Komishanka Doorashooyinka oo Caddeeyey inay ixtiraamayaan, kuna dhaqmayaan Heshiiskii ay la gaadheen Saddexda Xisbi

Hargeysa (Somaliland.org) - Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay inay ixiraamayaan, kuna soconayaan heshiiska Saddexda xisbi iyo Komishanku isla qaateen ee ay ka gaadheen wakhtiga diiwaangelinta iyo doorashooyinku qabsoomayaan. Waxayna si rasmi ah u shaaciyeen wakhtiga xisbiyada iyo Komishanku ku heshiiyeen ee loo cayimay Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta.

Komishanka Doorashooyinka Qaranku warsaxaafadeed ay galabta soo saaray oo ay ku wada saxeexan yihiin Lixda (6) ee Komishanka Doorashooyinka, waxay ku sheegeen:- “Komishanka Doorashooyinka Qaranku:

  • - Markii uu arkay qodobada Dastuurka ee la xidhiidha sharciyadda Komishanka iyo shaqadiisa.
  • - Markii uu arkay Xeerka Doorashada, Xeer No. 20/2001, qodobkiisa 14aad, farqaddiisa 1aad iyo awoodda uu u siinayo Komishanka inuu cayimo wakhtiga Doorashooyinku dhacayaan.
  • - Markii uu tixgeliyey ra’yiga guud ee bulshada iyo ka axsaabta siyaasadda, isla markaana garawsaday muhiimadda sii wadista iyo joogteynta geeddi socodka dimuqraadiyadeed si loo gaadho is-faham siyaasadeed oo wakhtiga dheer Somaliland ku socoto.
  • - Markii uu wadatashi ballaadhan oo dhinacyo badan leh la sameeyey qayb ballaadhan oo ka mid ah dadweynaha Somaliland, ayna ku jiraan wakiillo ka socda ururrada bulshada iyo natiijada aqoonta buuxda ee aanu u leenahay xaaladda gobolku wakhtigan ku sugan yahay iyo codbixiyayaasha maxalliga ah ama bulshada dalka gudihiisa, isla markaana aanu yaqiinsan nahay muddada kooban ee ka hadhsan wakhtiga doorashada.

Komishanka Qaranka ee Doorashooyinka Somaliland iyo saddexda xisbi qaran waxay ku heshiiyeen dariiq shaxaysan (Road Map) loo marayo diiwaangelinta Codbixiyayaasha iyo wakhtiyada doorashooyinku dhacayaan (elections Time table), kuwaas oo kala ah:

  1. Diiwaangelinta Codbixiyayaashu maalinta ay dhammaanayso 05/10/08
  2. Doorashada hore maalinta la qabanayo 06/10/08
  3. Doorashada labaad maalinta la qabanayo 31/12/08

“Komishanku wuxuu ixtiraamayaa, kuna camalfalayaa heshiiskaa ay la gaadheen xisbiyada siyaasadda, kaas oo ka soo baxay wadaxaajoodyo horseeday heshiis saxeexan, dhinacyada ay khusayso oo dhamina u arkaan wax la isla wadaqaatay oo heshiis lagu yahay.

Waxaanu ugu baaqaynaa dadka reer Somaliland inay dulqaad yeeshaan, siina wadaan nabadda iyo xasilloonida,” ayuu Komishanku ku soo gebagebeeyey warsaxaafadeedkiisa.

Waxaana wada saxeexay dhammaan xubnaha Komishanka, marka laga reebo xubinta dibadda ka joogta shaqada, Mr. Axmed Maxamed X. Daahir, kuwaas oo kala ah:

  1. Maxamed Ismaaciil Maxamed (Guddoomiye)
  2. Xirsi Cali X. Xasan (Guddoomiyekuxigeen)
  3. Ismaaciil Muuse Nuur
  4. Jaamac Maxamuud Cumar
  5. Maxamed Yuusuf Axmed
  6. Xasan Maxamed Cumar

Go’aankan Komishanka ayaa ah mid si toos ah uga jawaabaya go’aanka Golaha Guurtidu mudda xilka ugu kordhiyeen Madaxweyne Riyaale inuu xilka sii hayo sannad dambe, kuna cayimeen wakhtiga doorashada Madaxtooyadu dhacayso oo ay ku sheegeen inay tahay bil ka hor dhammaadka muddada sannadka ah ee ay u kordhiyeen, kaas oo baalmarsan heshiiska saddexda xisbi iyo Komishanku ku isla qaateen ee ay ka gaadheen wakhtiga doorashooyinka iyo diiwaangelinta codbixiyayaasha.

Labada xisbi ee mucaaridka ah ayaa ku gacan-saydhay muddada Guurtidu u kordhisey Madaxweyne Riyaale, isla markaana sheegay in aanay Madaxweyne u aqoonsanayn Daahir Riyaale marka muddada xilkiisu dhammaato badhtamaha bisha May. Sidoo kale, Midowga Yurub iyo Deeq-bixiyayaasha kale ee Somaliland ka caawiya doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda ayaa walaac ka muujiyey go’aanka Guurtidu ku burinayso heshiiskii saddexda xisbi iyo Komishanku ka gaadheen wakhtiga doorashooyinka iyo diiwaangelinta.

Hase yeeshee, xisbiga UDUB oo wax ka saxeexay heshiiska Saddexda xisbi iyo Komishanka ayaa isagu taageeray muddada Guurtidu u kordhisey Madaxweynaha, taas oo macnaheedu yahay inuu xisbigaasi ka baxay heshiiskaas uu saxeexay.

Golaha Guurtida ayaa go’aankooda mudda-kordhinta Madaxweynaha ku saleeyey qodobka 83aad, farqadda 5aad ee Dastuurka oo awood u siinaya Golaha Guurtida inay Madaxweynaha u kordhiyaan muddada xilka haddii doorashooyinku u qabsoomi waayaan sabab nabadgelyo darteed. Waxaana lagu cambaareeyey in go’aankaasi uu yahay sharci darro maadaama aanay dalka ka jirin nabadgelya-darro, sababta doorashooyinku u qabsoomi waayeenna aanay ahayn xaalad nabadgelyo oo dalka ka jirta. Waxa kale oo ay Guurtidu cayintay wakhtiga ay dhacayso doorashada Madaxtooyada oo ay u cayimeen inay noqonayso 06 April 2009, taas oo iyana la sheegay inay tahay mid ka baxsan awoodda Guurtida, Komishankuna u xilsaaran yahay cayimidda maalinta doorashadu qabsoomayso.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


TOP

ANNOUNCEMENTS »

Conf. Call by S/land American Council

27 July 08 @ 1pm ET- Keynote Speaker; Vice President Ahmed Yusuf Yassin

102 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Ha la sameeyo wixii rag yeeli jiray.

Mohamed Hussein Roble

Diridhabe & Maqaalkisi “Maxad Ka Taqaana Xaaska Madaxweynaha (Huda Barkhad)

Xabiib Adan Cabdi

Faysal Cali waraabe ma shirka beesha Bariga Burco ku qabsanayso Garadag uun baa muuqday

Abdihakin hersi

Madaxda UDUB & UCID oo ku fashilmay…

Maxamed Haaruun

Doorashada musharrixiinta Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ee Kulmiye siday u dhici doontaa?

Ahmedweli.

Who Is Ismail Mumin Aar?

Haybe Omar

Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye & halka uu maraayo

Adan Yuusuf Cilmi

Jawaab: Kulmiye waa inuu Shirkiisa ku qabsado Hargaysa.

Cali Maxamuud Case (London)

Maamulka Saaxil maxay isu hortaageen dhismaha dugsiga

Mohamed osman

Ayaxa Ku Habsaday Somaliland!!!

Axmed Xasan Cali(like)

Reer Kulmiyow, ma runtaynu qarxinaa mise beenbaynu ku rafanaa

Maxamud Nour (Xariif)

The cloak-and-daggers boys Inc. of Somaliland

Sagal Say Wallahi

The Unjust Transfer of the Ambulance of Erigavo Hospital

Sanaag Development Organization

Goormuu Noqday Ciidankii Qaranka Somaliland

Shueib A. Gaboose

Kulmiye waa inuu shirkiisa ku qabsado HARGAYSA

Engr. Omar Yousuf.

Arrinku Riig Ka Qoto Dheer

Axmed Ismaciil

Dahabshiil Ducaysane

Farid Cadani, Hargeysa

Unguided talking head

Mahdi Gabose.

Talo Xumada Siyaasada Beesha Maxamed Case Waxay

Saleebaan Ahmed Daauud

Dood Muranka Miisanka Maansada

Jaamac Cabdillaahi Suleymaan

Tartankii Musharaxiinta Kulmiye oo bilaabmay

Yusuf Daahir Geelle

Labakaclaynta Siyaasadda Xisbiga Kulmiye

Jamaal Cabdilaahi

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher:

Hambalyo Aroos