13 mudane oo ka tirsan Golaha Guurtida oo Shirguddoonka u gudbiyey Mooshin ay Golaha u soo jeedinayaan in dib loo saxo Go’aankii Mudda-kordhinta Madaxweynaha
Hargeysa (Somaliland.org) – 13 Mudane oo ka tirsan Golaha Guurtida ayaa maanta shirguddoonka golahaas u gudbiyey Mooshin ay Golaha ugu soo jeedinayaan inuu dib u sixid ku sameeyo go’aankii muranku ka dhashay ee ay muddada xilka ugu kordhiyeen Madaxweyne Riyaale.
Qoraalka mooshinka waxay xildhibaannadu dureen qaabkii Goluhu u gaadhey go’aanka oo ay ku tilmaameen mid aan waafaqsanayn sharciga, loona baahnaa in dib u sixid iyo wax ka beddel lagu sameeyo go’aankaas.
Waxa kale oo ay xildhibaanadaasi soo jeediyeen in mudda-kordhintu u baahnayd in lagala tashado dhammaan dhinacyada doorashadu khusayso, Waxayna ka dalbadeen Shirguddoonka in dood laga furo arrintaas is loo iftiimiyo khaladaadka ku jira.
Dhinaca kale, waxay xildhibaanadu ku soo jeediyeen mooshinkooda in dib loo eego, waxna laga beddelo xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo caqabad lagaga dhigayo doorashooyinka.
Xeerka Diiwaangelinta oo uu ku jiro qodob dhigaya in diiwaangelinta codbixiyayaasha la sameeyo Lix bilood ka hor wakhtiga doorashada ayaa Madaxweyne Riyaale qiil sharci uga dhiganayaa mudda-kordhintiisa muranku ka jiro. Waana xeerka uu Madaxweyne Riyaale ku khasbayo Komishanka inuu ku dhaqmo, iyada oo sida wararku sheegayaan Komishankuna uu dalbanayo in wax ka beddel lagu sameeyo xeerkaas.
Mooshinkan waxa loo ballamay Sabtida. Waxayna kala yihiin magacyada xildhibaanada saxeexay:
Xildhibaan Sh. Cabdiraxmaan Sh. Yuusuf Sh. Madar
Xildhibaan Aadan Shire Faarax
Xildhibaan Cabdisalaan Maxamed Siciid
Xildhibaan Axmed Dirir Cali
Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Huruuse
Xildhibaan Cabdirashiid Sh. Cabdillaahi Aadan
Xildhibaan Cawil Xuseen Axmed
Xildhibaan Cawil Cismaan Maxamed (Ina Dawiil)
Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Cabdi (Quulle)
Xildhibaan Muuse Ciise Xamari
Xildhibaan Sh. Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac
Xildhibaan Axmed Daahir
Xildhibaan Sh. Maxamuud Xirsi Faarax
C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah
OPINION »
Mohamed Yonis Awale
Laanta Norway, Kulmiye
Maxamed Baashe X. Xasan
Guddida Fulinta UK
Cabdiraxman Maxamed
Axmed Xirsi Madar
Cabdale Farah Sigad
Ahmed Dahir Elmi
By Sagal Say Wallahi
Ahmedweli Goth
Jama Ali Tooxyare(Jama Arani), London, UK
Ahmedweli Sh. Omer
Mohamed A. Awale
Jaamac Cabdillaahi Suleymaan
Muse Qodaal
Hamud Duale
Mohamed Farah
Abdulaziz M. Al-Somali
C/laahi axmed jama (dhiidhaa
MORE OPINIONS ›
TAHNIYAD »
Hambalyo Aroos: ABDIRISAQ ISMAIL IYO MUNA WADAAD YARE
HAMBALYO MEHER:Mudane Xariir Ducaale Axmed & Marwo Khadra Cismaan Nuur