Golaha Wakiillada oo Fadhi Albaabadu u xidhan yihiin kaga arrinsaday xaaladda wakhtigan ka taagan dalka

Hargeysa (Somaliland.org) – Golaha Wakiillada Somaliland ayaa shalay yeeshay fadhi albaabadu u xidhan yihiin, kaas oo lagaga wadahadlayey turxaanbixinta golaha dhexdiisa iyo sidii Goluhu mawqif iyo kaalin uga qaadan lahaa xaaladdan cakiran ee dalku haatan marayo.

Fadhigan albaabadu u xidhan yihiin oo uu shirguddoonku u soo jeediyey Golaha fadhigii Axaddii, waxa uu daba joogaa fadhiyo hore oo albaabadu u xidhnaayeen oo uu goluhu yeeshay kalfadhigii hore, kuwaas oo lagaga wadahadlayey turxaanbixinta golaha oo fikradaha xisbiyadu ay kala jiiteen xildhibaanada ka kala yimi saddexda xisbi, taas oo mararka qaarkood caqabad ku noqota hawsha golaha.
Hase yeeshee, warar ku dhowdhow fadhigaa albaabadu u xidhnaayeen ee shalay ayaa sheegaya in ujeeddada ugu weyn ee Goluhu ka arrinsanayaa ay tahay xaaladdan carikan ee dalku haatan galay iyo kaalinta Golaha Wakiilladu ka qaadan karo ama mawqifka uu iska taagayo.

Lama ogaan waxa ka soo baxay fadhigaas, balse, waxa la sheegay in Goluhu u ballamay fadhi kale oo albaabadu u xidhan yihiin Arbacada berrito. Waxayna wararku sheegayaan in fadhigaa Axaddii uu ahaa turxaanbixin keliya.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa dhowaan sheegay in Golaha Wakiilladu door dhexdhexaadin ah ka ciyaari doono xaaladda hadda dalka ka taagan ee ka dhalatay go’aanka Golaha Guurtidu muddada xilka ugu kordhiyey Madaxweynaha oo murangeliyey muddada doorashadu dalka ka dhacayso.

Waxaana la filayaa in fadhiyadan albaabadu u xidhan yihiin ee Goluhu ay ku saabsan yihiin sidii goluhu doorkaas u qaadan lahaa.

Dhinaca kale, Golaha Wakiillada fadhigiisii maanta waxa mudanayaasha loo qaybiyey Xeerka Dhismaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka, xeerkaas oo xukuumaddu u soo gudbisey Golaha, kadibna goluhu ka dooday. Waxaana mudanayaasha loo qaybiyey maanta iyada oo lagu sameeyey wax-ka-beddel ku salaysan dooddii xildhibaanadu ka dhiibteen.

Komishanka Xuquuqul Insaanka oo uu magacaabay madaxweyne Riyaale ayaa shaqanayey iminka muddo 2 sannadood ka badan, kaas oo hoos jooga wasaaradda Caddaaladda, balse u shaqeeya sidii hay’ad xuquuqul Insaanka ilaalisa oo madax bannaan.

Wax-ka-beddelka xeerkan lagu sameeyey ayaa ka dhigaya Komishanka Xuquuqul Insaanka Guddi Qaran oo 7 xubnood ah, kuwaas oo uu Madaxweynuhu magacaabayo isaga oo raacaya shuruudo xeerkaasi tilmaamay, balse, gudahooda iska dooranaya hoggaankooda.

C/risaaq M. Dubbad,

Somaliland.org, Hargeysa.


TOP

221 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008
visit Horyaal.netHoryaal Khamiis 20 November 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

The Somali-speaking PEN and others must apologize toYusuf Shaacir

Yusuf Dirir

QARAXYADII HARGAYSA 29 OCT, WER-WERKA QURBAHA ,AMUSNAANTA XUKUMADA,
Muniir

Muniir Ahmed Cigaal

KULMIYE iyo Cardiff: KULMIYE Ma Keeni Karaa Is Badal..?

Abdiqani Ateyeh

Halkii La Rabay Ayey Gaadhay Ee Yaanay Dawladu Baqan

Mohamed Sugule

Miyey ku adag tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay u sameyaan dadka naafada ah hab ay awoodi-karaan.

Adan Yuusuf Cilmi

Rayaale iyo Xukuumadiisu Ma Ku Cibro Qaadan Doonaan Dhacdadii 29 October ?

Mukhtaar Cabdiraxmaan Togane

Dibu habaynta iyo saxida Dumuqradiyada Somaliland

Omar A Yousuf,

Oo Way Ahaatay…….

Jaamac Gaabuush

Waxqabadka ururka Somaliland Nordic Relief (SNR) 2007-2008
sawir_khadar

Khadar Axmed Barkhad

Tartan Qurbajoogta ee Difaaca iyo Dhismaha Somaliland (Qorshaha Xaaxi)

Omar A/karim Hersi (Xaaxi)

Musharaxiinta jagada Raysalwasaaraha ee xisbiga KULMIYE soo wadaa waa kuwama maxaase lagu kale dooranayaa

Cali Cabdi Warsame

BBC Somali waxay lumisay Milgihii Saxaafadda

Abdirashed Ibrahim Abdirahman

Yaa Caawinaya Qoyskan wada Curyaanka ah?

13 Kii Sababood Ee Keenay Guusha Obama

Cabdiqani Maxamed Khayre

Do not harm the innocent for the sake of security

Abdale Farah Sigad

Cambaarayn iyo Tacsi

Somaliland Community of Metro Chicago

Condolences to the people of Somaliland

Saad I. Samatar, MA, MLIS

Yes we can!

Mahdi Gabose

To the victims of the recent terorrist attack in Sland
saluting_somaliland_flag
Somaliland Haw Midowdo Dagaalka Argagixisada

Jaama Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher - Cabdilqaadir iyo Khadra