Guddida Anshaxa iyo Kormeerka Doorashooyinka oo baaq u jeediyey Saddexda Xisbi iyo Guurtida
![]() |
| Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka |
Hargeysa (Somaliland.org) – Guddida Anshaxa iyo Kormeerka Doorashooyinka ayaa ku baaqay in la ixtiraamo, laguna dhaqmo go’aankii saddexda xisbi iyo Komishanku wada gaadheen 09 April 08, si doorasho xor iyo xalaal ahi u dhacdo.
Guddida Anshaxa iyo Kormeerka Doorashooyinka oo ka kooban 15 xubnood oo isugu jira Aqoonyahanno, culima-udiin iyo waxgarad kale oo Komishanka Doorashooyinku magacaabay dhowaan, waxa kale oo ay ugu baaqeen Golaha Guurtida in mudda-kordhinta Madaxweynuhu ay noqoto mid waafaqsan muddeynta doorashooyinka ee jadwalka ay isku raaceen Saddexda xisbi iyo Komishanku 09 April, isla markaana doorashooyinka Dowladaha Hoose iyo Madaxweynuhu u kala horreeyaan sidii ay u kala horreeyeen, taas oo macnaheedu yahay in Doorashada Dowladaha Hoose la soo hormariyo.
Guddidu warsaxaafadeed ay maanta soo saareen, kadib kulan ay ku yeesheen xarunta Komishanka Doorashooyinka, kaas oo ay ujeeddadiisa ku tilmaameen in la derso arrimaha taagan iyo fikradaha dhinacyada siyaasadeed iskaga soo horjeedaan si loo helo xal lagu wada kalsoon yahay, waxa ay baaqaa labada qodob ah soo saareen, markii aanu aragnay ayay yidhaahdeen:
“Go’aankii ay wada gaadheen saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Qaranku, taariikhdu markay ahayd 09/04/08, Hadalada ka soo yeedhaya labada xisbi Qaran ee mucaaridka ah oo ku baaqaya dowlad wadaag ah in la sameeyo marka wakhtiga Madaxweynuhu dhammaado, Baaqa labada xisbi Qaran ee mucaaridka ah oo ku baaqaya in Doorashada Madaxweynaha la soo hormariyo, iyo Go’aanka Guurtidu muddada xilka ugu kordhisey Madaxweynaha.”
Warsaxaafadeedka Guddida oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Guddida, Aadan Baxnaan Xirsi, waxa kale oo ay ugu baaqeen dhinacyada siyaasadda isku haya inay isu tanaasulaan, iyaga oo ilaalinaya danta guud ee dalka iyo dadka. Sidoo kalena, waxa uu dadweynaha ugu baaqay guddidu inay muujiyaan wadajir, meelna uga soo wadajeestaan nabadda iyo xasiloonida.
Inkasta oo hadalka Guddidu u muuqdo mid meel dhexe wax isugu keenaya oo isu minguuriyey mawqifyada xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridka ah, haddana, warar laga helayo ilo ku dhowdhow madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweyne Riyaale uu ka tanaasulayo muddada Guurtidu u kordhisey, balse, uu ku gorgortamayo in aan la soo hormarin doorashada Madaxtooyada, sida labada xisbi ee mucaaridka ahi ku doodayaan iyo in aan hadal la gelin inuu xilka sii hayo ilaa doorashadu dhacayso.
C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


TACSI »
TACSI: Amran Haybe - Xaaska Xaji Xasan Axmed Geedi (Xasan Humbus)