Guddoomiyekuxigeenka Komishanka Doorashooyinka oo xaqiijiyey in xukuumaddu Faragelin joogto ah ku hayso Komishanka, kana digey khataro badan

Xirsi Cali X. Xasan
National Election Commission

Hargeysa (Somaliland.org) - Guddoomiyekuxigeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Xirsi Cali X. Xasan ayaa markii u horreysey daboolka ka qaaday in xukuumaddu lugta jiidayso doorashooyinka soo socda, isla markaana Madaxweynuhu faragelin toos ah ku hayo hawsha Komishanka. Waxana uu ku baaqay inuu isagu iscasili doono haddii xukuumaddu faragelinta ka deyn weydo Komishanka.

Mudane Xirsi oo maanta waraysi khaas ah siiyey Telefishanka Madaxa bannaan ee SL Space Channel, waxa uu shacbiga Somaliland iyo beesha caalamkaba u xaqiijiyey khatar weyn oo Somaliland kaga soo fool leh faragelinta xukuumaddu ku hayso doorashooyinka iyo komishanka laftiisa. Waxana uu ugu baaqay in aqoonyahannada iyo waxgaradka Somaliland inay u soo gurmadaan Komishanka.

Mudane Xirsi waxa uu muujiyey werwer weyn oo uu ka qabo in doorashooyinku dhacaan wakhtiga loo cayimay, isaga oo caddeeyey in Madaxweynuhu uu haatanba ku hawlan yahay sidii doorashooyinka dib loogu dhigi lahaa, muddadana loogu kordhin lahaa, taas oo uu sheegay in Komishankana uu ku cadaadinayo in uu u sharciyeeyo. Waxa kale oo uu xaqiijiyey werwerka ay dad badani ka qabaan in Komishanka hadda jiraa uu dalka ka saari karo doorashooyinka.

Mr. Xirsi, waxa uu sheegay in faragelinta joogtada ah ee Xukuumaddu ku hayso Komishanka marka lagu daro debecsanaanta xubno ka tirsan Komishanku ay u debecsan yihiin fara-gelintaas ama ay jiidatey xukuumaddu ay muujinayso khatar weyn oo Somaliland ka soo wajihi karta Doorashooyinka soo socda.

Waxana uu tusaale u soo qaatay faragelintii xisbiyada mucaaridku ay sheegeen in xukuumaddu ku samaysay dhismaha guddiyadii Komishanka oo ilaa iyo hadda Komishanku go’aan ka gaadhi kari la’yahay.

Waxa uu sheegay in guddiyadaas markii ay labada xisbi ee mucaaridka ahi ka cawdeen la isla qaatay in dib loo eego, isla markaana la isku raacay in dib loogu noqdo oo wax-ka-beddel kooban lagu sameeyo guddiyadaas. Hase yeeshee, xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB ay gaashaanka ku dhufteen wax-ka-beddelkaa kooban, isaga oo sheegay in Xisbiga UDUB iyo Madaxtooyadu ay dalbadeen in sidoo kale dib loogu noqdo guddiyadii Saddexda Gobol ee Bariga oo iyaga saddexda xisbi iyo Komishankuba isku raacsan yihiin, isla markaana wada saxeexeen.

Waxana uu sheegay in labada xisbi ee Mucaaridka ahi ay joojiyeen wada shaqayntii Komishanka, ilaa iyo haddana Komishanku uu gaadhi kari la’yahay go’aan uu ku xallilo khilaafka, kaas oo uu sheegay in sharcigu xaq u siinayo Komishanku inay magacaabaan guddiyada Doorashooyinka ee Gobolada iyo Degmooyinka, marka ay la tashadaan Axsaabta.

Sidaas darteed,na waxa uu sheegay in aanay jirin wax shaqo ah oo iminka Komishanku uu gacanta ku hayo oo ay iska fadhiyaan.

Mudda-kordhinta:

Xirsi Cali X. Xasan waxa uu xaqiijiyey dareemada ku saabsan in Madaxweynuhu doonayo in doorashada dib loo dhigo, isla markaana uu sallaxayo mudda-kordhin Guurtidu ugu duugto dhawr sannadood inuu xilka sii hayo. Waxana uu sheegay in sababta xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB ay tahay in muddada loo kordhiyo Madaxweynaha.

Xirsi, waxa uu xusay warqad uu Madaxweyne Riyaale u qoray Komishanka Doorashooyinka oo uu ku weydiisanayo inay caddeeyaan keliya in aanay doorashooyinku qabsoomi karayn wakhtigii loogu talagalay. Waxana uu sheegay in Madaxtooyadu ka cararayso qorshaha Komishanku wado ee ah in Saddexda xisbi iyo Komishanku ay heshiis ka gaadhaan wakhtiga doorashooyinku qabsoomayaan, haddii laga gaadhsiin waayo wakhtigii loo hore loogu heshiiyey, taas oo uu sheegay in Golaha Guurtidana ay hore uga wadahadleen, isla markaana Guurtidu la qaadatay in wixii saddexda xisbi iyo Komishanku ku heshiiyaan loo soo gudbiyo.

Guddoomiyihii hore ee Komishanka, Maxamed Yuusuf Axmed oo Iscasiley bishii hore ayaa la sheegay in sababta iscasilaaddiisu ay ahayd culays xoog leh oo kaga yimi dhinaca Madaxtooyada oo la xidhiidha arrimaha. Sidoo kale, Guddoomiyekuxigeenka, Mr. Xirsi ayaa isaguna sheegay inuu is casilayo haddii ay sii socoto faragelinta xukuumaddu ku hayso Komishanka, isaga oo sheegay inuu samaynayo la tashi badan oo ku saabsan tallaabada uu qaadayo.

Burburka Komishanka:

Xirsi Cali X. Xasan waa xubintii 2aad ee xisbiyada mucaaridka ahi soo xuleen 7da xubnood ee Komishanka, iyada oo 5ta xubnood ee kale ay soo xuleen Madaxweynaha oo soo xulay 3 xubnood iyo Guurtida oo 2 xubnood soo xushay. Axmed Maxamed X. Daahir oo ahaa xubintii Komishanka ee xisbiga UCID soo xulay ayaa isagu hore uga ambabaxay Komishanka, isaga ka digey khiyaamooyin xukuumaddu ku carqaladaynayso Doorashooyinka.

Axmed Maxamed ayaa isagu dhawr goor oo uu saxaafadda la hadlay waxa uu sheegay in xukuumaddu aanay daacad ka ahayd in doorashooyinku dhacaan wakhtigoodii, isaga oo xubnaha kale ee Komishankana ku dhalliilay in aanay shaqadooda garanayn, waaya-aragnimo la’aanina ay hayso, taasina waxay sababtay in Guddoomiyihii hore ee Komishanka ee iscasiley uu shaqada ka joojiyo xubintaas, kadibna uu dalbado in la soo beddelo.

Dhinaca kale, Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa berrito hortegaya Golaha Wakiillada, halkaas oo lagaga dhegeysanayo warbixin ku saabsan doorashooyinka.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.


TOP

135 days since Presidential term expired on Apr 14, 2008