Labada xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE oo mawqif midaysan ku diidey go’aanka Guurtida ee mudda-kordhinta: “Marka 15/05/2008 Riyaale uma aqoonsanayno Madaxweyne”
Hargeysa (Somaliland.org) - Labada Xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE, ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan go’aanka Golaha Guurtidu muddada xilka ugu kordhiyey Madaxweyne Riyaale oo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah oo lagu burburinayo heshiiskii xisbiyada iyo Komishanku gaadheen. Waxayna caddeeyeen in aanay u aqoonsanayn Daahir Riyaale Kaahin inuu yahay Madaxweynaha Somaliland marka la gaadho 16ka bisha May 2008.
Labada Xisbi ee mucaaridka ah, warsaxaafadeed wadajir ah oo ay caawa soo saareen, kadib kulan ay kaga wadatashanayeen go’aanka Golaha Guurtidu muddada ugu kordhiyey Madaxweyne Riyaale, waxa ay ku sheegeen saddexda xisbi iyo Komishanku ay shalay 09/04/2008 isku raaceen qorshe-hawleed (Time-line) ay ku cadyihin wakhtiga Komishanku ku hirgelin karo diiwaangelinta codbixiyayaasha, isla markaana doorashada ku qaban karo.
Waxayna intaas ku dareen in qorshe hawleedkaas oo dhigaya in labada doorasho ee soo socda ay kala qabsoomaan 06/10/2008 iyo 31/12/2008, isla markaana heshiiska xalay laga gaadhey ee ay isla qaateen Komishanka iyo Saddexda xisbi uu qaboojiyey walaacii shacbigu ka qabey dib u dhaca doorashooyinka, lagana soo dhoweeyey dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba, iyaga oo si gaar ah u xusay in heshiiskaas ay si diirran u soo dhoweeyeen deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawiya doorashooyinka.
Hase yeeshee, labada xisbi waxay nasiibdarro ku tilmaameen in Guurtidu iyaga oo ka warhayey in wadahadalkaasi u socdo Komishanka iyo Axsaabta, la iskuna afgartay ay maanta soo saareen go’aan aan haba yaraatee wax tixgelin ah siinin heshiiska saddexda xisbi iyo Komishanku gaadheen.
Sidaa darteed, labada xisbi ee mucaaridka ahi, waxay deedafeeyeen go’aankaa Golaha Guurtidu muddada ugu kordhiyey Madaxweyne Riyaale oo ay ugu horrayn ku tilmaameen inuu yahay mid sharciga baalmarsan. Waxayna warsaxaafadeedkooda ku sheegeen inay ummadda u caddaynayaan:
- In “go’aan-ku-sheeggaasi” i aanu ku fadhiyin wax sharciyad ah, maadaama qodobka 83 (3) ee ay u cuskadeen go’aankaas aanu waafaqsanayn duruufta maanta jirta ee nabadgelyada ah, sidaas darteedna, qodobkaa isticmaalkiisu uu yahay mid lagu gefey
- In aanay Odayaasha “go’aan-ku-sheeggaasi” gaadhey awood-sharci u lahayn inay doorasho muddeeyaan ee cidda qudha ee sharci ahaan u muddeyn kartaa doorasho ay tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka.
- In sababta nabadgelyo darrada ah ee aan jirin ee ay ku saleeyeen “go’aan-ku-sheeggaasi” uu dalka iyo dadka Somaliland ku yahay meel-ka-dhac, khatarna ku yahay himiladoodii aqoonsi-doonka ahayd.
- In Odayaashaasi “go’aan-ku-sheegga” aanay u gaadhin danta ummadda, balse uga doorbideen dantooda gaarka ah.
- In “go’aan-ku-sheeggaasi” laalay deeqihii iyo taakulaynihii bulshada caalamku gelinaysey geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee dalka.
- In “go’aan-ku-sheeggaasi” uu yahay mid iska horimanaya marka la eego inay aqbaleen taariikhda doorashada hore qabsoomayso oo ay ka qaateen heshiiskii saddexda xisbi iyo Komishanku isla gaadheen, halka doorashada dambe ee ay u riixeen xiliga ay ku dhawaaqeen ay u cuskadeen nabadgelyo-darro aynaan ogeyn.”
Waxa kale oo ay labada xisbi ku caddeeyeen warsaxaafadoodkooda wadajirka ah mawqifka labada xisbi ka qaateen go’aankan golaha Guurtidu muddada ugu kordhiyey Madaxweyne Riyaale, kaas oo ah:
- Inay ixtiraamayaan heshiiskii saddexda xisbi iyo Komishanku isla gaadheen, diyaarna u yihiin in la dhaqangeliyo.
- Inay si adag uga soo horjeedaan “go’aan-ku-sheegga” lagu burburinayo heshiiskaas xisbiyada iyo Komishanku isla qaateen oo aanay marnaba aqoonsanayn.
- In marka la gaadho 16/05/2008 aanay labada xisbi iyo shacbiga Somaliland u aqoonsanayn mudane Daahir Riyaale Kaahin Madaxweyne, maadaama muddadii loo doortay ku egtahay 15/05/2008. Waxa looga gudbayona labada xisbi wadahadal uga socdo.
Warsaxaafadeedkaas waxa ku saxeexan labada Guddoomiye ee labada xisbi ee mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE, mudane Faysal Cali Waraabe iyo mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhi aan qorshaysnayn oo ay maanta yeesheen, muddo sannad ah ugu kordhiyey Madaxweyne Riyaale oo muddadiisa xilku ku egtahay 15/05/2008. Waxayna u cuskadeen mudda-kordhintaas qodobka 83aad ee Dastuurka oo sheegaya in haddii doorashooyinku u qabsoomi waayaan sababo xaalad dagaal oo dalku ku jiro awgeed, muddada xilka Madaxweynuhuna dhammaato Golaha Guurtidu u kordhin karo Madaxweynaha muddada iyo heshiis saddexda xisbi iyo Komishanku ka gaadheen wakhtiga la qabanayo doorashooyinka.
Guddoomiyekuxigeenka Komishanka Doorashooyinka, Xirsi Cali X. Xasan ayaa toddobaadkan horraantii sheegay in Madaxweynuhu ka cararayo in xisbiyada iyo komishanku heshiis ka gaadhaan wakhtiga doorashooyinku qabsoomayaan, kadib markii Madaxweynuhu Komishanka weydiistey inay u soo gudbiyaan wakhtiga ay doorashooyinka ku qaban karaan, iyada oo uu socdey komishanku kala yeelanayey axsaabta qorshe hawleed ay u dejiyeen qabashada doorashooyinka.
C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah
OPINION »
Cali Kayse Kabadhe
Ibrahim S. Yusuf-Bulay
Shueib A.Yousuf
Abdi Mohamed Ali
Abdiaziz A Musa
Abdiaziz A Musa
Musa Adan (Muse Qodaal)
Sayid Maxamed Yuusuf
Mohamed Yonis Awale
Laanta Norway, Kulmiye
Maxamed Baashe X. Xasan
Guddida Fulinta UK
Axmed Xirsi Madar
Cabdale Farah Sigad
Ahmed Dahir Elmi
By Sagal Say Wallahi
Ahmedweli Goth
Jama Ali Tooxyare(Jama Arani), London, UK
Ahmedweli Sh. Omer
Mohamed A. Awale
Jaamac Cabdillaahi Suleymaan
MORE OPINIONS ›
TAHNIYAD »
Hambalyo Meher: Aways Adam Cisman & Muna Muxumed Ismaaciil
Hambalyo Aroos: ABDIRISAQ ISMAIL IYO MUNA WADAAD YARE
HAMBALYO MEHER:Mudane Xariir Ducaale Axmed & Marwo Khadra Cismaan Nuur