Saamaynta Mudda-kordhinta Guurtidu Go’aamisey iyo Wefti ka socda Midowga Yurub oo booqasho ku yimi dalka

Hargeysa (Somaliland.org) - Xaflad Caawa loo ballansanaa in guddoomiyayaasha Saddexda xisbi si rasmi ah ugu saxeexaan heshiiskii ay wada gaadheen saddexda xisbi iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranku ayaa baaqday, kadib markii Golaha Guurtidu maanta muddo sannad ah u kordhiyey Madaxweynaha muddada xilka.

Heshiiska Saddexda Xisbi iyo Komishanka oo ay iskula qaateen qorshe-hawleed loo dhigay diiwaangelinta iyo doorashooyinka oo wakhtiyaysan, waxa martigeliyey Akadeemiyada Nabadda iyo Horumarinta Somaliland oo ay gacan siinaysey hay’adda Inter Peace oo Midowga Yurub uga wakiil ah fulinta mashruuca ay ku caawinayaan doorashooyinka iyo dimuqraadiyadaynta Somaliland. Waxayna muujinaysaa baaqashada xafladdaasi niyadjabka dhinacyadii heshiiskaas ka qaybqaatay uu ku keenay go;aanka Guurtidu muddada ugu kordhiyey Madaxweynaha.

Dhinaca kale, weftiga ka socda Komishanka Midowga Yurub ayaa galabta booqasho ku yimi dalka, waxayna galabta iyo caawa kulamo la yeesheen Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Akadeemiyada Nabadda iyo Horumarinta Somaliland.

Sida ay sheegeen warar ku dhowdhow kulamadaas, weftigu waxay hay’adahaas ka xogwaraysteen arrinta doorashooyinka Somaliland iyo khilaafaadka ka dhashay muddada la qabanayo doorashada, waxaana la sheegay in Komishanku u caddeeyey weftiga Midowga Yurub inay ku taagan yihiin heshiiskii Saddexda Xisbi iyo Komishanka, mudda-kordhinta Guurtida iyo wakhtiga ay u cayimeen doorashada Madaxtooyadana aanay tixgelinayn.

Wararku waxay intaas ku dareen in Midowga Yurub oo ku deeqay 75% lacagta ku baxaysa Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka Somaliland ay caddeeyeen in aanay wax lacag ah bixinayn haddii aan lagu soconayn heshiiska saddexda xisbi iyo Komishanku gaadheen.

Weftigu waxay berrito la kulmayaan xisbiyada.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


TOP

ANNOUNCEMENTS »

Conf. Call by S/land American Council

27 July 08 @ 1pm ET- Keynote Speaker; Vice President Ahmed Yusuf Yassin

102 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Ha la sameeyo wixii rag yeeli jiray.

Mohamed Hussein Roble

Diridhabe & Maqaalkisi “Maxad Ka Taqaana Xaaska Madaxweynaha (Huda Barkhad)

Xabiib Adan Cabdi

Faysal Cali waraabe ma shirka beesha Bariga Burco ku qabsanayso Garadag uun baa muuqday

Abdihakin hersi

Madaxda UDUB & UCID oo ku fashilmay…

Maxamed Haaruun

Doorashada musharrixiinta Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ee Kulmiye siday u dhici doontaa?

Ahmedweli.

Who Is Ismail Mumin Aar?

Haybe Omar

Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye & halka uu maraayo

Adan Yuusuf Cilmi

Jawaab: Kulmiye waa inuu Shirkiisa ku qabsado Hargaysa.

Cali Maxamuud Case (London)

Maamulka Saaxil maxay isu hortaageen dhismaha dugsiga

Mohamed osman

Ayaxa Ku Habsaday Somaliland!!!

Axmed Xasan Cali(like)

Reer Kulmiyow, ma runtaynu qarxinaa mise beenbaynu ku rafanaa

Maxamud Nour (Xariif)

The cloak-and-daggers boys Inc. of Somaliland

Sagal Say Wallahi

The Unjust Transfer of the Ambulance of Erigavo Hospital

Sanaag Development Organization

Goormuu Noqday Ciidankii Qaranka Somaliland

Shueib A. Gaboose

Kulmiye waa inuu shirkiisa ku qabsado HARGAYSA

Engr. Omar Yousuf.

Arrinku Riig Ka Qoto Dheer

Axmed Ismaciil

Dahabshiil Ducaysane

Farid Cadani, Hargeysa

Unguided talking head

Mahdi Gabose.

Talo Xumada Siyaasada Beesha Maxamed Case Waxay

Saleebaan Ahmed Daauud

Dood Muranka Miisanka Maansada

Jaamac Cabdillaahi Suleymaan

Tartankii Musharaxiinta Kulmiye oo bilaabmay

Yusuf Daahir Geelle

Labakaclaynta Siyaasadda Xisbiga Kulmiye

Jamaal Cabdilaahi

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher:

Hambalyo Aroos