Komishanka oo ku Dhawaaqay in ay Laaleen Dhammaan Liisaskii Guddiyada Doorashooyinka ee Gobollada Dalka

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa daboolka ka qaaday in ay laaleen liisaskii guddiyada doorashooyinka ee dhowaan loo magacaabay dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka Somaliland.

Sidaa waxa caddeeyey Guddoomiyaha Guddiga Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, ahna xubin ka tirsan Komishanka Qaranka Mr. Ismaaciil Nuur oo qaar ka mid ah saxaafadda maxalliga ah shalay ugu warramayey xarunta Guddiga Doorashooyinka ee magaalada Hargeysa, waxaannu sheegay inay xubnaha Komishanku go’aan ku gaadheen in la laalo dhammaan xubnahii dhowaan loo magacaabay guddiyada doorashooyinka ee gobolladda iyo degmooyinka ee dalka oo dhan. Haseyeeshee, waxa uu tilmaamay in aanay laalistaas qayb ka ahayn guddiyada diiwaangelinta codbixiyeyaasha, kuwaas oo uu xusay in ay yihiin guddiyo farsamo, haddana ku gudo-jiraan hawlihii loo xilsaaray, isla markaana aanay axsaabtu cabasho weyn ka muujin magacaabistooda.

Mr. Ismaaciil waxa kale oo uu waraysigaa kaga hadlay aragtidiisa ku saabsan dhawaaqii ka soo yeedhay Guddoomiye-ku-xigeenka Komishanka Doorashooyinka Md. Xirsi Cali X. Xasan ee ku sheegay in xukuumaddu farogelin xooggan ku hayso hawlihii Guddiga Doorashooyinka, sidaa darteedna aanay suurtogal ahayn inay sii shaqeeyaan, isla markaana xilka iska casilo doono, isagoo sheegay in hadalka Md. Xirsi ka dhashay laalista liisaskii guddiyada doorashooyinka gobollada iyo degmooyinka dalka, kadib markii xubnaha kale ee Komishanku sidaa isla garteen, balse uu isagu ku gacan-saydhay.

Waxa kale oo Md. Ismaaciil Nuur sheegay in aannu haba yaraatee jirin qoraal uu Madaxweyne Rayaale kaga dalbay Guddiga Doorashooyinka inay u sameeyaan muddo-kordhin, haseyeeshee wuxuu xusay in ay dhawrkii maalmood ee u dambeeyey kulamo gooni-gooni ah la yeesheen masuuliyiinta saddexda xisbi qaran iyo Madaxweynaha.

Ugu horreyn, Md. Ismaaciil oo iftiiminayey go’aanka ay ku laaleen dhammaan liisaskii guddiyadda doorashooyinka ee gobollada dalka iyo cabashooyin axsaabta qaranku ka bixiyeen qaar ka mid ah xubnaha Komishanku hore u magacaabeen, waxa uu yidhi; “Xubnaha Komishanku waxay isla garteen in la laalo dhammaan liisaskii loo xulay guddiyada doorashooyinka ee dhowaan loo magacaabay gebi ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka, kadib markii labada xisbi mucaarad cabasho ka muujiyeen qaar ka id ah xubnaa loo xuslay gobollada galbeedka Somaliland, iyadoo sidoo kalena xisbiga talada hayaa uu Sabtidii la soo dhaafay dacwad uu kaga cabanayo xubno ka mid ah guddiyada doorashooyinka ee gobollada bari, kuwaas oo ay qof-qof u soo qoreen magacyada xubnaha ay diidan yihiin iyo arrimaha ay kaga cabanayaan.

Sidaa daraadeed annaga oo aan soo gudbinta cabashooyinka saddexda xisbi qaran waqti eegin waxaannu isla garanay in la laalo dhammaan liisaskii guddiyada doorashooyinka gobollada iyo degmooyinka Somaliland ee hore Komishanku u shaaciyey, kuwaas oo aan hadda wax hawl ah hayn, xafiisyana fadhiyin, markaa maadaama aanay doorashooyinkii dhowayn oo aan ilaa hadda axsaabta iyo Komishanka Doorashooyinku isla meel dhigin waqtiga ay dalka ka qabsoomayaan guddiyadii hore loo magacaabay waxaannu isla garanayn in waxba kama jiraan laga dhigo, marka doorashada la muddeeyo kadibna laga wada tashado oo wax laysla oggol yahay ay noqdaan.”

Waxaannu intaa ku daray oo yidhi; “Hase ahaatee, arrimahaas waxa nagu diiday Guddoomiye-ku-xigeenka Komishanka doorashooyinka Md. Xirsi Cali X. Xasan, waana sababta uu salka ku hayo hadalkii welwelka badan shacbiga ku riday ee uu shalay (Sabtidii) saxaafadda siiyey Md. Xirsi.”

Mr. Ismaaciil oo ka hadlayey aragtidiisa ku wajahan dhawaaqa Guddoomiye-ku-xigeenka Komishanka Md. Xirsi Cali X. Xasan ku hanjabay inuu iscasili doono, iyadoo uu horena xilkii isaga casilay Guddoomiyihii Guddiga Doorashooyinka iyo farogelinta uu sheegay inay xukuumaddu ku hayso hawlaha Guddiga doorashooyinka, ayaa qiray in ay Komishanka si joogto ah cidhiidhi iyo culays ugu hayaan dawladda iyo saddexda xisbi qaranba, balse waxa uu ka gaabsaday inuu wax ka iftiimiyo farogelinta xukuumadda ee Mr. Xirsi ka dhawaajiyey, isagoo caddaynta arrimahaas ku riixay Guddoomiye-ku-xigeenka Guddiga Doorashooyinka oo uu ku tilmaamay xubin muhiim ah oo aanay ka maarmi karin.

“Md. Xirsi Cali X. Xasan waa xubin aad u muhiim ah oo ka tirsan Komishanka, isla markaana tiir adag u ah hawlaha doorashooyinka ee macnaha muhiimadda weyn u leh qaranka Somaliland.”

Isaga oo Md. Ismaaciil faahfaahin ka bixinayey aragtidiisa ku wajahan dhawaaqii ka soo yeedhay Guddoomiye-ku-xigeenka iyo saamaynta uu ku yeeshay guud ahaan qaranka Somaliland waxa uu yidhi; “Hadalkii Guddoomiye-ku-xigeenka Komishanku saxaafadda siiyey wuxuu ahaa mid naxdin leh oo welwel iyo walaac ku abuuray ummadda iyo deeq-bixiyayaasha innaga caawinaya doorashooyinka, isla markaana dhaawac weyn u geysanaya kalsoonidii Komishanka, hase ahaatee ka hadalka farogelinta Md. Xirsi saxaafadda u sheegay anigu halkaa u dhaafi maayo, balse caddaymaha arrimahaas isaga [Md. Xirsi Cali X. Xasan] ayaa looga fadhiyaa. Haseyeeshee, wuu jiraa culays joogto ah oo Komishanku kala kulmaan dawladda iyo saddexda xisbi qaranba, balse saamaynta tallaabooyinkaas ee hawlaha doorashooyinka waxay ku xidhan tahay karaamadda iyo go’aan-qaadashada xubnaha Guddiga Doorashooyinka.”

Guddoomiyaha Guddiga Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha, ahna xubin ka tirsan Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo la weydiiyey su’aal ku saabsanayd iyadoo xubintii hore looga joojiyey shaqada guddiga Doorashooyinka uu ka yimi xisbiga UCID, sidoo kalena Md. Xirsi oo isna ka soo jeeda KULMIYE hadda iscasilo muuqaalka uu yeelanayo Komishanku, maadaama meesha ka baxeen labadii xubnood ee ay soo magacaabeen xisbiyada mucaaradku, waxa uu sheegay in aan xubnaha Komishanku cid gaar ah wakiil u ahayn kadib marka la dhaariyo, isla markaana si dhexdhexaad ah ugu garsoorayaan siyaasiin tartamaya.

Dhinaca kale, Md. Ismaaciil Nuur waxa uu waxba kama jiraan hadal uu Md. Xirsi Cali X. Xasan ku sheegay in farogelinta xukuumaddu ku hayso hawlaha Komishanka ay sii laba jibbaarantay, kadib markii Madaxweyne Rayaale u soo gudbiyey qoraal uu kaga dalbanayo inay Guurtida u gudbiyaan mooshin muddada xilka loogu kordhinayo oo aan lagala tashan axsaabta, “Wax allaale wax ka jiraa ma jiraan arrintaas, mana jiro qoraal muddo-kordhin ah oo Madaxweynuhu u soo gudbiyey Guddiga Doorashooyinka,” ayuu yidhi Mr. Ismaaciil Nuur.

Xigasho: Jamhuuriya


[poll=3]


TOP

145 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008

Qoraalada Iyo Khaladaadka Madbiciga Ah

OPINION »

Kulmiye Waa Aqoontiii iyo Aqoonyahan kii Somaliland,Geesigii Iyo Geesiyiiintii Somaliland,Mustaqbalkii Shacabka somaliland

Cali Kayse Kabadhe

Lib Murkucatay!

Ibrahim S. Yusuf-Bulay

God Walaal Ha Qodin Haddaad Qoddana Haku Dheeraan Ku Dhicidoontid Ma Ogide!

Shueib A.Yousuf

Election in Mogadishu will be neither fair nor free

Abdi Mohamed Ali

Lafagurka Shirkii Golaha Dhexe Kulmiye 3aad

Abdiaziz A Musa

Lafagurka Shirweynahii Golaha Dhexe ee Kulmiye

Abdiaziz A Musa

Dimuqraadiyada Ayaa Ku Jirta

Musa Adan (Muse Qodaal)

Sooyaalkii iyo Geeddi-socodka Xisbiga Kulmiye iyo xaaladda maanta taagan

Sayid Maxamed Yuusuf

Hambalyo Silaanyo & Saylic

Mohamed Yonis Awale

Xisbiga Kulmiye laanta NORWAY: Hambalyo!

Laanta Norway, Kulmiye

Dildillaaca Kulmiye!

Maxamed Baashe X. Xasan

Hambalyo Shirka Kulmiye

Guddida Fulinta UK

Kulmiyoo Doorta Axmed xaaji cali Cadami

Axmed Xirsi Madar

Kulmiyoow Snmta hore iyo Snmta dambe midkeed dooran?

Cabdale Farah Sigad

Sifooyinka laga rabo qofka madaxdaa

Ahmed Dahir Elmi

Badha Badha Faisal Ali Warabe and the SNM

By Sagal Say Wallahi

Prof. Ismail Are waxa diyaar u ah siddeed boqol oo kun ( 800,000) oo cod.

Ahmedweli Goth

Xubinimada (ACCA) iyo Musharaxa Maxamed Cali Xirsi

Jama Ali Tooxyare(Jama Arani), London, UK

Farriin deg deg ah oo ku socota xildhibaannada ka qayb gelaya shirka KULMIYE ee Burco.

Ahmedweli Sh. Omer

Richard Burton’s Outdated Bigotry Views and the Public Sphere

Mohamed A. Awale

Dildilaaca UDUB Iyo Dayaca Talaabo

Jaamac Cabdillaahi Suleymaan

MORE OPINIONS ›

TAHNIYAD »

Hambalyo Meher: Aways Adam Cisman & Muna Muxumed Ismaaciil

Hambalyo Aroos: ABDIRISAQ ISMAIL IYO MUNA WADAAD YARE

HAMBALYO MEHER:Mudane Xariir Ducaale Axmed & Marwo Khadra Cismaan Nuur