Waxgaradka Togdheer oo Bayaan ka soo saaray Xadhiga Oday Reer Burco, Deyr Maxamed Cilmi
Burco (Somaliland.org) - Bayaan ay soo saareen xalay waxgaradka iyo aqoonyahanka reer Togdheer ayay ku cambaareeyeen xadhigga sharci-darrada ah ee lagula kacay qaar ka mid ah odayaasha iyo dhallinyarada reer Burco oo lagu xidhay magaalada Haraysa iyagoo aan wax dambi ah galin, balse marmarsiiyo looga dhiganayo wax aanay gayin.
Haddaba, bayaankan oo ay ka saxeexnaayeen in ka badan laba boqol oo xubnood oo waxgaradka reer Togdheer ah waxa uu u dhignaa sidan:
“Haddaanu waxgaradka reer Togdheer waxaannu cambaaraynaynaa xadhigga lagula kacay Oday Deyr Maxamed Cilmi oo ka mid ah waxgaradka iyo odayaasha reer Togdheer, isla markaana kaalin weyn ka soo qaatay shirarkii nabadeynta beelaha, sidaa dareteed ay nasiib-darro tahay in maanta xadhiggiisa marmarsiiyo looga dhigo wax aanu gayin waana wax laga xishoodo in la yidhaahdo wax buu qarxinayay Deyr Isagaa cid walba uga lexejeclo badan Somaliland.
Waxa ayaan daro ah in Odayaasha sharafta leh laga dhex qafaasho suuqa dhexdiisa, mana noqonayso in qof muwaadin ah oo aan dambi lahayn maalin kasta si sharci daro ah looga qaado xorriyaddiisa.
Haddaba, waxaannu ugu baaqaynaa xukuumadda inay si dhakhso ah u soo dayso Deyr Maxamed Cilmi iyo xubnaha kale ee la xidhay, haddii kale waxay u muuqanaysaa in dawladdu horseedayso khalkhal nabadgelyo iyo deganaasha la’aan. Isla markaana loo dulqaadmaayo in cadaadis iyo cagjuglayn ay dawladdu kula kacdo dadka muxtarimka ah ee aan dambi lahayn, xadhigga Deyr Maxamed Cilmi-na waa mid la garan karo ujeeddooyinka ka dambeeya ee laga leeyahay iyo kuwa ka dambeeya qabashadiisa”.
Xigasho: Togdheernews
Burco.

TACSI »
TACSI: Amran Haybe - Xaaska Xaji Xasan Axmed Geedi (Xasan Humbus)