Labada Xisbi ee Mucaaridka, UCID iyo KULMIYE oo ganafka ku dhuftay go’aanka Komishanku ku tirtirayo Guddiyada Doorashooyinka ee gobolada iyo Degmooyinka loo magacaabay: Xukuumadda oo sheegtay in Komishanku fashilmay

Hargeysa (Somaliland.org) - Labada xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE ayaa ganafka ku dhuftay Go’aan Komishanka Doorashooyinka Qaranku ku laalay guddiyadii Komishanka Doorashooyinka ee laga soo dhisay gobolada iyo degmooyinka Dalka.

Labada Xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE, warsaxaafadeed wadajir ah oo ay galabta soo saareen, kadib shir ay maanta yeesheen labada xisbi oo ay kaga wadatashanayeen go’aankaas oo uu Komishanku gaadhey Sabtidii, waxay ku tilmaameen ayaandarro iyo arrin fajiciso ah in Komishanku uu aqbalay cabasho xisbi keliya oo ah xisbiga talada haya ee UDUB uu u gudbiyey Komishanka isla Sabtidii go’aanku soo baxay ee 5 April, dhegahana ka furaystay cabashadii labada xisbi ee Mucaaridka ahi u gudbiyeen oo Komishanka hor taalley muddo bil ka badan.

Warsaxaafadeedkaas oo ay wada saxeexeen labada Guddoomiye ee labada xisbi, UCID iyo KULMIYE, Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Maxamed Siilaanyo, isaga oo faahfaahsan wuxuu u qoran yahay sidan:

“Waxay labada Xisbi ee KULMIYE iyo UCID si wada-jir ah halkan ku cadaynayaan, in aanay ogoleyn, raalina ka ahayn go’aanka Tirsigiisu yahay KDQ/XK/513?08 ee ku taariikhaysan 05/04/2008, go’aankaas oo Komishanka Qaranku si xaq-darro ah ugu laaley hawl-wadeenadii Xafiisyadda Komishanka Doorashooyinka ee Gobolladda iyo Degmooyinka Dalka.
Waxa xaqiiqo ahayd oo aan muran ka taagneyn in dacwadda ay isku hayeen Xisbiyadda iyo Komishanka Qaranku ay ku koobneyd saddexda Gobol ee Galbeedka Dalka, ee kala ah Maroodi-jeex, Awdal iyo Saaxil, oo haba yaraatee wax cabasho ah ama dacwad ah oo ka jirey Gobolladda bari (Togdheer, Sool iyo Sanaag) aanay jirin, oo mas’uuliyiintii ka hawl-galay Gobolladaasi si xalaal ah xilkooda u soo guteen, taasoo Wakiiladii saddexda Xisbi iyo Komishankuba ay ku caddeeyeen shirkii Jaraa’id ee ay mas’uuliyiintaasi sida wadajirka ah ugu qabteen xarunta Komishanka, ka dib markay safarkaas ka soo laabteen.
Cabashada labada Xisbi ee mucaaridka ahi ay ka qabaan Gobollada galbeed oo soo taxnayd ilaa maalintii hawshaa loo ambo-baxay, si Xisbiga UDUB ugu gudbo cabasho aan meel mar ahayn oo la xidhiidha Gobolladda bari, wuxuu soo gudbiyey qoraal uu arrintaa kaga hadlaayo 5-tii bisha april, 2008, Ref: UDUB/F/075/08,. Markay gaadhay in komishanku soo saaro go’aan uu liisaskaa kaga saarayo 7-xubnood oo uu u arkay ma-dhaafaan oo ka mid ahaa 27-xubnood oo qoraal wada jir ah oo labada Xisbi Komishanka u gudbiyeen ay hore ugu dureen.
Waxa fajiciso iyo layaab noqotey, in Komishanku aqbaley cabashadii Xisbiga keliya, iskana dhago mariyey inuu qaato go’aan uu u madax bannaan yahay oo uu ku xalilo cabashadii mudada labada bilood ah taagneyd.
Ugu dambayn, waxay labada Xisbi ugu muuqataa in go’aankaa Komishanku ku laaley hawl-wadeenada Komishanka ee Gobollada bari ee loo soo dhaariyey shaqadooda inay burinta uu Komishanku maanta magacaabistoodii buriyaa ay nusqaan ku tahay Komishanka Qaranka laftiisa.
Waxa Komishanka la gudboon inuu hawlihiisa si madax banaan u gutto oo uu ku dhiirado inuu halkii Cabashadu taaley wax-ka-qabto.”

Go’aanka Fadeexadda:

Guddoomiyekuxigeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Xirsi Cali X. Xasan ayaa daboolka ka qaaday in xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB ay faragelin joogto ah ku hayaan Komishanka Doorashooyinka, isaga oo ku hanjabey inuu iscasili doono haddii xukuumaddu faragelinta ka deyn weydo madax bannaanida Komishanka, Sabtidii, kadib markii uu ka cadhooday go’aankaa lagu tirtirayo guddiyadii Komishanka ee laga soo dhisay gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan, isla markaana la tuuray go’aan Komishanku ka gaadhey cabashada labada xisbi ee mucaaridka ahi ka qabaan qaar ka mid ah guddiyada laga soo dhisay Saddexda gobol ee Galbeedka dalka.

Mr. Xirsi waxa uu ku dhalliilay xubnaha Komishanka qaarkood inay u hoggaansan yihiin faragelinta xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB, sidaa darteedna aanay dhexdhexaad u ahayn xisbiyada. Waxana uu tusaale u soo qaatay go’aanka xubnaha kale ee Komishanku ku muquuniyeen ee lagu tirtirayo guddiyadii Komishanka Doorashooyinka gebi ahaanba oo uu sheegay in xubnaha Komishanka ee go’aanka gaadhey ay ku saleeyeen cabasho isla subaxnimadii Sabtida uu keenay Xisbiga UDUB, kaas oo ay ku burburiyeen go’aan Jimcihii xubnaha Komishanku isla qaateen oo ahaa in 7 qof laga beddelo dhawr iyo labaatan ka mid ah guddiyadii saddexda gobol ee Galbeedka, kaas oo xubnaha Komishanku u ballansanaayeen subaxnimadii Sabtida inay si rasmi ah u saxeexaan. Balse, waxa uu sheegay in habeenimadii UDUB ka hawlgashay Komishanka, subaxnimadii Sabtidana uu ugu yimi arrin ka duwan tii ay ku ballansanaayeen.

“Komishanka 7 xubnood oo ay xaq u leeyihiin inay magacaabaan ku dhici waayey ee go’aan ka gaadhi kari waayey ma ku dhici karaan Madaxweyne kursi fadhiya inay yidhaahdaan waa lagaa helaye kac,” ayuu yidhi Xirsi isaga oo tilmaamaya guddoon jilicsanaanta Komishanka.

Dhinaca kale, Ismaaciil Muuse Nuur oo xubin ka ah Komishanka Doorashooyinka Qaranka, isla markaana Guddoomiye u ah Guddida Farsamo ee Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ayaa qiray in Xirsi ka cadhooday go’aan xubnaha kale ee Komishanku isku raaceen oo ah in la laalo magacaabista Guddiyada Komishanka ee Gobolada iyo Degmooyinka dalka. Waxana uu sheegay in go’aankaas ay u arkeen xal dhexdhexaad ah, kadib markii ayuu yidhi Xisbiga UDUB-na ay keeneen cabasho ay ku durayaan guddiyada laga soo dhisay gobolada bariga iyo degmooyin ka tirsan gobolka Hargeysa.

Mr. Ismaaciil waxa uu qiray in cabashadii labada xisbi ee Mucaaridka ah ee liisaska Komishanka ee Saddexda Gobol ee Galbeedka ay go’aan ka gaadheen, balse, cabashada xisbiga UDUB ay kala tuurtay. Waxana uu ku dooday in go’aanka laalista guddiyada Doorashooyinka ay u arkeen xalka ugu dhexdhexaadsan, maadaama ayuu yidhi ay suurageli weydey in la helo xal saddexda xisbiba ku qanacsan yihiin, isla markaana Guddida Doorashooyinka aan wakhtigan loo baahnayn, wakhtigii ay hawlgelayeenna aan la gaadhin.

Xirsi Cali X. Cali ayaa ah mid ka mid ah labadii xubnood ee Komishanka ee Xisbiyada mucaaridka ahi soo xuleen, iyada oo xubintii kale, Mr. Axmed Maxamed X. Daahir uu isaguna hore uga cadhooday Komishanka, shaqadana laga joojiyey, kadib markii uu saluug ka muujiyey qaabka Komishanku u shaqaynayo iyo lugta xukuumaddu ku leedahay. Waxaanay ka dhigaysaa xubnaha laga cabanayo ama lagu eedaynayo inay u hoggaansan yihiin faragelinta xisbiga UDUB iyo Xukuumadda 5ta xubnood ee kale oo 3 ka mid ah uu soo xulay Madaxweyne Riyaale, 2da kalena uu soo magacaabay Golaha Guurtida, kuwaas oo iyagana la rumaysan yahay in Madaxweynuhu u daba-ka-dhiibey.

Weerarka Xukuumadda ee Komishanka:

Dhinaca kale, Xukuumadda Madaxweyne Riyaale ayaa ku dhalliishay Komishanka Doorashooyinka Qaranka karti darro iyo inay yihiin kuwo aan gudan karin xilka.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, Cali Maxamed Warrancadde oo ka mid ah Weftiga Madaxweynekuxigeenku hoggaaminayo ee booqashada ku jooga Gobolka Sanaag ayaa hadal uu meel fagaare ah uga jeediyey dadweynaha magaalada Ceerigaabo ku sheegay in Komishankan cusubi uu xilkii gudan kari la’yahay, lagana sugayo inay doorashooyin iyo diiwaangelin dalka ka qabtaan.

Waxana uu Cali Warancadde u soo jeediyey xubnaha Komishanka inay u shaqeeyaan, dalkana wax ugu qabtaan sidii Komishankii hore, haddii kale ay meesha banneeyaan oo ay ummadda u sheegaan in ay ku fashilmeen shaqadii loo diray, si ummaddu cid kale ugu dirato hawshaas.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


[poll=3]


TOP

182 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Obamo-mania: How the Growing Phenomenon Felt up North

Mohamed A. Awale

Comments on the First American Presidential Debate of 2008

Ibrahim H. Gagale.

Mujaahid cabdiraxmaan iyo mujaahid ibraahim dib ah isu xisaabiyeen.

Maxamed Jaamac Cali (faroole).

Markay kooxi Orgootaba ma Asooli Karayno.

Hamud Duale

Hangaraarac Lug Ka Go’day Uma Dhutiyo Gar Diidna Waa Alle Diid Ee Garabka Cabdiraxmaan Aw-Calow Maxaad Gartii U Diideen Adinkoo Og Gardarradiina!!!

Qalinkii: Shueib A. Yusuf

GARAW LAGUUMA HAYEE GAR CEEBLA MA MARSANAYSAA INA AW CALI FAARAXOOW

HASSAN KHADAR

Maxaa kugu doortaa mar kale Dahirow?

Daha Farah

The Kulmiye Wonderful Drama

Mohamud Tani

Mulacyaynta iyo jiitankan inaan dani ku jirin waa muuqatey.

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

Kulmiye miyuu burburey mise wuu bislaadey?!!!!.

Osman Omar Dool

ROGE:Sheeko wacani waa in ay sidan ahaataa!

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

SOMALILAND A STATE OF FAULTLESSNESS

Mohamed Omar

Bulaalow Horta Waad Hadashay Intii Mooyahaagu Kuu Qaadi..

Khadar Aw Axmed Camir

Togdheer: Fadeexadii Ugu Weynayd ee Soo Food Saartay Wariyayaasha Reer Burco Abid

Foosi Saleban Aw-Bindhe

Xisbiga Kulmiye oo sameeyey isbeddel siyaasadeed oo cusub

C/casiis Xirsi Cumar

Faysal Cali Waraabow ” Fudayd Yaanu Ku Qaadin Ee Jawaabtaada Ka Fiirso”

Cabdisamad Sheekh Xasan Meecaad

Miyaanay Daw ahayn Inay Darka kuu galaanoo intay idin Doojiyaanoo Galaanka idiin Daraan

Abdillahi Dabey

Garnaqsoo Wax Ii Sheeg Gefna Waa Halkiisee

Mohamed Ismail

Cabdirahmaan Aw Caliyow Xasuuso Dhoolatuskii 2003 iyo Codadkii Aad Ka Keentey

Amina Hagi Mohamoud

Buugtii 2007 Soo Baxday Yaa Tartansiiyey

Jamac Dhalaax

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

HAMBALYO TV SOMALILAND EUROPE ee Stockholm, Sweden oo Toban jirsaday.

Hambalyada Ciidda ee Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE