Madaxweyne Riyaale oo Komishanka Doorashooyinka u gudbiyey Warqad uu ku amrayo inay 2 maalmood gudahood ku soo cayimaan wakhtiga doorashadu qabsoomayso

Hargeysa (Somaliland.org) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Sabtidii toddobaakan ee 5/04/2008 u gudbiyey qoraal uu si kama dambeys ah ugu wargelinayo in muddo laba maalmood ah ugu gudbiyaan waqtiga sugan ee ay u cayimeen qabsoomidda diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo doorashada golayaasha degaannada dalka.

Madaxweynaha oo qoraalkiisa uu nuqul ka mid ah wargeyska Jamhuuriya helay, ayaa waxa kale oo uu sheegay in ilaa maalintii la dhaariyey xubnaha Komishanku uu keliya ka hayo qoraal ku meel-gaadh ah oo ay ugu gudbiyeen qabsoomidda doorashooyinka golayaasha deegaannada dalka, balse Madaxweynuhu waxa uu xusay in kulan toddobaadkii hore ay wadayeesheen xubnaha Komishanku ay af-ahaan ugu sheegeen in aanay ku suurtogaleen waqtigaa hore qabsoomidda diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo doorashooyinka golayaasha deegaannada dalka.

Qoraalka Madaxweynaha oo dhammaystiranna waxa uu u dhignaa sidan:

“Mudanyaal; tixraaca maalintii la idiin dhaaryey xilka Komishannimo oo ahayd 09, September 2008, ilaa maanta waxa la idinka sugayey inaad soo gudbisaan waqtigii (Time-table-kii) diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo waqtigii aad ku qaban lahaydeen doorashooyinka dawladaha hoose, ilaa waqtigaas waxa xusid mudan in aad ii soo gudbiseen oo keliya qoraal ku-meel-gaadh ah oo summaddiisu ahayd XDQ/21-W/414/07 kuna taariikhaysnaa 4/12/07, kaas oo aad iigu soo gudbiseen waqtiga aad u cayinteen doorashada deegaannada dalka ilaa 1da July, 2008. Go’aankaas oo markii uu i soo gaadhayba aan Guurtida u gudbiyey iyana ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen.

Haddaba, marar dambe oo aan kulanno yeelanay oo kii ugu dambeeyey ahaa saddex (3) habeen ka hor, waxaad af-ahaan iigu sheegteen in waqtigaa hore ee aad ii soo gudbiseen aannu idiin suurtogelinayn inay idiinku qabsoonto diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo doorashadii golayaasha deegaannada.

Sidaa darteed, waxaan idinku wargelinayaa, idinkuna boorrinayaa in si kama dambays ah oo laba cisho gudahooda iigu soo gudbisaan waqtiga (Time-table-ka) aad u cayinteen inay ku qabsoonto diiwaangelinta codbixiyayaashu iyo doorashooyinka golayaasha deegaannada dalka.

Waxa kale oo aan idinku adkaynayaa in aad ku dhaqantaan, si fiicanna u akhrisataan labada sharci ee kala ah Xeer No: 20/2001 (Xeerka Doorashooyinka Golayaasha Deegaannada iyo Madaxtooyada) iyo Xeerka No: 37/2007 (Xeerka Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha), kuwaas oo si hufan u qeexaya waajibaadkiina Komishan.”

Qoraalka Madaxweyne Rayaale u gudbiyey Komishanka oo aan ilaa hadda la ogayn inay jawaab-celin ka bixiyeen, iyadoo muddada labada maalmood ee uu qabtayna ku ekayd Isniintii shalay, ayaa ah qoraalka uu qaylo-dhaanta dhiilada leh ka bixiyey Guddoomiye-ku-xigeenka Guddiga Doorashooyinka Md. Xirsi Cali Xasan, kaas oo uu ku sheegay in Madaxweynuhu kaga dalbaday muddo-kordhin aan axsaabta lagala tashan, isla markaana ka mid yahay farogelinta xukuumaddu ku hayso hawlaha Komishanka Doorashooyinka.

Haseyeeshee, waxa dhawaaqa Guddoomiye-ku-xigeenka ee jiritaanka qoraalka Madaxweynuhu ku dalbanayo muddo-kordhinta waxba kama jiraan ku tilmaamay Guddoomiyaha Guddiga Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Md. Ismaaciil Muuse Nuur oo sheegay in aannu haba yaraatee jirin wax qoraal ah Madaxweyne Rayaale kaga dalbayo Komishanka Doorashooyinka wax muddo-kordhin ah.

“Wax allaale wax ka jiraa ma jiraan arrintaas, mana jiro qoraal muddo-kordhin ah oo Madaxweynuhu u soo gudbiyey Guddiga Doorashooyinka,” ayuu yidhi Mr. Ismaaciil Muuse Nuur.

Xigasho: Wargeyska Jamhuuriya


[poll=3]


TOP

ANNOUNCEMENTS »

Conf. Call by S/land American Council

27 July 08 @ 1pm ET- Keynote Speaker; Vice President Ahmed Yusuf Yassin

102 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Ha la sameeyo wixii rag yeeli jiray.

Mohamed Hussein Roble

Diridhabe & Maqaalkisi “Maxad Ka Taqaana Xaaska Madaxweynaha (Huda Barkhad)

Xabiib Adan Cabdi

Faysal Cali waraabe ma shirka beesha Bariga Burco ku qabsanayso Garadag uun baa muuqday

Abdihakin hersi

Madaxda UDUB & UCID oo ku fashilmay…

Maxamed Haaruun

Doorashada musharrixiinta Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ee Kulmiye siday u dhici doontaa?

Ahmedweli.

Who Is Ismail Mumin Aar?

Haybe Omar

Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye & halka uu maraayo

Adan Yuusuf Cilmi

Jawaab: Kulmiye waa inuu Shirkiisa ku qabsado Hargaysa.

Cali Maxamuud Case (London)

Maamulka Saaxil maxay isu hortaageen dhismaha dugsiga

Mohamed osman

Ayaxa Ku Habsaday Somaliland!!!

Axmed Xasan Cali(like)

Reer Kulmiyow, ma runtaynu qarxinaa mise beenbaynu ku rafanaa

Maxamud Nour (Xariif)

The cloak-and-daggers boys Inc. of Somaliland

Sagal Say Wallahi

The Unjust Transfer of the Ambulance of Erigavo Hospital

Sanaag Development Organization

Goormuu Noqday Ciidankii Qaranka Somaliland

Shueib A. Gaboose

Kulmiye waa inuu shirkiisa ku qabsado HARGAYSA

Engr. Omar Yousuf.

Arrinku Riig Ka Qoto Dheer

Axmed Ismaciil

Dahabshiil Ducaysane

Farid Cadani, Hargeysa

Unguided talking head

Mahdi Gabose.

Talo Xumada Siyaasada Beesha Maxamed Case Waxay

Saleebaan Ahmed Daauud

Dood Muranka Miisanka Maansada

Jaamac Cabdillaahi Suleymaan

Tartankii Musharaxiinta Kulmiye oo bilaabmay

Yusuf Daahir Geelle

Labakaclaynta Siyaasadda Xisbiga Kulmiye

Jamaal Cabdilaahi

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher:

Hambalyo Aroos