Labada xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE oo go’aan wadajir ah ka soo saaray sida looga gudbayo marxaladda dalku marayo
Hargeysa (Somaliland.org) - Labada Xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE ayaa go’aan wadajir ah galabta ka soo saaray xaaladda dalku wakhtigan marayo, kadib kulamo xidhiidh ah oo ay kaga wadatashanayeen dib u dhaca doorashooyinka, jadwal cusub oo Komishanku u dhigay doorashooyinka iyo weliba dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha.
Go’aankaa labada xisbi oo ay ku saxeexan yihiin Labada Guddoomiye, mudane Faysal Cali Waraabe iyo Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isla markaana ay u kala direen, Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Golaha Guurtida Somaliland iyo Golaha Wakiillada, waxay labada xisbi Ayideen jadwalka cusub ee Komishanka Doorashooyinku u dhigay qabashada Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka. Hase yeeshee, waxay dalbadeen in la soo hormariyo doorashada Madaxtooyada, halkii ay soo horrayn lahayd doorashada Golayaasha Deegaanka iyo in la dhiso dowlad-wadaag ah marka muddada xilka Madaxweynuhu dhammaato badhtamaha bisha May.
Qoraalka labada xisbi ku soo saareen go’aankooda oo faahfaahsani waxa uu u dhigan yahay sidan:
“Labada xisbi qaran ee UCID iyo KULMIYE iyaga oo hirgalinaaya himilooyinka ummadda Somaliland waxay aaminsan yihiin in la dhamaystiro hanaanka geedi socodka dimuqraadiyadeed ee uu ku salaysan yahay qaab dhismeed ka hay’adaha (Institutions) dawladeed ee Somaliland, kuwaas oo dastuurka qaranku uu si waadix ah u qeexayo inay ku yimaadaan hannaan doorasho isla markaana uu si cad u tilmaamayo inay muddo go,an xilka hayaan.
Sidaas darteed, labada xisbi qaran waxay aaminsan yihiin inay dhammaatay muddadii xilka ee dastuuriga ahayd ee Madaxweynaha iyo Madaxweynekuxigeenka.waxaanay u arkaan sifaha dhibaatooyinka lagaga gudbi karaa inay tahay mid ku salaysan wadatashi ka yimaada xisbiyada qaranka.
Haddaba, si loo adkeeyo himilooyinka ummadda loogana taxadiro burbur distoori ah (Constitutional Crisis) iyo mid siyaasi ah (Political crisis) labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE waxay wadajir u go,aansadeen:
1. Inay komishanka qaranka la qaataan jadwalka diiwaangalinta iyo doorashooyinka ee ay xisbiyada usoo bandhigeen.
2. In doorashada soo horraysa ee qorshaysan 06/10/08 ay noqoto ta Madaxtooyada maadaama ay doorashada madaxtooyadu tahay ta ahmiyada weyn u leh dalka, isla markaana carqaladaha iyo mashaakilka distooriga ah iyo kuwa siyaasiga ah ee hada taaganba lagaga bixi karo, bulshowenta caalamka ee inaga taakulaynaysa doorashooyinkuna ay tahay ta ay danaynayaan, iyada oo waliba ay xusid mudan tahay in aanay manta khasab ahayn inay ta dawladaha hoose soo hormarto kol hadii aanay xisbiyo qaran ka soo baxaynin ururo siyaasadeed (sidii doorashadii2002kii).
3. In marka la gaadho 16/5/08 ee ay dhamaato mudada xilka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka la dhiso xukuumad wadaaga oo dalka gaadhsiisa ilaa doorashada madaxtooyada.
Ugu danbayn labada xisbi qaran UCID iyo KULMIYE waxay xasuusinayaan golaha sharci dajinta waxa ugu muhiimsan ee ummaddu ay u igmatay inuu yahay ilaalinta distoorka qaranka iyo shuruucda kale ee dalka, ummaddana ay wakiil kaga yihiin. Sidaa darteeed ku xadgudub kasta oo golaha sharci dajintu ku sameeyaan mudada xilalka hay,adaha qaranka sida madaxtooyada iyo,golaha sharci dajinta waxay qaranka ku keeynaysaa inay carqaladayso nidaamkii geedi socodka dimiuqraadiyada iyo doorashooyinka, waxaanay keeni kartaa xaalad nabadgelyo darro.”
Go’aanka labada xisbi waxa uu soo baxay iyada oo maanta la baajiyey fadhi Golaha Guurtidu doonayey inuu muddo 2 sannadood ah u kordhiyo Madaxweynaha, isla markaana laga wadahadlayo waqtiyayn cusub oo Komishanku u dhigay qabashada diiwaangelinta iyo Doorashooyinka.
C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

TACSI »
Dhambaalo Tacsiyadeed Oo Ka Kala imanaya Daafah Dunida: Marxuum Cali Sheekh Maxamed Jirde