Golaha Guurtida oo Berrito la horgeynayo Mudda-kordhinta Madaxweyne Riyaale oo dhawr sannadood ah

Hargeysa (Somaliland.org) - Golaha Guurtida ayaa la filayaa berrito inuu cod u qaado Mooshin uu muddada xilka ugu kordhinayo ugu yaraan 2 sannadood oo kale Madaxweyne Riyaale oo muddadii xilka loo doortay ku egtahay 15ka bishan April.

Sida ay sheegayaan warar aanu ka helay Ilo xog ogaal ah oo ku dhowdhow Guurtida, go’aankan muddada sanadaha ah loogu kordhinayo Madaxweyne Riyaale waxa gaadhey, golahana soo hordhigaya fadhigiisa berrito Guddi 25 xubnood ah oo Shirguddoonka Golaha Guurtidu u magacaabay qiimaynta xaaladda dalka iyo inay ka soo talabixiyaan sida ay doorashooyinku u qabsoomi karaan.

Waxana uu Shirguddoonku cod qaadis kaga ansixiyey golaha iyada oo buuq iyo muran weyni ka jiro golaha dhexdiisa, mudanayaal badanina ay dalbanayeen in la qeexo, lagana qanciyo ujeeddada guddidaas iyo waajibaadkeeda, halka qaar kalena ay durayeen xubnaha guddida loo magacaabay laftooda. Hase yeeshee, shirguddoonka ayaa codqaadis ku muquuniyey xubnahaas, waxaana lagu ansixiyey 42 mudane oo ogolaaday.

Guddidaas oo uu hoggaaminayo X. Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe) ayaa la sheegay inay isla maanta gelinkii dambeba fadhiisteen xarunta Golaha Guurtida, halkaas oo la sheegay in ciidan boolis ahi ku ilaalinayey. Waxaana la sheegay in guddidaasi go’aamisey in Madaxweyne Riyaale loo kordhiyo muddo 2 sannadood ah, iyada oo wararka qaarkoodna ay sheegayaan in muddada loo kordhinayaa ay tahay 3 sannadood, isla markaana berrito la horgeyn doono golaha si uu cod ugu qaado.

Wararka ilaa caawa saacadihii dambe laga helayey ilaha Guurtidu waxay sheegayaan in Madaxweyne Riyaale loo geeyey caawa 43 mudane oo Guurtida ka mid ah, isla markaana ilaa 30 mudane ay ka soo horjeedaan mooshinkan, kuwaas oo ay ka mid yihiin xildhibaanno iyadu si weyn uga cadhooday fadhigii maanta goluhu ku ansixiyey guddidaas, isla markaana shir jaraa’id oo ay qabteen ku muujiyey in ujeeddo guracani ka dambayso guddidaas.

Mudane Aadan Shire Faarax (Sanweyne) oo ka mid ahaa xildhibaanada maanta ka gadoodey magacaabista guddidaas ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Golaha kadib markii fadhigaasi buuq ku gebageboobey, waxa uu sheegay in qabashada doorashooyinka iyo xaaladdaha la xidhiidha qabsoomiddooda uu u xilsaaran yahay Komishanka Doorashooyinka Qaranku, guddidan Golaha Guurtidu magacaabayna uu u arko in loo diray shaqadii Komishanku lahaa. Waxa kale oo uu ku duray xubnaha guddidaasi inay dhammaantood ka tirsan yihiin xisbiga UDUB, ujeeddo gaar ahna laga leeyahay.

Arrintani waxay timi iyada oo toddobaad keliya uu ka hadhsan yahay muddadii xilka Madaxweynaha oo ku beegan 15 ka April, marka laga bilaabo maalintii doorashada Madaxtooyadu dhacday, isla markaana komishanka Doorashooyinku uu dedaal ugu jiro in xisbiyadu ku heshiiyaan wakhtiga doorashada la qabanayo, kadib markii sida ay sheegeen wakhtigii lagu heshiiyey aan lagaga gaadhsiin karin, heshiiskaas oo lagu salayn lahaa muddada loo kordhinayo Madaxweyne Riyaale. Hase yeeshee, guddoomiyekuxigeenka Komishanka, Xirsi Cali X. Xasan ayaa Sabtidii daboolka ka qaaday in Madaxweyne Riyaale ka cararayo heshiis saddexda xisbi iyo Komishanku ka gaadhaan wakhtiga doorashadu qabsoomayso, sidaa darteedna uu Komishanka u soo qoray warqad uu ku weydiisanayo inay sheegaan wakhtiga ay doorasho ku qaban karaan.

Ma cadda in Komishanku jawaab ka bixiyey warqaddaas iyo in kale.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


[poll=3]


TOP

179 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Obamo-mania: How the Growing Phenomenon Felt up North

Mohamed A. Awale

Comments on the First American Presidential Debate of 2008

Ibrahim H. Gagale.

Mujaahid cabdiraxmaan iyo mujaahid ibraahim dib ah isu xisaabiyeen.

Maxamed Jaamac Cali (faroole).

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno.

Hamud Duale

Hangaraarac Lug Ka Go’day Uma Dhutiyo Gar Diidna Waa Alle Diid Ee Garabka Cabdiraxmaan Aw-Calow Maxaad Gartii U Diideen Adinkoo Og Gardarradiina!!!

Qalinkii: Shueib A. Yusuf

GARAW LAGUUMA HAYEE GAR CEEBLA MA MARSANAYSAA INA AW CALI FAARAXOOW

HASSAN KHADAR

Maxaa kugu doortaa mar kale Dahirow?

Daha Farah

The Kulmiye Wonderful Drama

Mohamud Tani

Mulacyaynta iyo jiitankan inaan dani ku jirin waa muuqatey.

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

Kulmiye miyuu burburey mise wuu bislaadey?!!!!.

Osman Omar Dool

ROGE:Sheeko wacani waa in ay sidan ahaataa!

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

SOMALILAND A STATE OF FAULTLESSNESS

Mohamed Omar

Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi..

Khadar Aw Axmed Camir

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid

Foosi Saleban Aw-Bindhe

Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

C/casiis Xirsi Cumar

Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”

Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad

Miyaanay Daw ahayn Inay Darka kuu galaanoo intay idin Doojiyaanoo Galaanka idiin Daraan

Abdillahi Dabey

Garnaqsoo Wax Ii Sheeg Gefna Waa Halkiisee

Mohamed Ismail

Cabdirahmaan Aw Caliyow Xasuuso Dhoolatuskii 2003 iyo Codadkii Aad Ka Keentey

Amina Hagi Mohamoud

Buugtii 2007 Soo Baxday Yaa Tartansiiyey

Jamac Dhalaax

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

HAMBALYO TV SOMALILAND EUROPE ee Stockholm, Sweden oo Toban jirsaday.

Hambalyada Ciidda ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE