Archive for April, 2008
Wednesday, April 30th, 2008 Comments Off
Hargeysa (Somaliland.org) – Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa jawaab ka bixiyey khudbaddii Madaxweyne Riyaale shalay u jeediyey labada gole ee Baarlamaanka oo uu dhalliil ugu jeediyey Komishanka Doorashooyinka iyo dhalliilo iyo eedaymo hore oo Madaxweynaha iyo xisbigiisa UDUB qoraallo ugu gudbiyeen Komishanka.
Komishanka Doorashooyinku waxa uu hadalka Madaxweynaha kaga jawaabey warsaxaafadeed xambaarsan xogwarran, garnaqsi, badheedhaha Komishanka iyo [...]
Wednesday, April 30th, 2008 Comments Off
Hargeysa (Somaliland.org) – Madaxweynaha Somaliland, Daahir Riyaale ayaa ku tilmaamay khalad maamul oo ay ka faa’iideysteen wax uu ku tilmaamay “fidna-wadayaal” kacdoonkii dhimashada iyo dhaawaca sababay ee Axaddii, 27 April, ka dhacay magaalada Hargeysa. Waxana uu amray Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo hay’adaha dembi baadhista inay si dhab ah u soo baadhaan ciddii ku lug lahayd [...]
Wednesday, April 30th, 2008 Comments Off
Khadar Aar
Wednesday, April 30th, 2008 Comments Off
Hargeysa (Somaliland.org) – Golihii keli ahaa ee Shacbiga Somaliland sida dimuqraadiga ah u soo doortay, isla markaana ahaa astaan u taagan dimuqraadiyadda Somaliland ayaa ogolaaday inuu hoggaamiyo fadhi la mid ah golihii Shacabka ee Siyaad Barre, isla markaana dhegeysto khudbad keli-taliye aanay wax qiimo ah ugu fadhiyin Wakiillada la soo doortay iyo xuquuqdooda dimuqraadiyadeed ee [...]
Wednesday, April 30th, 2008 Comments Off
Sidaasna waxa uu Cabdiraxmaan Saylici ku sheegay waraysi khaasa oo uu wargeyska Haatuf xalay la yeeshay, kaas oo uu kaga waramay arrimo door ah oo la xidhiidha xaaladda cakiran ee dalku hadda ku jiro, isagoo shabciga gobolka uu Madaxweyne Riyaale ka soo jeedana u soo jeediyay inay xaaladda dalka dhinaca xaqa ka istaagan ee aanay gar-darro ku raacin Madaxweyne Riyaale, haddii laga gar-darran yahayna cidda ka gar-daran u sheegaan.
Tuesday, April 29th, 2008 Comments Off

Sida warara naga soo gaadhay Somaliland caawa ay caddeeyeen waxa Somaliland ka curtay roobabkii Gu'ga. Magaalada Burco ayaa la sheegay in roobabku ka da'ayeen caawa.
Tuesday, April 29th, 2008 Comments Off
Burco (Somaliland.org) – Waxa galabta si heer qaran ah loogu aasay magaalada Burco, Alle ha u naxariistee, Maxamed X. Ducaale Axmed oo ka mid ahaa odayaasha waaweyn ee reer Somaliland, gaar ahaan gobolka Sanaag.
Tuesday, April 29th, 2008 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.org) – Golaha Dhexe ee xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa shirkiisii u horreeyey maanta ku yeeshay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa. Waxana lagu ansixiyey laba qodob oo kala ah
Tuesday, April 29th, 2008 Comments Off
Maxaa shicib-weynaha Somaliland ka indha saabay adeeg la’aanta, hagardaamada, xeeladaha qaawan, iyo qawda maqashii waxna ha u qabanta xukuumadda?
Tuesday, April 29th, 2008 Comments Off

... waxaan idin xasuusinayaa in uu Sharcigu yahay ka ugu sarreeya ee dalkan lagu maamuli doono. Qofka diida inuu ku dhaqmo shuruucda dalka u taala, wuu siqiiri doonaa, Ummadda dhexdeedana maqaam kuma yeelan doono.
Tuesday, April 29th, 2008 Comments Off
Dhamaan shaqaalaha, maamulka iyo hawlwadeenada Somaliland.Org waxa ay halkan tacsi uga dirayaan qoyska reer Xaaji Ducaale iyo shacabka Somaliland’ba geeridda Marxuum Maxamed Xaaji Ducaale (Dhoolayare) oo ku geeriyooday magaaladda Burco. Eheladii iyo asxaabtii marxuumka waxaan Ilahay uga baryaynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo. Marxuumkana waxaan Ilaahay baryaynaa marxuumka inuu u naxariisto oo Janadiisa ka [...]
Tuesday, April 29th, 2008 Comments Off
Burco (Somaliland.org) – Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Jaamac Cabdilaahi Warsame (Biin) ayaa maanta si adag u canbaareyay kulan lagu qabtey magaaladda Burco islamarkaana waxa uga digey Ganacsatada Hudheelada waaweyn in aanay dhiirigalin iny ku gafaan sharciga dalka.
Tuesday, April 29th, 2008 Comments Off
Mustafe Haji Omar
Tuesday, April 29th, 2008 Comments Off
Cabdiqani Yuusuf Caateeye
Tuesday, April 29th, 2008 Comments Off
Daha Farah
Tuesday, April 29th, 2008 Comments Off
Prof Abdisalam Yaasiin Maxamed
Tuesday, April 29th, 2008 Comments Off
Mohamed Ali
Tuesday, April 29th, 2008 Comments Off
Falal noocan ah ayaa ku xigi doona arrintaa shalay Hargeysa, Casimadda Somaliland, ka dhacday, sababta oo ah, Xukuumadda oo u baratay in dadku u dul qaataan qaladaadkeeda ayaa u aragta in Xukunka Somaliland ku haysan karto xaalad abuur noocyadan ah. Bal eega, wax ciidan laga soo buuxiyey casimad Hargeysa.
Tuesday, April 29th, 2008 Comments Off
Waxaa maanta labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada si wada jir ah ugu jeediyey qudbad Madaxweynaha waqtigiisii dhamaanayo ee Riyaale. Hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaya oo malaha loogu tala galay qudbad sanadeedkii ayaa sida lasheegay waxaa fadhiyey 138 mudane oo labada gole ah ...
Tuesday, April 29th, 2008 Comments Off
Habeenkii koowaad ee kartuushkaasi u hoydo dukaankayga il iyo baal isuma keenin, waan werweray, aroortiina neef weyn baa iga soo boodday markaan hubsaday inuu weli halkiisii yaallo oo sidii kor ugu jeedo. Habeenkii xigay tabtii oo kale, oo kii xigay, oo toddobaad iyo mid kale, iyo bil iyo sannad iyo sannado badan, kartuushkii halkiisii uun buu soo yaallaa, kor u jeedaa, waxba kuma kordhaan waxna kama dhacaan.
Tuesday, April 29th, 2008 Comments Off
Hargeysa (Somaliland.org) – Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa la filayaa berrito inuu hortago labada gole ee Baarlamaanka – Guurtida iyo Wakiillada – halkaas oo uu hadal uga jeedin doono xildhibaanada labada Aqal.
Warka sheegaya in Madaxweyne Riyaale berrito hadal u jeedinayo labada gole ee Baarlamaanka oo aan si rasmi ah daboolka looga qaadin, waxa [...]
Tuesday, April 29th, 2008 Comments Off
Hargeysa (Somaliland.org) – Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa jawaab ka bixiyey warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, kaas oo ay Madaxtooyadu si kulul ugaga jawaabtey hadal ka soo yeedhey guddida oo ku saabsan Tacriifadda Dekeddu kordhisey iyo koru kaca qiimaha Shidaalka.
Guddida Dhaqaaluhu qoraal ay maanta soo saareen oo ay ku iftiimiyeen hadalkoodii Madaxtooyadu [...]
Monday, April 28th, 2008 Comments Off
Hargeysa (Somaliland.org) – Labada ee Xisbi Mucaaradka ah, KULMIYE iyo UCID, ayaa si adag ugu cambaareeyey sidii ay xukuumadda Madaxweyne Riyaale ula dhaqantay dadkii muddaharaadka cabashada ah sameeyey shalay, waxayna ku eedeeyeen xukuumaddu inay isticmaashay xoog dheeraad ah oo sababay dhimasho iyo dhaawaca soo gaadhey dad shacab ah.