Abdi Mohamed Ali

Lafagurka Shirkii Golaha Dhexe Kulmiye 3aad

Abdiaziz A Musa

Lafagurka Shirweynahii Golaha Dhexe ee Kulmiye

Abdiaziz A Musa

Dimuqraadiyada Ayaa Ku Jirta

Musa Adan (Muse Qodaal)

Sooyaalkii iyo Geeddi-socodka Xisbiga Kulmiye iyo xaaladda maanta taagan

Sayid Maxamed Yuusuf

Hambalyo Silaanyo & Saylic

Mohamed Yonis Awale

Xisbiga Kulmiye laanta NORWAY: Hambalyo!

Laanta Norway, Kulmiye

Dildillaaca Kulmiye!

Maxamed Baashe X. Xasan

Hambalyo Shirka Kulmiye

Guddida Fulinta UK

Kulmiyoo Doorta Axmed xaaji cali Cadami

Axmed Xirsi Madar

Kulmiyoow Snmta hore iyo Snmta dambe midkeed dooran?

Cabdale Farah Sigad

Sifooyinka laga rabo qofka madaxdaa

Ahmed Dahir Elmi

Badha Badha Faisal Ali Warabe and the SNM

By Sagal Say Wallahi

Prof. Ismail Are waxa diyaar u ah siddeed boqol oo kun ( 800,000) oo cod.

Ahmedweli Goth

Xubinimada (ACCA) iyo Musharaxa Maxamed Cali Xirsi

Jama Ali Tooxyare(Jama Arani), London, UK

Farriin deg deg ah oo ku socota xildhibaannada ka qayb gelaya shirka KULMIYE ee Burco.

Ahmedweli Sh. Omer

Richard Burton’s Outdated Bigotry Views and the Public Sphere

Mohamed A. Awale

Dildilaaca UDUB Iyo Dayaca Talaabo

Jaamac Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher: Aways Adam Cisman & Muna Muxumed Ismaaciil

Hambalyo Aroos: ABDIRISAQ ISMAIL IYO MUNA WADAAD YARE

HAMBALYO MEHER:Mudane Xariir Ducaale Axmed & Marwo Khadra Cismaan Nuur