Golaha Guurtida oo Sannad u kordhiyey Madaxweyne Riyaale, doorashada Madaxtooyadana u cayimay wakhti aanu Komishanku la ogeyn
Hargeysa (Somaliland.org) - Shirguddoonka Golaha Guurtida ayaa ku dhawaaqay in Goluhu muddo sannad ah u kordhiyey Madaxweyne Riyaale inuu xilka sii hayo, taas oo ay ku sababeeyeen in doorashooyinku u qabsoomi kari waayeen sababo nabadgelyo xumo oo dalka ka jirta darteed.
Golaha Guurtidu fadhi uu yeeshay maanta, iyada oo ammaanka aad loo adkeeyey, dadka iyo gaadiidkana laga xidhay gebi ahaanba wadada hormarta aqalka Baarlamaanka, waxa shirguddoonku mudanayaasha soo hordhigay warqad Madaxweyne Riyaale u soo qoray Shirguddoonka isla saaka, taas oo uu ugu soo gudbiyey wakhti Komishanka Doorashooyinku u cayimay qabashada Doorashooyinka Deegaanka iyo Madaxtooyada iyo weliba diiwaangelinta Codbixiyayaasha. Waxana uu Madaxweyne Riyaale ugu sheegay Guurtida warqaddaas ugu sheegay wakhtiyada Komishanku u muddeeyey diiwaangelinta iyo doorashooyinka, isaga oo sheegay in diiwaangelinta codbixiyayaasha ay u cayimeen in la dhammaystiro Oktoobar 4, 2008, doorashada Golayaasha Deegaankana la qaban doono 06 Oktoobar, 2008, doorashada Madaxtooyadana loo cayimay 31ka Dec. 2008. Waxana uu u tilmaamay Madaxweynuhu in Guurtidu waafajiso mudda-kordhinta Xeer No. 20/2001, xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanka iyo xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha.
Sidaa darteed, Golaha Guurtidu waxay Madaxweyne Riyaale u kordhiyeen muddo Sannad ah oo ku eg 06 May 2009, iyaga oo doorashada Madaxtooyadana dib u riixey, una cayimay 06 April, 2009.
Guddoomiyekuxigeenka 2aad ee Golaha Guurtida, mudane Siciid Jaamac Cali oo go’aankaas mudda-kordhinta ku dhawaaqay, kadib markii uu muddanayaasha u akhriyey warqadda Madaxweynaha ayaa ku macneeyey dib u riixista wakhtiga doorashada Madaxtooyada in xeerarka Madaxweynaha u tilmaamay, gaar ahaan, xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo Deegaanka uu dhigayo in Lix (6) bilood u dhexeeyo labada doorasho ee Deegaanka iyo Madaxtooyada.
Shirguddoonka Guurtidu waxa uu sheegay in ay tixraacayaan, go’aankoodana ay ku salaynayaan heshiis xalay ay wada gaadheen saddexda xisbi iyo Komishanka Doorashooyinku, kadib wadahadal ay ka qaybgaleen wakiillo ka kala socda saddexda xisbi qaran, kaas oo ay iskula qaateen jadwalka wakhtiyaysan ee Komishanku u dejiyey oo cayimaya wakhtiga diiwaangelinta iyo doorashooyinka. Hase yeeshee, go’aankan Guurtidu muddada ugu kordhisey Madaxweynuhu waxa uu baalmaray heshiiskaas, isaga oo cayimay wakhtiga ay dhacayso doorashada Madaxtooyadu.
Heshiiska saddexda xisbi iyo Komishanku iskula qaateen muddada Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka ayaa la sheegay in uu cayimay wakhtiga labada doorasho oo keliya, balse, weli wadahadal ka furan yahay labada doorasho ee Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada, taas oo uu Madaxweyne u turjmey in doorashada hore [waa sida ay u qoreene] ay tahay doorashada Golayaasha Deegaanka oo loo cayimay.
Guddoomiyekuxigeenka 2aad ee Golaha Guurtida, mudane Siciid Jaamac, waxa uu golaha u sheegay inay u cuskanayaan mudda-kordhintaa qodobka 83aad ee Dastuurka, Farqaddiisa 5aad oo sheegaysa in Golaha Guurtidu u kordhinayo Madaxweynaha muddada xilka haddii doorashooyinku u qabsoomi kari waayaan xaalad dagaal oo dalka ka jirta darteed. Waxana uu sheegay in dalka ay ka jirto nabadgelyadarro, dagaallo iyo duruufo kale, isaga oo si gaar ah u tilmaamay gobolka Sool oo xaruntiisa Laascaanood dhowaan gacanta dowladda soo gashay iyo Sanaag-bari, dhulkaas oo uu sheegay inay lagama maarmaan tahay in doorashooyinku ka dhacaan.
Fawdo iyo jujuub:
Go’aankaa mudda-kordhinta ee Shirguddoonku soo gaadhey, ayaa isla markiiba Shirguddoonku ku dhawaaqay in cod loo qaado, waxaana ka dhashay buuq hafiyey golaha, kadib markii Xoghayaha Awoodda badan ee Goluhu uu hadalka u diidey xildhibaanno dhawr ah oo dalbanayey in sharraxaad laga bixiyo mawduuca iyo inay fikrad ka dhiibtaan arrinta.
Sidaa darteedna, Xoghayuhu wuxuu cod u qaaday arrintaa iyada oo uu golaha ka jiro buuq iyo waysaaq, waxana uu iskaga dhawaaqay natiijo weriyayaal badan oo goobjoog ahaa ku tilmaameen mid mugdi ku jiro oo aan sax ahayn, isaga oo ku dhawaaqay in 61 mudane ay ogolaadeen mudda kordhinta, 3 mudane ay diideen, hal mudanena ka aamusay.
Weriyayaashu waxay sheegeen in tirada xildhibaanada fadhiyey madashu aanay ka badnayn 50 mudane. Saxaafadda ayaa la xaddidey, isla markaana xildhibaanno ka tirsan Golaha Guurtida oo iyagu ka soo horjeedey mudda kordhinta ayaa amar lagu siiyey ilaalada Golaha inay celiyaan.
Dareemada ka dhashay:
Dadweynaha magaalada Hargeysa ayaa si weyn uga xumaaday go’aankan Guurtidu muddada sannadka ah ugu kordhisey Madaxweynaha ee baalmarsan heshiiskii Saddexda xisbi iyo Komishanku ku cayimeen wakhtiga doorashooyinka.
C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

TACSI »
Dhambaalo Tacsiyadeed Oo Ka Kala imanaya Daafah Dunida: Marxuum Cali Sheekh Maxamed Jirde