Saddexda Xisbi iyo Komishanka oo ku dhawaaqay Caawa Heshiis ay ka gaadheen wakhtiga Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka

Hargeysa (Somaliland.org) - Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Saddexda xisbi Qaran ayaa caawa fiidkii wada saxeexay heshiis ay ka gaadheen wakhtiga doorashooyinka iyo diiwaangelintu qabsoomayaan, kaas oo ku salaysan jadwal wakhtiyaysan oo Komishanku u gudbiyey axsaabta shalay.

Heshiiskani waxa uu dhigayaa in diiwaangelinta codbixiyayaasha la soo gebagebeeyo 5ta Octoober, laba maalmood kadibna la qabto doorashada ugu horraysa, iyada oo doorashada kalena ay noqonayso Saddex bilood kadib, kuna beegan bisha December, 2008.

Heshiiskan ayaa lagu gaadhey wadahadallo ay martigelisey Akademiyada Nabadda iyo Horumarinta Somaliland oo ay ka qaybgaleen wakiillo ka kala socdey saddexda xisbi qaran, goobjoogna ay ka ahayd hay’adda Inter Peace oo dhinaca farsamada ka caawisa Komishanka, isla markaana ururka Midowga Yurub iyo Deeqbixiyayaasha kale ee Somaliland ka caawiya doorashooyinka iyo Dimuqraadiyadaynta uga wakiil ah fulinta mashaariicda la xidhiidha diiwaangelinta iyo doorashooyinka Somaliland. Waxaana caawa fiidkii lagaga dhawaaqay heshiiskan xaflad lagu qabtay Xarunta Akademiyada ee Magaalada Hargeysa.

Heshiiskan oo soo afjaraya muran iyo dood xasaasi ah oo ka taagan wakhtiga doorashooyinku qabsoomayaan, waxa si rasmi ah ugu saxeexaya Guddoomiyayaasha saddexda xisbi xaflad loo ballansan yahay habeen dambe.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


TOP

135 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008