Cuqaal iyo Oday reer Hargeysa ah oo loo xidhay bayaan ay soo saareen

Waxa loo xidhxidhay afkaartooda ku wajahan muddo kordhinta Riyaale

Hargeysa (Somaliland.org) – Laba Caaqil iyo Oday ka mid ahaa koox cuqaal ah oo dhowaan Hargeysa ka soo saaray bayaan beeleed oo ay kaga soo horjeeddaan Mudda-kordhinta Madaxweynaha, ayaa la xidhay maanta.

Chief Caaqil Deeq Cabdillaahi Cali ayaa Radio Horyaal iyo Somaliland.org u xaqiijiyey galabta in Chief Caaqil Keyse Bade Cabdille, Caaqil Baashe Cismaan Yuusuf iyo Oday Jaamac Simane la xidhay maanta, iyada oo boolisku ka qabqabtay meelo kala duwan oo magaalada Hargeysa ah, isla markaana la doondoonayo cuqaal iyo odayaal kale oo uu isagu ka mid yahay.

Cuqaasha la xidhxidhay oo ka mid ah madax-dhaqameedyada beel ka mid ah beelaha waaweyn ee Hargeysa (Arab), waxa xadhigooddu ka dambeeyey bayaan ay cuqaasha iyo odayaasha beeshaasi soo saareen 13 April oo ay kaga hadlayeen xaaladda siyaasadeed ee dalku wakhtigan marayo iyo mawqifka beel ahaan ay ka taagan yihiin arrimaha socda, kaas oo ay ku caddeeyeen inay ka soo horjeedaan mudda-kordhinta Guurtidu u ansixisay Madaxweyne Riyaale oo ay ku tilmaameen sharci-darro iyo inay taageersan yihiin heshiiskii saddexda xisbi iyo Komishanku ka gaadheen wakhtiga doorashooyinka iyo diiwaangelintu qabsoomayaan.

Caaqil Deeq Cabdillaahi oo arrintaasi ka hadlayey ayaa sheegay in baaqaasi uu ka soo baxay shir ay isugu yimaaddeen cuqaal fara badan, kadib markii ay odayaashu wax iska weydiiyeen ayuu yidhi xaaladda dalku wakhtigan ku jiro oo uu ku tilmaamay mid aan laga aamusi karin. Waxana uu sheegay in cuqaashu soo dhoweeyeen heshiiskii saddexda Xisbi iyo Komishanka oo ay u arkeen mid dejiyey dareenkii dadweynaha, balse, uu carqaladda abuuray, dalkana jaahwareer geliyey go’aankii Guurtidu muddada xilka ugu kordhisey Madaxweynaha.

Sidaa darteed, waxa uu sheegay Caaqilku in Cuqaashu ay gudatey xilka ka saaran dalka iyo dadka ee ah inay tilmaamaan wixii nabadgelyada iyo xasiloonida iyo horumarka dalka waxyeelaya. Waxana uu sheegay in mawqifkaas ay isaga iyo cuqaasha kaleba taagan yihiin, xadhig iyo hanjabaadna aanay kaga noqonayn.

Caaqilku waxa uu ku tilmaamay xadhiga cuqaasha wax aanu filayn inay Somaliland ka dhici karto oo la yaab leh.

Dhinaca kale, waxa uu Caaqil Deeq soo qaaday Cuqaal kale oo reer Hargeysa ah oo xalay iyaguna ka hadlay Telefishanka Dowladda, kuwaas oo difaacayey Xukuumadda iyo mudda-kordhinta Guurtida, isla markaana dadka ka sheeganayey magaalada Hargeysa, gaar ahaan siyaasiyiinta mucaaridka. Waxana uu sheegay inuu xalay Telefishanka dowladda ka arkayey cuqaashaas oo ka hawlaysa xaaladda, uuna u arko in cuqaashu kala aragti duwanaan karo arrinta.

“Marka Dalka taladiisu halkay ku fiican tahay cidda ka hadasha ayaa sidan loo cabudhinayaa bay ila tahay,” ayuu yidhi Caaqil Deeq.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


TOP

ANNOUNCEMENTS »

Conf. Call by S/land American Council

27 July 08 @ 1pm ET- Keynote Speaker; Vice President Ahmed Yusuf Yassin

102 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Ha la sameeyo wixii rag yeeli jiray.

Mohamed Hussein Roble

Diridhabe & Maqaalkisi “Maxad Ka Taqaana Xaaska Madaxweynaha (Huda Barkhad)

Xabiib Adan Cabdi

Faysal Cali waraabe ma shirka beesha Bariga Burco ku qabsanayso Garadag uun baa muuqday

Abdihakin hersi

Madaxda UDUB & UCID oo ku fashilmay…

Maxamed Haaruun

Doorashada musharrixiinta Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ee Kulmiye siday u dhici doontaa?

Ahmedweli.

Who Is Ismail Mumin Aar?

Haybe Omar

Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye & halka uu maraayo

Adan Yuusuf Cilmi

Jawaab: Kulmiye waa inuu Shirkiisa ku qabsado Hargaysa.

Cali Maxamuud Case (London)

Maamulka Saaxil maxay isu hortaageen dhismaha dugsiga

Mohamed osman

Ayaxa Ku Habsaday Somaliland!!!

Axmed Xasan Cali(like)

Reer Kulmiyow, ma runtaynu qarxinaa mise beenbaynu ku rafanaa

Maxamud Nour (Xariif)

The cloak-and-daggers boys Inc. of Somaliland

Sagal Say Wallahi

The Unjust Transfer of the Ambulance of Erigavo Hospital

Sanaag Development Organization

Goormuu Noqday Ciidankii Qaranka Somaliland

Shueib A. Gaboose

Kulmiye waa inuu shirkiisa ku qabsado HARGAYSA

Engr. Omar Yousuf.

Arrinku Riig Ka Qoto Dheer

Axmed Ismaciil

Dahabshiil Ducaysane

Farid Cadani, Hargeysa

Unguided talking head

Mahdi Gabose.

Talo Xumada Siyaasada Beesha Maxamed Case Waxay

Saleebaan Ahmed Daauud

Dood Muranka Miisanka Maansada

Jaamac Cabdillaahi Suleymaan

Tartankii Musharaxiinta Kulmiye oo bilaabmay

Yusuf Daahir Geelle

Labakaclaynta Siyaasadda Xisbiga Kulmiye

Jamaal Cabdilaahi

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher:

Hambalyo Aroos