War Saxaafadeed Xisbiga UCID iyo KULMIYE: Go’aan Wadajir Ah Oo La Xidhiidha Marxalada Cusub Ee La Galay Iyo Arimaha Doorashooyinka
Jamhuuriyadda Somaliland
| Xisbiga Midnimada Iyo Horumarinta Somaliland (KULMIYE) | Xisbiga Caddaaladda Iyo Daryeelka (UCID) |
![]() |
![]() |
Taariikh: 08/04/08
Ku:
Komishanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland
Golaha Guurtida Jamhuuriyada Soomaliland
Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland
UJEEDDO: Go’aan Wadajir Ah Oo La Xidhiidha Marxalada Cusub Ee La Galay Iyo Arrimaha Doorashooyinka
Labada xisbi qaran ee UCID iyo KULMIYE iyaga oo hirgalinaaya himilooyinka ummadda Somaliland waxay aaminsan yihiin in la dhamaystiro hannaanka geeddi socodka dimuqraadiyadeed ee uu ku salaysan yahay qaab dhismeedka hay’adaha (institutions) dawladeed ee Somaliland, kuwaas oo dastuurka qaranku uu si waadix ah u qeexayo inay ku yimaaddaan hannaan doorasho isla markaana uu si cad u tilmaamayo inay mudo go’an xilka hayaan.
Sidaas darteed labada xisbi qaran waxay aaminsanyihiin inay dhamaatay muddadii xilka ee dastuuriga ahayd ee madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka. Waxaanay u arkaan sifaha dhibaatooyinka lagaga gudbi karaa inay tahay mid ku salaysan wadatashi ka yimaadda xisbiyada qaranka.
Hadaba, si loo adkeeyo himilooyinka umada loogana taxadiro burbur distoori ah (constitutional crisis) iyo mid siyaasi ah (political crisis) labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE waxay wadajir u go’aansadeen.
- Inay komishanka qaranka la qaataan jadwalka diiwaangalinta iyo doorashooyinka ee ay xisbiyadu soo bandhigeen.
- In doorashada soo horaysa ee qorshaysan 06/10/08 ay noqoto ta madaxtooyada maadaama ay doorashada madaxtooyadu tahay ta ahmiyada weyn u leh dalka, isla markaana carqaladaha iyo mashaakilka distooriga ah iyo kuwa siyaasiga ah ee hadda taaganba lagaga bixi karo, bulshoweynta caalamka ee inaga taakulaynaysa doorashooyinkuna ay tahay ta ay danaynayaan, iyada oo waliba ay xusid mudan tahay in aanay maanta khasab ahayn inay ta dawladaha hoose soo hormarto kol haddii aanay xisbiyo qaran ka soo baxaynin ururo siyaasadeed (sidii doorashadii 2002-kii).
- In marka la gaadho 16/5/08 ee ay dhamaato muddada xilka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka la dhiso xukuumad wadaaga oo dalka gaadhsiisa ilaa doorashada madaxtooyada.
Ugu danbayn labada xisbi qaran UCID iyo KULMIYE waxay xasuusinayaan golaha sharci dajinta waxa ugu muhiimsan ee ummaddu ay u igmatay inuu yahay ilaalinta distoorka qaranka iyo shuruucda kale ee dalka, ummaddana ay wakiil kaga yihiin.
Sidaa darteed ku xadgudub kasta oo golaha sharci dajintu ku sameeyaan muddada xilalka hay’adaha qaranka sida madaxtooyada iyo golaha sharci dajinta waxay qaranka ku keeynaysaa inay carqaladayso nidaamkii geeddi socodka dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka, waxaanay keeni kartaa xaalad nabad galyo darro.
| Gudoomiyaha Xibiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe | Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo |



TACSI »
Dhambaalo Tacsiyadeed Oo Ka Kala imanaya Daafah Dunida: Marxuum Cali Sheekh Maxamed Jirde